Home » ANALYSIS & EVENTS » Ku Celin: Hadaan Qirto Ma Qiyaamahaa Dhici Part Two

Ku Celin: Hadaan Qirto Ma Qiyaamahaa Dhici Part Two

Dharwanaaje-Boramacity.com-Tawraddii Barakaysnayd ee Saldanadii Adal ee Hormuudk u ahayd Amiiradihii Faraha Badnaa ee ka jirayay geeska afrika. Mayalkana ay u hayeen Ummad Si Wacan ujarabaxsan. ayaa maantana waxaa caddaaladii loogu dhiibay ‘Awr Cun iyo Reeryo Cun, Musuq-Maasuqa iyo jawrfalka ka imanaya kuwii xaqsoorka iyo xeer ilaalinta lagu aaminay ayuu ka dagaalamayaa Qoraalkeena, Hadaba Sartu Halkay Ka Qudhun-santahay ayaynu yara iftiimin’ waxaynu ukala Qaadi doonaa laba qaybood oo mudan inaanu fahano halka ay Nolosheena maanta & tii horaba kaga jiraan waxayna kala yihiin Goljileeca ( Weaknesses ) & Carqaladaha ( Treitel’s ) intaa ka gadaal waxaynu ku horayn Qodobka goljileeca waxaa uu yidhi-

( 1 ) Goljileec:-

( A ) Qodobkeena 1-aad ee Goljileeceena Waa Xeer La’aan” dowladi waxay ku dhisan tahay waa sharci & kala dambayn, Bulshana waxay isku aamintaa waa xeer degsan Markaa Xeerku waa waxa aadamahu kaga duwan yahay nafleyda kale, Ummadina waxay ku wada joogtaa waa ‘Xeer hufan’

” Hadaba Waa Maxay Xeer Muxuusa Taraa”

Xeerku wuxuu ka kooban yahay shuruuc ay ummaduhu dejisteen si loo wanaajiyo xidhiidhada u dhexeeya shakhsiyaadka iyo qaramada, iyadoo looga hor tego xallinta colaadaha iyo wixii lamida. Badanaa Xeerka Soomaalidu wuxuu ka dhashay baahidaa nuucaas ah in kastoo lagu kala duwan yahay Arimaha Qaadhkood.

Wali ka hadalka Xeerka ayaynu ku jirnaaye hadii aynu Soo yara qaadano Beesha aynu Jaarka nahay ee ‘Ciise Sida ay u tilmaamaan qiimaha uu xeerku aadamaha u leeyahay, Ciisuhu waxay adeegsadaan maahmaahda odhanaysa «meel aan xeer lahayn waa lagu xooloobaa», taas oo macnaheedu yahay waaxa qofku dadnimadiisa ku hantaa oo uu kaga duwan yahay xayawaanka waa shuruucda uu dejistay ee uu ku dhaqmo.

Dhiiga & Tamarta uu Xeerku ku socdaana waa Caqliga, Cududa, Cuudka iyo Aqoonta Bulsho leedahay’ Waxaa Geedaan u ah Daacadnimo kaamil ah oo ku Jixaasan Alle ka cabsi la joogteeyay, Aqristoow Xeerku waa wax nool una baahan in Daranyadda laga dhabo’ waxayna masuuliyadda koobaad ka saaran tahay Xeer-beegtida loo Leyliyay dhowrida Tiirarka uu Xeerku ku joogo, inagoo ka soo qaadan karayno sida qaybaha kala ah Sinaanta qabiilka, Cadaalad ku dabaalida qabiilka, Qabiilka oo dhexdiisa Runta isu sheega, Dhowrida ruuxa Bulshada dhexdeeda Mudnaanta ku leh, Yakaynta kooxda ama ruuxa ku xadgudba Xeerka Beesha Iwm.

Bulsho aan lahayn Xeer waa sida Qabiil ku dhex-nool ‘Xero-Geel’ oo kolba Beeshii doonta ayaa ku tagrifasha Awaamiirta Reerka sida Arrimaha Siyaasada, Arrimaha Dhaqaalaha, Arrimaha Dhaqanka, Mansabka & Magaca reerka iyo wax waliba oo ay Ummadi wada leedahay, Dad aan lahayn Xeer Qeexan oo cad sida Qaalibka ah waa midaan Magac & Muunadba aan ka dhex muuqan karayn Deegaanka ay leedahay iyo Dadka kale ee ay wax la wadaagto Hab dowladeed & Hab qabiil intuba.

Mar kale waa tan Maahmaah odhanaysa «Xeer looma xoola yara» ayaa iyaduna tilmaamaysa in dadku u siman yihiin xeerka. Waayo xeerku si mid ah ayuu dadka u ciqaabaa oo ma tixgeliyo hantida uu qofku haysto ama qoyska uu ka soo jeedo, taas la’aanteed na uu qiimo beeli lahaa.

Deeqsinimadu waa deyr lagu gudbayo damac ka iman kara kuwa aan hanti haysan. Waayo Xeerku waa difaaca nolosha iyo hantida dhaqaale. Meel aan Xeer jirin badhaadhe ma yaal, sida ay sheegayso maahmaahdani : «Xeer la’aani wa xugun iyo xoolo la’aan». Meel xooggu xeer yahay, aadamuhu wuxuu halis u yahay in uu dabar-go’o, horuumar dhaqaale oo waarana lama hanan karo.

( B ) Wajiga 2-aad ee Xeer La’aanta:-

Qodobkeenii koobaad waxaanu ku soo sheegnay Ummad aan Xeer lahayn waxaa ay Mudan karayso, Hadaba intaa ka dib Wajiga 2-aad ee Xeer la’aantu ay dhasho waxaa uu noqonayaa Arrimo u baahan inaynu dareen dhab ah ku wajahno waxayna kala yihiin kuwani soo socda,

Inaan runta la’isu sheegin tiiyoo la sheeganayo dad wada dhashay?
Inaan la’isu hiilin xaalad kasta oo soo wajahda dadka & deegaankaba?
In Keena ugu liita uu u hanqaltaago hogaanka ummadan dulman?
In Oday-dhaqameed aan la dooran uu gabi ahaan isku fuuqsado talada?
In Siyaasi calooshiisa -la’cayaar ah ku muusanaabo anaa Bulshadaan matala?
In Kuwii Maqasha lagala quustay ay sheegtaan Haldoorka reerka?
In aqoonyahan malo ku nool ah aynu amaan ladaba joogno?

( C ) Wajiga 3-aad ee Xeer La’aanta:-

Wajiga 3-aad ee Xeer la’aanta waa Arrin murugo & qoomamo joogta ah xambaadhsan’ waxayna bulshadaa uu Xeerku ka Maax-dumay kala raacdaa labo wado oo ay midi ‘Samo-doon’ tahay midina ‘Shar-doon’ tahay, Intaa kadib waxaanu soo qaadan Murti Duug ah oo Tiraahda ** Dharaarba Awr baa Dhaansha ** Hadaba sida ku xusan Caadooyinka qalafsan ee bulshada Soomaaliyeed Maalina waxaa taliya Nin Nabadeed oo kolkaa Beeshiisu ay ku barwaaqoowdo, Taladda & teeladiisa fiicana uu Allaah Towfiiq wacan ugu daraa haduu doono Waayo Allaah waa adke falsan isagaana Xumaan oo dhan ka nasahan” Quluubtana isagay kali u tahay Bedbedelkeedda Meel la cuskadana Isagaa u mudan, Aqristoow docda kalana Dharaar waxaa taliya Nin Colaadeed oo kolkaa Beeshiisa u horseeda Colaad lagu riiqmo, Barakac aan deegaamayn lahayn, Gaajo & Macaluug gaadma reebta ah, iyo ugu dambayn dib u socod sababa Xaalad lakala garanwaayo Masuulka dhabta ah ee Ummadan hoogtay Hogaansha & Waliba ku darsoo Xaga uu ku wado:

La soco qaybta xigta & Qodobka Carqaladdaha Taagan,,,,
W: D: Suxufi Abroone
United Kingdom
Runta ka Sal Gaadh,,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *