Home » ANALYSIS & EVENTS » Maxaa Sidii Marxuum Cigaal La Iskaga Waabin La’yahay Faragalinta & Dalbalaadhsiga Djibouti!

Maxaa Sidii Marxuum Cigaal La Iskaga Waabin La’yahay Faragalinta & Dalbalaadhsiga Djibouti!

Djibouti-Boramacity.com-Maaha markii u horreysay ee madaxda xukuumadda dalka deriska ah ee Jabuuti masuulyiinta reer soomaaliland ugu yeedhaan ilaalinta ammaankeeda ,isla markaana madaxda soomaaliland ka codsadaan inay sameeyaan arrimo dhaawacaya qarannimada dalka iyo meeqaamka madaxda dalka.Jabuuti oo hadii ay walaalnimada reer soomaaliland daacad ka tahay waayo hore aqoonsan lahayd ,ayaa dhinaca kale reer soomaaliland ka dharegsanyihiin dibindaabyada madaxda Jabuuti la daba taaganyihiin soomaaliland ilaa maalintii at goosteen inay noqdaan dal ka madax bannaan soomaaliya .Haddaad dib u raacdo taariikhda usoo maray xidhiidhka soomaaliland iyo Jabuuti ,isla markaana la qiimeeyo yaraysiga xukuumadda ismaaciil cumar geelle ee qarannimada soomaaliland ,iyo afka diblomaasiyadeed ee ay kula dhaqmaan madaxda dalka ayaa cid kasta oo waddaninimada soomaaliland ku dheertahay ka damqan lahayd,waxana arrimahaasoo dhan ka warhayey Madaxweynihii labaad ee soomaaliland ,marxuum Cigaal ,intii uu xukunka hayeyna iska waabiyey iska waabiyey.Waxa la ogaa weeraradii maleesiyooyin lagasoo abaabulayey Jabuuti kusoo qaadayeen xeebaha dalka lagaga adkaaday 1994-1995,wakhtigaasoo dawladimada soomaaliland yabyabka ahayd ,isagoo dhinaca kalena Marxuum Cigaal xadka soomaaliland ka xidhay dalka Jabuuti ,hab koontarabaan ahna reer Jabauuti kusoo geleyeen dalka ,waxana marxuum Cigaal geeriyooday iyadoon masuul ka tirsan soomaaliland an looga yeedhin dalka Jabuuti , iska dhaaf booqasho uu madaxweyne ku tego dalkaasi .

Tan iyo markii uu geeriyooday marxuum Cigaal ,isla markaana uu xukunka dalka qabsaday Daahir Rayaale ,ayaa waxa neef qaboowi kasoo baxday madaxda dalka Jabuuti .Xidhiidhkii wanaagsanaa ee dhex maray madaxda xukuumadii UDUB iyo Jabuuti ayaa gaadhay heer soomaaliland noqotay mid jeebka ugu jirta dalka Jabuuti ,waxayna madaxda dalkaasi casuumado badan u fidin jireen madaxweynihii waagaasi ,waxayna mar kasta u yeedhi jireen ama Jabuuti lagu casumi jiray wasiiradii wakhtigaasi oo uugu horeeyey wasiirkii daakhliga xukuumaddii Udub Ismaaciil Aadan Cusmaan ,kaasoo diiday ainay sawir ka qwaado mar uu tuuladaasi ay isaga iyo wasiir reer jabuuti ah khudbad u wada jeedinayeen dadweyne reer Lawyacaddo ah ,nuxurkooduna ahaa in Jabuuti laga ilaaliyo koontarabaanka ,waxana uu Ismaaciil yare Tuuladaasi u diray kontomeeyo ciidanka booliska ah oo ka kaxeeyey Hargeysa si ay u ilaaliyaan dhaqaalaha Jabuuti .

Waxay diyaarado kasoo kacay Jabauuti waagaasi duqeeyeen jasiiradaha ceebaad iyo saacaddiin kumanyaal shimbiro ah ku dhinteen ,iyadoo wakhtigaasina xadka Jabauuti iyo Lawyacaddana lasoo raray dhul soomaaliland ahna Jabauuti ku darsatay ,iyadoo dhinaca kalena ciidammo ay leedahay dalka Jabuuti ay fasax la’aan iskagasoo galeyaan dalka ,waxay doonaanna samayn jireen ,oo xitaa dad shicib ah ku laayeen gudaha dalka.wakhtigaasi ayaa sidoo kale dawladda Jabuuti ka dalbatay soomaaliland in magaalada Lawyacaddo loo baabiiyo ammaanka Jabauuti,lana geeyo dooxa bariisle balse mashruucaasi wakhtiga ayaa ka dhacay.

Maanta oo afar sano kasoo wareegtay xukuumadii Rayaale ,isla markaana xukuumadda KuLmIYe dalka qabsatay ayaad mooddaa in mashruucii waagaasi uu dib ugusoo laabtay soomaaliland hase yeeshee doorkan ka duwan mashruucii waagaasi ee dhaqaalaha ahaa ,balse maanta ah la dagaalanka argagixisada.Inkastoo anu madaxweyne siilaanyo iyo kuxigeenkiisaba ad mooddo inaysan wax xiiso ah u haynin socdaallo iyo casuumado ay ku tegaan dalka Jabuuti ,hase yeeshee labadii ama saddexdii bilood ee u dambaysay ayaad mooddaa in xubno ka tirsan golaha wasiirada ,xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta xisbiga KuLmiye qaarkood cagta ku badiyeen dalka Jabuuti ,welina ay madaxda dalka qaarkood ku maqanyihiin .Socdaalka masuulyiinta dawladda ku tegeen dalka Jabuuti ayaa qaarkood yihiin kuwa madaxweyne siilaanyo u igmaday markii uu ka cudurdaartay sida la sheegay,halka siyaasiyiin kalena Jabuuti jacayl iyo dano kaleba ugu noqnoqdaan dalkaasi.

Ugu dambayntiina lama oga xeeladaha siyaasadeed ee Jabuuti ka leedahay soomaaliland ,lamana oga in iaalinta ammaanka ee labada dal uu dan u yahay soomaaliland iyo inuu dan u yahay Jabuuti ,maadaama Jabuuti ay ku suganyihiin kumaankum ciidammo kala duwan ah oo reer galbeed ah ,kuweediina u dirtay soomaaliya ay nusqaan ku tahay inay soomaaliland oo ay dawladnimadeeda dafirsantahay ka dalbato ilaalinta ammaankeeda , madaxda soomaalilaandna ka aqbalaan ,waxayna ahayd in soomaaliland xadkeeda xidhato ,balse anay ahayn in Jabuuti soomaaliland ka xidhato xadkeeda , sidii marxuum Cigaal uga xidhay xadka .

Wariye maxamed Cumar hayne
ReF: Camuudnews

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *