Home » ANALYSIS & EVENTS » Dharaarihii Tilmaannaa Qormadii 32aad!!

Dharaarihii Tilmaannaa Qormadii 32aad!!

Cadmadooni-Boramacity.com-Markana haan dib u milicsano sooyaalka taariikhda iyo sheekadii dheerayd ee uu inoo marinayey aqoonyahanka weyn ee Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale oo aan bishii Noofembar ee sannadkii 2013-kii kula kulmey gurigiisa oo ku yaalla galbeedka magaalada London, sheekadaas oo uu kaga hadlayo burburkii dalka Soomaaliya iyo dib u dhiskii amma nabadeyntii Beelaha wadda degga dhulka Somaliland isagga oo arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadlaya xasuus aad iyo aad u qoto dheer waxa uu yidhi.

Markii dagaalku ka bilaamay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya misna soo gaadhey magaalada Muqdihso wadankii baa lagu kala yaacey Maxamed Siyaad Barre oo dalka maddax ka ahaana waxa uu Xamar ka baxey dhammaadka bishii Jeeraweri ee sannadkii 1991-kii runtii markaas waxa dhacdey in qof walbe oo Soomaali ah oo degannaa magaalada Muqdisho uu maciin bido in uu tago dhulkii uu dhalasho ahaan ka soo jeeday sidaas darteed intayadii reer Awdal ee berigaas joogtay Muqdisho waxa aan go’aansanney in aan tagno magaalada Borama.

Saddex bilood oo kala ahaa Feebarweri, Maarij iyo Abril ee sannadkii 1991-kii waxa aan anigu sii joogay magaalada Muqdisho intaas oo dhan waxa ay niyadeydu joogtey magaalada Borama oo jismigeyga oo kaliya ayaa Xamar dhex joogay haddaba waxa aan maalmahaas adag ee aan Muqdisho joogay xasuustaa in aniga oo iska soo jooda aan geli jirey waxa la yidhaahdo day dream “Riyo maalmeed”, Aniga oo magaaladii Borama tagey oo dhisaya waddooyinkii, isgaadhsiintii iyo kaabayaashii addeegyadda bulshada Reer Awdal.

Magaalada Muqdisho aniga oo xaalada noocaas ah ku jira ayaan ka soo baxey afarta bishii May ee sannadkii 1991-kii waxaanan berigaas ku soo baxney labba iyo labaatan baabuur oo kolanyo ah oo dhammaantood reer Awdal ah, wakhtigaas jidku aad buu u xumaa nabadgalyaduna waxa ay ahayd mid wadnaha farta lagu hayey sidaas darteed waxa uu socdaalka safarkayagii qaatey bil iyo sideed cisho in aan ku soo gaadhno magaalada Borama.

Dhibaatooyinka iyo ayaan darooyinkii na qabsadey intii aan jidka ku jirnay waxaa ka mid ahaa in anagga oo ka carareyna Soomaali oo xabad ay nagu eryanayaan in aan u galno xabashi oo ay halkaas nagu badbaadiyaan gaar ahaan meesha la yidhaahdo Farjano ee u dhow Feerfeer isla markaana saaran xadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Haddaba anaga oo saddex cisho ku iman kari lahayn magaalada Borama muddada intaas leeg ee bil iyo sideeda cisho ah ee aan jidka ku soo jirney waad garan kartaa oo waxa weeyi rafaadkii iyo burburkii dhacey oo laga wareegayo amma la soo marayo dhul ay Xabashi xukunto oo qabaa’il Soomaaliyeedna deggan yihiin.

Dadka markaas ummadda qaxeysay dhibaatada iyo dhaca ku hayey ee laga gabannayey waxa ay ahaayeen Soomaalida oo dadkaas masaakiinta ah ee soo barakacey jidka u joogsannayey halkaasna kaga furannayey waxa ay sitaan oo dhan sidaas darteed dhibaatada noocaas ah waxa ay nagu kalftay in meel kaste oo magaalo amma tuula ah marka aan soo galno in aan joogeynay muddo tobban cisho ah sida Farjano oo kale socdaalkayagana maanu sii wadan karin illaa ciidamo axmaar ah kuu yimmaadaan oo saddex illaa afar baabuur oo miletari ah ku kaxeeyaan oo haddana meesha la yidhaahdo Shilaabo aad joogto shan cisho, Qabri Dahare tobbaan cisho aad joogto, Dhagax Buur aad shan cisho joogto markaa maalmahaas rafaadka badan ee isbada yaal waxa ay sabab u noqdeen in aan bil iyo sideed cisho ku soo gaadhno magaalada Borama ee xarunta u ah gobolka Awdal.

Magaalada Qabri Dahare anagga oo joogna ayaa Mingiste Xayle Maryam ka baxey wadanka Itoobiya, Mingiste iyo Siyaad Barre-na waxa ay ahaayeen labbo rajiib oo isla dumey isla markaana soo dagaalamayey illaa sannadkii 1977-kii markaa anagga oo marey meeshaas la yidhaahdo Qabri Dahare oo wakhti gallab ah dhageysaneyna Idaacadda BBC-dda qeybteeda ku hadasha Af-soomaaliga ayaan maqalney in Mingiste ka baxey dalka Itoobiya oo uu u dhoofey wadanka Simbaawi ee uu xukumo Roobet Mugaabi (Robert Mugabe), dabadeedna dalkii Itoobiya ay qabsadeen nimanka ka soo jeedda qoomiyadda Tigreega oo markaas uu hoggaaminayey raysal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Malas Sanaawi.

Maalintaas aan joogney magaalada Qabri Dahare waxa kale oo ay Idaacadda BBC London ka hadleysay qaban qaabadda amma diyaargarowga iyo furitaanka loogu jirey shirweyne dib u heshiisiin ah oo lagu qabbanayey magaalada Burco ee gobolka Togdheer oo ay isugu tageen Traditional Leaders amma maddax dhaqameedkii dadka gobollada Waqooyi degga maamuliyey maadaama dowlad markaas jirta oo dalka ka talisa aanney jirin, shirkaas ayaa ka socdey magaalada Burco waxaana shirkaasi ahaa ka lagu dhisey Somaliland ee la yidhi xornimadii baan dib ula soo noqonneynaa.

Magaalada Borama waxaan soo galney bishii Juun afarteedii sannadkii 1991-kii wakhti aroor hore ah oo saacadu tilmaameyso toddobadii subaxnimo isla markaana odayaashii reer Awdal ay ka soo laabteen shirweynihii ay ka qeyb galeen ee ka dhacey magaalada Burco bal se waxa ay wali ka shaqeynnayaan hawlihii nabadeynta.

Baaruurkii aan iska lahaa anigu ee aan ku dhex wadan jirey magaalada Muqdisho oo reerkaygii oo dhan markii u horreysayba uu ku soo kaxeeyay Sheekh Muuse Jaamac Goodaad oo hoggaaminnayey kolonyadii reer Awdal ee u horreysay ee ka soo baxda magaalada Muqdisho ayaa waxa aan u imid odayaashii reer Awdal oo baabuurkaygaas kaxeysannaya oo u baxaya magaalada taariikhiga ah Saylac.

La soco qeybaha kale…………..

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *