Home » ANALYSIS & EVENTS » Faalo: Jawaab Waraysiyaddii Loo Nisbeeyay 40-Guuradii Kacaankii Oktoobar

Faalo: Jawaab Waraysiyaddii Loo Nisbeeyay 40-Guuradii Kacaankii Oktoobar

Jawaabta Maxamuud Ghelle Yusuf iyo Waraysiyadii loo nisbeeyey 40-guuradii Kacaanka, Oktoobar 2009

Tuulobarwaaqo-Boramacity.com-Waxaan jeclahay inaan wax ka dhaho waraysiyada cinwaanka ku xusan aan dhegeystey, ay la yeesheen weriyeyaal ka tirsan hayado warfaafineed xubno ka tirsanaan jirey Golihii Sare Kacaanka (SRC), tobanka (10) ka nool qaar ka mida iyo xubno ka tirsanaa ururadii ka horjeedey maamulkii Kacaanka dawlada Soomaaliya, la dagaallamay loo aanayo iyaga iyo dalal shisheeye gacan saar la lahaa, dhaqan baxa ku dhacay maamulkaas bishii Jannaayo 1991kii.

Golihii Sare Kacaanka wuxuu ka koobnaa, shan iyo labaatan (25) xubnood, xubnahaas shan iyo toban (15), ka mid ahaayeen mudanayaal madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, madaxweyne ku xigeen Xuseen Kulmiye Afrax iyo Axmed Maxamuud Faarax way geeryoodeen, ALLAHA u naxariistee. Waxaa ka nool xubnihii Golaha (SRC), toban (10) keliya, kala ah mudanayaal : 1) Maxamed Cali Samantar, Maxamed Cali Shire, Axmed Xasan Muuse, ku nool dalka Ameerika. 2) Mudanayaal Axmed Suleymaan Cabdalla, Cabdulqaadir X. Maxamed Xirsi, Cabdi Warsame Isaaq, Faarax Wacays Duule iyo Maxamuud Geelle Yuusuf jooga Yurub. Faarax Wacays, Faransa ayuu arrima shakhsiya u yimi, wuxuu ku noolyahay ka dhexeyaa magaalooyinka Jabuuti iyo Dirir-Dabe, sidu sheegay. 3) mudane Ismaaciil Cali Abokor, waxaa la sheegay inuu ku noolyahay magaalada Hargeysa. 4) Mudane Cusmaan Maxamed Jeelle, wuxuu ku noolyahay dalka Sacuudiga.

Xogta sare ka dib, aan u dego ujeedada qoraalkan ah, waraysiga ay la yeesheen hayado warbaahineed, xubno ka mida Golihii Kacaanka (SRC). Xubnahaasi waxay yihiin mudanayaal, Maxamed Cali Samantar, Axmed Suleymaan Cabdalla, Cabdi Warsame Isaaq iyo Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Maxamed Faarax Jumacaale, ka mid ahaa hawlwadeenadii waxbarashada dawlada Soomaaliya. Waxaa weriyihii codka Ameerika (V0A), Haaruun Macruuf, isku deyey inuu waraysto, mudanayaal Ismaaciil Cali Abokor iyo Cadulqaadir X. Maxamed, labaduba diidey inay barnaamijka waraysiga ka qaybgalaan. Ismaaciil Cali Abokor, ayuu weriyuhu sheegay  inuu ka xigtey, in curiyeyaasha Kacaanku u qaybsanaayeen:  qaar fikradda lahaa, abaabulayaal iyo ka qaybgalayaal fulinta hawlgalkii Kacaanka. Waxaa la waraystay iyagana mudanayaal Dr. Xasan Cali Mire, Maxamed Abshir Welde (SSDF), Maxamed Xaashi Cilmi (SNM) iyo Prof. Galaguul (USC).

Hayadaha  waraystay dadka sare waxay yihiin: Universal la sheegay in dad soomaaliyeed  leeyihiin iyo codka Ameerika (VOA), Maraykan leeyahay. Sida la ogyahay hayad kasta warfaafineed, wadanka leh ayey danihiisa u adeegtaa, inkastay sidaas tahay mabda’ ahaan, misana waxaa jiri kara kuwo dalal shisheeye si dadban u adeegsadaan. Waxaa isna waraysi laga qaaday, wasiirkii kowaad (1964-1967) hore Soomaaliya, mudane Cabdirisaaq X. Xuseen,  ku saabsanaa dilkii madaxweyne mudane Cabdirashiid Cali Sharma‘arke, 15kii Oktoobar 1969kii, isku waqti lagu beegay waraysiyada kale. Weydiinaha waxaa loo nisbeyey 40 guurada Kacaankii bisha Oktoobar 1969kii ka dhashay Soomaaliya. Waraysiga la xiriira dilkii Abdirashiid Cali Sharma‘arke, barta hiiraanonline baa lagu duubay, inkasta weriye Haaruun ka hadlay. Kolka si fiican loo dhegeysto, waxaan isleeyahay si cad bay u fahamtey soomaalidu ujeeddada hayadaha waraysiga qaaday ka lahaayeen. Aminkaan tilmaamo saddexda waraysi sare ku xusan, Kacaankii lagaga hadlay labada hore (2), midka danbe dilkii Cabdirashiid Cali Sharma’arke, La baahiyey (18, 19, 20 iyo 21)/10/2009kii Oktoobar.

Inkastaan qabo soomaaliyeey inaad garateen danta laga leeyahay, waxaan uga golleeyahay qoraalkan, inaan ujeedadooda isla garanno, si aan uga tabaabushaysanno isaga ilaalinno wax yeelladooda. Eeggaan taariikhda soomaaliyeed dib u eegno, iyadoo la yiraahdo tagtadu  waa baraha nolosha.

kacanka2

Waxaan xusuusanaynaa dhibaatada iyo colaadda, qarniyada badan shisheeyaha deriska la ah iyo kan doolka ah, dalal fog ka yimi ku wadeen Soomaaliya. Waxaan tusaale u qaadanaa qarnigii shan iyo tobnaad XV, dhalashadii Nebi Ciise ka danbe, sanadku markuu ahaa 1499kii sahanno dalal kala duwan ku imanayeen Soomaaliya, iyagoo ku marmarsoonaya socdaallo ganacsi doona. Sida ninkii Portoqiiska ahaa Pero Diaz, Hindiya ka yimi kolkaas Portoqiisku haystey, maraakiib ay leeyihiin marsada Mogadisho fadhidey. Kolkay soomaalidu isku dayday inay qabato ka baxsaday, maa daama Portoqiisku hore eed uga galay soomaalida, isagoo duqayey magaalooyin ku yaalla xeebaha Soomaaliya. Sanadihii 1541-1543 ama qarnigii XVI, dhalashadii nebi Ciise ka gadaal, Abyssinia ay la dagaallantay soomaalidii uu hoggaaminayey Geesigii Imaam Axmed Gurey. Markii soomaalidu kaga gacan saraysay dagaalkii, Abyssinia waxay warsatay gurmad ciidameed Bortoqiiska. Markaas ayaa dawlada Bortoqaal, uga dirtay raxan maraakiib dagaal joogtey magaalada Masawac, ciidan, hub badan iyo qalab dagaal casriya.

Dagaalkaas ay soomaalida ku qaadeen, Bortoqiiska iyo Abyssinia wada jira, ayaa lagu diley hoggaamiyihii Geesiga ahaa Imaam Axmed Gurey. Sidaasaa weligeed shisheeye is-kaashaday, ula dirirayey Soomaaliya qarniya badan. Si dalkeeda loo  qabsado loo qaybsado, diinteeda islaamka ah looga beddelo. Ilaa la soo gaarey qarniyadii sagaal iyo tobnaad XIX iyo labaatanaad XX, ay BBC-du ka baahisey barnaamij ay ku magacawday `Taariikh‘, ay kaga hadashay gabood falka lagu sameeyey soomaalida, kolkii gebigeed shan meelood loo qaybsaday. Dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad waxaa soomaalida u kacay u hanaqaaday, Geesigii ahaa muftiga diineed, hoggaamiyaha ciidameed iyo abwaan sugaan iyo dhaqan, Seyid Maxamed Cabdulle Xasan. Seyid Maxamed iyo soomaalidii la jirtey, waxay la dagaallameen isku mar Ingiriiska, Talyaaniga iyo Itoobiya, si ay uga xorayaan dadka iyo dalka soomaaliyeed ay gumeysanayeen, labaatan (20) sano ka badan. Kolkii gobanimadoonka soomaaliyeed ciriiri weyn geliyey gumeystayaashii, ayaa dayuurada Ingiriisku lahaa duqayeen bam la  dheceen, xaruntii Seyidka magaalada Taleex ku tiil, gobolka Sool ka tirsan. Kolkay isugu tegeen saddexda dal kor ku tilmaaman iyo soomaalidii qaarkeed gumeystayaashu adeegsadeen, ayuu Seyid Maxamed soomaali Galbeed galay, umana suurtoobin inuu gumeysiga ka saaro dalka Soomaaliya,  beledka Imey buu ku geeryoodey bishii Disember 1920kii Aallaha u naxariistee. Ka dib waxaa soo ifbaxay afartanaadkii qarnigii XX, ururadii siyaasadeed gobanima doonka ahaa SYL, SNL iyo kuwa kale gumeystayaashii la dagaallamay. Shantii meelood soomaalida loo qaybshey, saddex baa xorowdey dhisatay Jamhuuriyadaha Soomaaliya 1960 iyo Jabuuti 1977kii.

Waxay dawladahaasi ku abuurmeen, qorshe shisheeyihii gumeysan jirey ugu talagalay ahaa, inay soomaalidu dabajoog u noqoto, dalalkii haysan jirey iyo inayan marna dalka iyo dadka ka maqan qori ka daba tuurin. Waxaa Soomaaliya loo soo min guuriyey, wax nidaam demoqaraadiya lagu sheegay dalal shisheeye laga keenay, iyadaan la tixgelin taariikhda, ilbaxnimada, hidaha,  dhaqanka iyo dhismaha bulshada soomaaliyeed midna. Markaasna maamulkii dalku waa soconwaayey khalkhalay, ilaa la gaarey in sagaal (9) sano ka dib, la diley madaxweynihii dalka, mudane Cabdirashiid Cali Sharma‘arke 15 Oktoobar 1969kii.

Kolkaas waxaa dhashay 21kii oktoobar 1969kii dilkii Cabdirashiid dabadi, Kacaankii uu hooggaaminayey `halyeygii geesiga‘ ahaa, jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Soomaalida qaarkeed hagratay, haddana mirihii hagardaamadeeda ka beermay ay guranayso waa soomaaldee, iyadoo labaatan sano ku dhowaad maamul taabbagal ah dalka loo dhisi kari waayey. Inkasta dadweynaha soomaaliyeed badidiisu si weyn u taageeray dhalashadii Kacaanka, siduu sheegay mudane Maxamed Faarax Jumcaale, ka mid ahaa dadka la waraystay, aqoonle hawlwadeenadii dawlada ka mid ahaa, aminkuu Kacaanku dhashay. Waxaase jirtey in qaar dana gaara ku qabey maamulkii Kacaanka ka horreyey iyo dawladihii shisheeye danahay Soomaaliya ka dhex fushanayeen ka joogsadeen, ayan soo dhoweyn dhalashadii Kacaanka. Kooxada soomaalida ka horjeedey maamulka Kacaanka iyo dalalka shisheeye danuhu ka lumeen, baa ku heshiiyey inay maamulkii Kacaanka la dagaallamaan.

Colaaddaas Soomaaliya lagu qaaday, shacabka soomaaliyeed iyo hoggaamintiisi, labaatan (20) sano ayey u babac dhigeen iska caabiyeen kuwii qaranka iyo maamulkiisa la dirirayey. Waxaa dhismay afar urur hubaysan fallaaga ah, dawlada Soomaaliya la diriray, laga bilaabo 1978kii ilaa 199okii, dalal shisheeye maal geliyeeen, kala ahaa SSDF, SNM, SPM iyo USC. Bishii Sebtembar 2009ka, ayaa seminaar lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, cinwaankiisu ahaa : tartanka reer Galbeedka iyo Shiinaha ugu jiraan batroolka Afrika. Waxaan kaga qayb galnay aqoon isweydaarsigaas afar soomaali ah: Prof. Shiikh Cabdi ah macallin wax ka dhiga dugsiyada Geneva, injieer Dr. Muuse Cabdullaahi, injineer Cabdullaahi Shiikh Cali iyo Maxamuud Geelle Yuusuf.

Aminkii su’aala loo gudbey baan weydiinney, aqoonlihii seminaarka hagayey, isir afrikaan ka soo jeedey. Deganaan la’aanta Soomaaliya ka jirta haddii loo nisbeyn karo, batroolka la sheego inuu ku jiro. Guddoomiyihii seminaarka wuxuu ku jawaabey:  1) Soomaaliya waa dalka keliya ee dunida shan (5) meelood loo qaybsaday; 2) sababtu waa goobta ay ku taal iyo ahamiyada istarateejiga ah ay leedahay; 3) hadday Soomaaliya noqoto dawlad xoog leh, waxay curyaamin kartaa dunida. Af faransiis ayaa seminaarku ku socdey, wuxuu yidhi ereyadan: ‘la Somalie peut paralyser le monde‘, haddaan isku dayo inaan ingiriis u beddelo, ‘Somalia can paralyse the world‘.

Beri dhoweyd baan la xiriiray, Cabdulqaadir Aadan Cabdulle Cusmaan, aan ka codsaday in la xafido xusuus qorradii, madaxweyne mudane Aadan Cabdulle Cusmaan Allaha u naxariistee, u dhaafay ummadda soomaaliyeed iyo in loo qoro. Jawaabtii Cabdulqaadir Aadan waa tan : ‘waxaad igula talisay inaan xafido, dhaxalka Oday Aadan uga tegey ummadda soomaaliyeed. Kuma tala jirno reer Aadan haddaan nahay, inaan hadda soo bandhigno, xusuus qorradii Oday Aadan Cabdulle, waqtigan ay soomaali kala daadsan tahay’.

ciidan1

Xusuus qorrada madaxweyne Aadan Cabdulle, dadka soomaaliyeed uga tegey, waxaa  ka soo wareegey sanooyin badan, waxaana isleeyahay waxaa la qoray waqtigii gobanima doonka iyo qayb ka mida intii Jamhuuriyada Soomaaliya jirtey. Ilaa intuu Aadan Cabdulle xukunka Soomaaliya wax ka hayey, madaxweynaha ka ahaa ku ekaa bishii Luulyo 1967kii, sidaan filayo inkastaanan arag akhrin xusuus qorradaas. Inkasta sanooyin badan ka dambeeyeen, xusuus qorrada Oday Aadan Cabdulle, sida wiilkiisa curad Cabdulqaadir Aadan ugu yeeray aabbihiis. Misana reer Aadan Cabdulle, way uga tureen soomaalida inay xusuus qorradii madaxweyne Aadan Cabdulle u soo bandhigaan, waqtigan ay isku buuqsan tahay si ayan bulaan iyo muran hor leh ugu kordhin. Aminkaan u laabto waraysiyadii, ugu horreynta waxaa habboonayd, in qof walba su’aalihii la weydiiyey iyo jawaabihii uu ka baxshey la wada bandhigo, si loo qiimeeyn karo waraysiga iyo jawaabaha laga baxshey.

(La soco qayb 2aad iyo toddobaadka dambe)

Xigasho: Wargeyska Kasmo, London 7 Janaayo 2010

Runta Ka Sal Gaadh

Ku Xidhnoow Boramacity.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *