Home » ANALYSIS & EVENTS » Wax Ka Baro Qisooyinka Ambiyadda ( NNKHA )

Wax Ka Baro Qisooyinka Ambiyadda ( NNKHA )

Qisadii Nabi Aadan naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye

Horudhac

Sheekaooyinka Nabiyada Ilaahay soo diray naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkooda ahaataye waxaa innoogu sugan wax ku qaadasho, taasoo sida uu Eebbe korree oo nasahnaaye Quraanka Kariimka ah innoogu sheegay ay tahay inaynu waano iyo wax ku qaadasho iyo waliba ku dayasho wanaagsan ay innoo noqdaan si aynu u liibaanno adduun iyo aakhiraba aynuna guul iyo raalli ahaanshaha Ilaahay helno. Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu yidhi:-“Maanaan soo dirin hortaa illaa mooyaane rag loo waxyoodo xaggooda oo ehelka magaalooyinka ah, miyayna soconin dhulka oo ay fiiriyaan siday noqotay cidhibta kuwii ka horeeyay , daarta aakhiro yaana u khayr-roon kuwii dhawrsadaye miyaydaan wax kasaynin(109), markay quusteen Rasushii una maleeyeen in la beeniyay waxaa u yimaadda gargaarkayaga , waxaanannu badbaadinnaa ciddaan doonno, lagamana celiyo ciqaabtanada qoomka dambiilayaasha ah(110),waxaa ugu sugan qisadooda waano kuwa caqliga leh, mana aha sheeko la been abuuray waase u rumayn wixii ka horreeyay(oo kutubtii xaqa ahayda) iyo caddaynta wax iyo hanuunka iyo naxariista ciddii rumayn xaqa(111)” Suuradda Yuusuf Aayadaha 109—111aad:

Haddaba iyadoo haddii Eebbe idmo aynu sheekooyinka iyo qisaska Nabaiyada Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye aynu u kala horraysiin doono sidii ay taariikh ahaan u kala horreeyeen ilaa laga soo gaadhayo Nabigeennii suubanaa ee Maxamed ahaa naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo aynu Siiradiisa iyo taariikhdiisaba si ballaadhan ugu gundo degi doonno innagu dhawr waji taariikhdiisa uga hadli doona hanuunkii iyo jidkii suubanaa ee uu innoo jeexayna bustaankii ama beertii waynayd ee ka baxday aynu kolba midho daray ah ka soo guran doono, haddana si aynu u ogaanno dacwada Eebaheen addoomadiisa soo gaadhsiin jiray siday midka(aan isbeddelka lahayn taasoo nuxurkeedu ahaa in Ilaahay keligiis xaq lagu Caabudo cid kalana aan lala Caabudin) u ahayd laga soo billaabo Aabaheen Nabi Aadan, ilaa Rasuulkii ugu horreeyay ee la soo diro Nabi Nuux naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkooda ahaataye, ayaabaynu taariikhahooda intii Ilaahay korree oo nasahnaaye innaga garansiiyo aynu kolba Nabi soo qaadan doonaa, waxaynannu ugu horraysiin doonaa Aabaheen Nabi Aadan naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye. Aynuna magaca Ilaahay nasahnaa oo korreeya ku bilawno:

Abuuritaankii Nabi Aadan nnEka

Eebbe korreeye wuxuu yidhi isagoo innooga warrmaya abuuritaankii aabaheen Nabi Aadan naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye:-“Xus markii uu Eebahaa ku yidhi Malaa’igta, waxaan yeeli dhulka cid u hadha, markaana ay dhaheen ma waxaad yeeli dhexdeeda cid fasahaadisa oo ku daadisa dhiig, annagoo ku nasahayna mahadaada darteed oo ku waynaynayna, markaasuu yidhi (Eebbe korree oo nasahnaaye) waxaan ogahay waxaydaan ogayn(30), (Eebbe) wuxuu baray (Nabi) Aadam magacyada dhammaan, markaasuu (Eebbe) u bandhigay Malaa’igta, kuna yidhi iiga warrama magacyada kuwaas haddaad runlowyaal tihiin(31),waxayna dhaheen nasahnidaada Eebow, cilmi ma lahin waxaad na barto mooyaane, waxaad tahay adigu wax oge falsan(32),wuxuu yidhi(Eebbe) Aadamow uga warran magacyadooda, markuu magacyadooda uga waramay ayuuyidhi (Eebbe) miyaanan idiinku odhan anigu waxaan ogahay waxa ku maqan Samooyinka iyo dhulka, iyo inaan ogahay waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarsanaysaan(33),xus markaanu ku nidhi Malaa’igey u sujuuda Aadam, markaasay sujuudeen Ibliis mooyaane, wuu diiday wuuna iskibriyay, wuxuuna ka mid noqday gaalada(34), waxaanannu nidhi Aadamow dag adiga iyo xaaskaagu Jannada, kana cuna xaggeeda(cunno) shifo oo waasac ah meeshaad doontaan, hana u dhawaanina geedkan oo markaas (haddaad cuntaan) aad ka mid noqotaan daalimiinta (35), waxaana ka fogeeyay xaggooda Jannada Shaydaan, wuxuuna ka bixiyay waxay ku sugnaayeen,waxaanan ku nidhi ka hoobta(degta) Jannada, qaarkiinna qaarka kale uu col yahay , waxaana dhulka idiinku sugnaaday meel aad ku negaataan iyo raaxo tan iyo waqti (go’an ah) (36), waxaanu kala kulmay Aadam xagga Eebbe kalimooyin, wuuna ka toobad aqbalay Eebena waa toobad aqbal-badane naxariista (37),waxaan ku nidhi ka hoobta xaggeeda dhammaantiin, hadduu idiinka yimaaddo xaggayga hanuun ruuxii raaca hanuunka cabsi korkiisa ma ahaato iyo mururg midna (38) ” Suuradda Al-Baqara Aayadaha 30—38aad:

Waxaa kale oo uu Eebbe korreeye yidhi:-“Xusuuso markuu Eebbe ku yidhi Malaa’igta waxaan ka abuuri dadka (Aadam) dhoobo(71),ee markaan ekeeyo oon ku afuufo Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud (salaan) (72), wayna Sujuuday Malaa’igtii dhammaantood oo idil(73), Ibliis mooyee oo is kibriyay kana mid noqday gaalada (74), (Eebbe) wuxuu yidhi Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u Sujuuddo kaan ku abuuray gacantayda , ma is kibrisay mise waxaad ka mid noqotay kuwa isla sarreeya(75), wuxuuna yidhi anigaa ka khayr-roon isaga (Aadam), waxaad iga abuurtay Naar(olol) isagana waxaad ka abuurtay dhoobo (76), (Eebbe) wuxuu ku yidhi ka bax xaggeeda(Samada) , waxaad tahay mid la dheereeyaye(77), korkaagana ha ahaato Lacnadaydu tan iyo maalinta abaalmarinta(78), wuxuu yidhi(Ibliis), Eebow ii sug(oo ha i dilin) tan iyo maalinta la soo bixin(dadka)(79), (Eebbe) wuxuu yidhi waxaad ka mid tahay kuwa la sugi(80), tan iyo maalinta waqtiga la yaqaan ah(81),wuxuuna yidhi(Ibliis) waxaan ku dhaartay sharaftaadee waan baadiyayn dhammaantood(82)marka laga reebo addoomadaada suuban (mooyaane)(83), (Eebbe) wuxuu yidhi dhabtaan ku sifoobaa dhabtaanan u hadlaaye(84), waan ka buuxin Jahannama adiga iyo inta ku raacda oo ka mid ah (dadka)dhammaan(85)” Suuradda Saad Aayadaha 71–85aad.

Nabigeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye innooga waramay Aabaheen Aadan waxaa uu ku yidhi Xadiis uu Abii Muusa soo wariyay:-” Ilaahay Aadam wuxuu ka abuuray qabasho(cantoobo) uu ka soo qabtay dhulka oo dhan, arkaasay caruurtii Aadan noocyadii dhulka soo baxeen, waxaa ka yimid kii Caddaa iyo kii Casaa iyo kii Madoobaa iyo kii intaa u dhaxeeyay,iyo kii xumaa iyo kii fiicnaa iyo kii fududaa(furfurnaa) iyo kii adkaa(qallafsanaa)”. Waxaa soo wariyay Imaam Axmed:

Ina Mascuud waxaa laga soo wariyay inuu yidhi:-“Ilaahay korree oo waynaaye Malag Jibriil ayuu u soo diray xagga dhulka si uu uga keeno dhoobo, markaasuu dhulkii yidhi:- “Ilaahay baan kaa magan galay inaad wax iga dhinto ama aad i ceebayso, markaasuu ka noqday isagoon waxba qaadin, waxaanu yidhi:- Rabbiyow adiga iga kaa magan gashay aniguna waan magan galiyay, markaasaa Malag Miikaa’iil la diray haddana, haddana sidoo kale ayay ka magan gashay, isna wuu magan galiyay sidii Jbriil yidhi oo kale ayuu isna yidhi, Ilaahay korreeye wuxuu haddana diray Malaga nafta qabta, markaasay ka magan gashay Ilaahay, isaguna wuxuu yidhi:- Aniguna Ilaahay baan kaa magan galay inaan noqdo anigoo oon oofin wixii uu i soo faray, markaasuu dhulka dushiisa ka qaaday , markaasuu isku daray , meel kaliyana kama uu wada qaadine wuxuu qaaday ciid cad tu cas iyo tu madawba, sidaasaanay caruurtii Aadan u kala duwanaadeen, markaasuu kor la tagay oo uu qooyay ilaa uu dhuubo is jiijiidanaysa, markaasuu ku yidhi Eebbe korreeye Malaa’igtii:-“Xusuuso markuu ku yidhi Eebahaa Malaa’igta anigu waxaan ka abuuri dad dhoobo doorsoon(28), ee markaan ekeeyo, kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud(29)”.

Ilaahay gacantiisa ayuu ku abuuray si aanu uga kibrin Ibliis,markaasuu abuuray dad, wuxuuna ahaa jidh dhoobo ah afartan sano oo u dhiganta qiyaas maalin Jimce ah, Malaa’igtii baa soo martay markaasay ka argagexeen, waxaana ugu sii argagax badnaa Ibliis oo intuu garaaco uu jidhku dhawaq sida dheriga la qalajiyay (Jilayga) oo kale cod u bixinayay isagoo odhanaya:-Arrin baa laguu abuuray, waxaanu ka galay afkiisa isagoo xagga dambe ka baxay, waxaanu Malaa’igtii ku yidhi:- Ha ka baqina kan ,Rabbigiin waa awood badane, kanise waa gude madhane haddii Eebbe igu sallido waan halaagayaa. Markii haddaba uu gaadhay waqtigii uu Ilaahay korree oo nasahnaaye la doonayay inuu naf galiyo ayuu ku yidhi Malaa’igtii markaan ku afuufo Ruuxdayda u Sujuuda, markii haddaba Ruuxdii lagu afuufay oo ay Ruuxdii gashay madaxiisa ayuu hindhisay, Malaa’iigtii baana ku tidhi:-Dheh Ilaahay baa mahad leh, markaasuu yidhi Ilaahay baa mahad leh, Ilaahay baa ku yidhi:-“Ha kuu naxariisto Rabbigaa”,markii ay Ruuxdii gashay indhihiisa ayuu eegay midhihii Jannada, markii ay Ruuxdu gashay calooshiisa ayuu jeclaystay cunto, markaasuu soo booday iyadoo aanay weli naftii gaadhin lugaha isagoo u degdegaya xagga midhaha Jannada:

Abuu Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaa laga soo wariyay in Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-“Markii Ilaahay Aadan abuuray dhabarkiisa ayuu masaxay , markaasi waxaa ka soo daatay naf kasta oo uu abuurayo oo ka mida duriyaddiisa ilaa laga gaadhayo maalinta Qiyaamada, waxaanu (Eebbe korree oo nasahnaaye) labada indhood dhexdooda qof kasta ka yeelay dhalaal iftiin ah, markaasuu u soo bandhigay Aadan, waxaanu yidhi (Aadan):- Rabbiyow wa’ayo kuwani?, wuxuu yidhi (Eebbe korree oo nasahnaaye):-“Kuwani waa duriyaddaadii”, markaasuu wuxuu ku dhex arkay (Nabi Aadan naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye) nin ka mid ah oo iftiinka labadiisa indhood dhexdoodu uu cajabiyay , markaasuu yidhi:-Rabbiyow wa’ayo kani?, wuxuu yidhi (Eebbe):-” Kani waa nin umadaha dambe ee duriyaddaada ka mid ah waxaana la yidhaahdaa Daa’uud”, wuxuu yidhi(Aadan):- Rabbiyow imisaad ka yeeshay cimrigiisa?, wuxuu yidhi(Eebbe korree oo nasahnaaye):-“Lixdan Sano”, markaasuu yidhi(Aadan):-Rabbiyow uga kordhi cimrigayga afartan sano. Markii haddaba cimrigii Aadan dhammaaday waxaa u yimid Malaga nafta qabta, markaasuu yidhi(Aadan):-Miyaanu ka hadhin cimrigaygii 40 sano?wuxuu yidhi(Malagii):-Miyaadan siinin wiilkaaga Daa’uud?”. Wuxuu yidhi(Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):- “Wuu madax adaygay markaasay madax adaygtay duriyaddiisii, wuuna iloobay markaasay duriyaddiisii ilowday , wuu gafay Aadan markaasay gaftay duriyaddiisii”:

Aabaheen Aadan markii Ilaahay korree oo nasahnaaye uu abuuray wuxuu gaadhayay ilaa 60 dhudhun, kaasoo laga soo bilaabo waqtigiisii ay dadku sii yaraanayaan, Rasuulkeennii naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxa uu Abuu Hurayra ka soo wariyay inuu yidhi:-“Wuxuu abuuray Ilaahay (korree oo nasahnaaye) Aadan isagoo dhererkiisu yahay 60 dhudhun, markaasuu (Eebbe korree oo nasahnaaye) ku yidhi:-“U tag oo salaan qolyahaa Malaa’igta ah , dhagaysana waxa ay kuugu jawaabaan, waa salaantaada iyo salaanta duriyaddaada e”,markaasuu (Aadan) yidhi(intuu Malaa’igtii u tagay):-Nabadgalyo korkiinna ha ahaato (السلام عليكم ),markaasay yidhaahdeen:- Nabadgalyo korkaaga ha ahaato iyo naxariis Ilaahay (السلام عليك ورحمة الله ), waxay ku kordhiyeen naxariis Ilaahay,(markaa wuxuu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yidhi):- Qof kastoo Jannada galaa(wuxuu ku galayaa) suuradii (Nabi) Aadan , wuxuuna ahaaday khalqigu(dadku) mid wax ka sii dhacayaan ilaa hadda” Bukhaari baa wariyay:

Isha : Tixraaca : Hilinkatoosan:
Waxaa Isku Duba Riday Faisal A Abdi ( Abroone )
Ku Xidhnoow Boramacity.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *