Home » ANALYSIS & EVENTS » Sooyaalka Taariikheed Ee Jabhadii Xaq-Udirirka Ahayd Ee Horyaal Q-2AAD

Sooyaalka Taariikheed Ee Jabhadii Xaq-Udirirka Ahayd Ee Horyaal Q-2AAD

Jamhadii Horyaal Q-2AAD

Aloog-Boramacity.com-markaan soo qaato axdi qarameedkii burco ilaa kii boorama ee lagu dhisay dawlada hada jirta ee wax lagu qabtay reer magta wada bixiya in ay helaansaamigii lahaa oo ah xildhibaanada iyo guurtida masse dhicinhadaba waxa beesha samaroon ka beer daroobay oo saamigoodii waagay jibriir siciid jibraacin 2- gobe siciid 3-cali ganuun 4-xeeb jire waxay meel u taagan yahiin samaroon siciid iyo cara siciid 500 oo habar yoonisa ciise samaroon waa beel

Hasan sacad waabeel

Habar yuusuf waabeel

Muuse fiin waabeel

Faroole waabeel

Dhagaweyne waabeel

waxaas waa beel waxayna dumaal ku yihiin Maka door

reerkii min weyne waxa haya ooy ku jiraan Subeeriyaayaa la yidhaah 12 Sacad Muuse ah Samaroon walaalihii ah oo ah 1-Otusi Siciid

2-Cali Siciid oo canfara 3-Caro siciid oo ku jirta Habar Yoonis 4-Jibracin Siciid,

waa makadoor samaroon oo ukala baxa makaahiil iyo makadoor

1-waa Ciye makaahiil

2-waa muuse makaahiil

3-waa xasan makaahiil

4-cali makaahiil

5-cabdale makaahiil

6-xuseen makaahiil

muuse waxa uu dhalay 6 cirwan waxay dhashay 3

1-jibriil muuse

2-yoonis muuse

3-makayl dheere muuse

waxay dhashay sala 3

1-idiris muuse

2-maxamed muuse

3-hadhiye muuse makayldheere waxa uu dhalay 1- cali makayldhere 2-abokor ===

Taariikh kooban oo ku saabsan aasaaskii jabhadii horyaal”

Horyaal waxay ahayd asaaskii soomali galbeed waxaana lagu aasaasay jabuutitaasoo ka dhalatay jabhadii la odhan jiray furuut waxaana ka madax ahaa jabhadaa la magacbaxday furuutla odhan jiray caydiid aw cali sugaal oo ahaa nin ku abtirsada beelweynta gadabuursi[samaroon] uuna ka sii ahaa reer waynta ama beesha [bahaber-celi] wuxuuna wax kusoo bartay caydiid dalka libiya intaa kadib waxaa kusoo biiray horyaal rag kuwaasoo kasoo kala dagay xaruumaha kala ah ceelsheekh iyo buulaxaar oo nimankii watay lakala odhan jiray cabdi kayd oo ahaa samaroon cor-jibriil ibraahin khaliil iyo abu suufiyaan xubnahan oo iyaguna kala ahaa adariyihii reer hereriyo gaatuur iyo waliba jarjarse iyo ibraahim bilise oo ahaa oromo[soomali aboo] maxamed cali oo ahaa malgaash[isaaq]

xubnaha kalena waxa kamid ahaa:-

cabdi sh yuusuf,daahir muumin sharbi,balaloo ismaciil,axmed xasan cilmi,siyaad ismaaciil,bile suldaan kaadiye,muuse qawrax tabe,cali saxan aw cabdi,yaasiin nuur,mooge nuur,maxamed c/laahi cabdi,aw.cabdi geele,idiris cabdale,c/laahi cumar jabane,xaashi rooble,yaasiin aw cabdi,ursad aw.aaden,cabdi cumar ciise,axmed maxamed iidle,maxamed faradheere,aaden gaas,maxamuud rooble[daeeraale] axmed xasan barkhad. dhamaantood waa gadabuursi waana xubnihii ka tirsanaa jabhadii xaq udirirka ahayd ee furuut c/laahi dalab,yuusuf khaliif,maxamed cabdilaahi gudaal,ismaaciil madoobe,axed ilyar,cabdi gadhyar,cismaan xuseen,c/fataax sh maxamuud,cabdi food.waxay xubnahani ahaayeen ogaden maxamed yuusuf,maydhane cawleed wacays,jaamac jiidhe,cabdi cokiye,xasan cilmi,axmed samriye waxay xubnahanina waxay ka tirsanayeen jabhadii furuut waana ciise ismaciil gadhle,muuse baabuli,dhaleecale,cali xuseen,waxay ahaayeen xubnahanina gari maxamed axmed calishow,maxamed axmed yuuye,bakhare waday yuuye,cabdi ciliye wade, maxamed diqe kuwaasina waxay ahaayeen oromo

cabdi ismaciil [cabdi-fooloo] ismaciil madoobe,mukhtaar tiirgalaas,yaasiin madoobe,indha-case,maxamed gacme,maxamed cali, kuwaasina waxay ahayeen isaaq.

dhamaan xubnahan sharafta mudan ee kor ku xusan waxay ka tirsanaayeen jabhadii horyaaljabhadaas oo sida caadiga ahayd ukala qaaybsanayd 5 qayboodwaxayna kala ahayeen.

1-Horyaal
2-Ciiltire
3-Axmed-guray
4-Duufaan 5-Oromo
A -Horyaal horyaalwaxay haysatay niman lakala odhan jiray xuseen jodhob,gaatuun,c/laahi dalab iyo nagruuma

B-Ciiltire Ciiltire waxa haystay axmed samire

C-Axmed guray Axmed Guray waxaa haystay maxamed cali

D-Duufaan Duufaan waxaa haystay xasan sh c/raxmeed waber

E- Oromo oromo waxaa haystay ibraahim biliso

Siyaad barre oo ahaa dawladii umada soomaliyeed ayaa wuxuu odhan jiray ama ugu yeedhi jiray jabhadanjabhadii soomali galbeedama soomali abooda,

DHACDOOYINKII DHACAY IYO GACAN KA GAYSASHADII HORYAAL!!

wixii keenay kalada minu axmed 1987 kii waxa dhacay in markii la heshiisiiyay siyaad barre iyo mingiste ee lagu heshiisiiyay ee lagu heshiisiiyay jabuuti ee uu gogosha uu u fidiyay madaxweynihii markaas talada hayay ee xasan guuleed ayaa markaa labada dhinacba ku heshiiyeen in wixii nabadiid ku ah dawlada ee fadhiisinka ka dhigtay dawlada kale ay wadan keeda ka soo saarto markaa waxa dhacay in dad beesha isaaq ah laga soo saaro itoobiya ee ay xaruumaha ku lahaayeen iyada oo loo nisbaynayo inay gubeen dhulkoodii halkaasna aan loo baahnayn inay sii daganaadaan dadkaas la soo saaray ayaa isugu jiray dad nabadiid ku ah dawladii soomaliyeed iyo dad kale oo iyagu qoxooti ahaan iyagu u daganaa dawanle oo u dhaxaysa itoobiya iyo jabuuti ayay yimaadeen oo da,doodu u dhaxayso 25 illaa 80 jir kana soo qaxay markoodii hore hargeysa.

Hadaba qoxootigan laga soo raafay fadhiyadoodii itoobiya ee kala ahaa jigjiga ,jinacsani,baabuli,adari,hawaday,tiridhaba,naasirad iyo asmara kuwaasoo lagu keenay tareeno ayaa dadka la keenayairadoodu ahayd in ka badan 3000 oo qof loona dhaafshay jabuuti lana dajay dadkii qoxootiga ahaa qallile oo ah dhul jabuuti maamusho ah na meel banaan ban ah oo bilaa geedo ah ayaa waxaa dadkaas qoxootiga ah 3 bilood fadhiyeen saxaarahaaas go,yaashii ay siteena dalalalimaysteen halkasna dad badn gaajo iyo haraad uu dad badan ku laayay oo aan goob joog u ahaa.

Waxaasoo dhibaata ah kadib oo aanay cid kale oo sheegta cid kale aanay ugu gurman sidii loo bad baadin lahaa maatidaa ayaa hadana waxa garaad yariwgeed iyo qabiilaysi aan gargaar lahayn ay isbideen kuna kaliftay inay yidhaahdaan [ciise iyo isaaq]waxaan isku nahay hayb ahaan ilma binu axmed hadaba is hayb soocaas foosha xunleh oo aan lahayn mid sal iyo raad toona leh binu axmed ka ku xusan kutubta al xabuusha ayaa ay uga dan lahaayeen kaliya badbaadin dadkaas dhibaatays naa .

Intaas kadib 1988 kii waxaan soo galnay magaalada boorama kana so galnay xadka itoobiyawaxaan lana kulanay qoxooti fara kulul lagu hayo oo ay haysteen niman taliskii siyaad barre ahaaa markaas waxaan go,aan saday inaan lasoo boxo bilad geesinomo lanagu yaqiin iyo qorigaygii aan ku lahaa jabhadii horyaal ee aan ka midka ahaa waxaanan lakul may saraakiil ay kamid ahaayeen caydiid,casoowe,xoghaye degmo,cali sheekh,badhasaabkii gobolka khaliif maax iyo cabdilaahi dheere oo hada ah xogayaha golaha guurtida soomaliland waxa uu sheegay in qoxootiga la dajo lagana ilaaliyo colaada lagu hayo beesha ISAAQ IYO MAKAAHIIL oo colaad makaahiil iyada markale laga sheekayn doono waxaana igu taageeray gudoomiyihii dagmada boorama maxamed xasan maaful iyo xoghayihii dawlada hoose alleel ibraahim waxaana qoxootigii dajiyay aniga oo haystay amniga iyo cabdilaali dheere oo dajinay,

Waxaa kale oo aan aasaasay urur dhalin yaro aqoon yahan ah waxaana ka mid ahaa dacar maxamuud,sitiin,axmed xuseen,cabdoo shoodhe,waxa tirada aqoonyahanka ahi dhanayd 30 qof oo ay 15 qofba habeen ku qornaayeen gaadhka ama roondada oo ay wixii ay ka shakiyaan ama ay garan waayaan iigu keeni jiray xafiiska isla markaasna aanu ku guulaysanay hawshaas

1989 kii aniga oo haysta istaafka ama shaqaalaha GOBOLKA AWDAL ee j hadii horyaal ayaa waxa xamar ama muqdisho ka yimidlaba wafti wafti diyaarad watay oo jabuuti kadagay iyo mid dhulka ah oo uu hogaaminayay axmed maxamuud geedi [xildhibaan]oo ahaa agaasiaha guud ee wasaarada waxbarashada waxay la kulmeen gudoomiyihii gobolka wuxuuna soo siiyay jeeg af garasho ah si amnigooda uu u illaaliyo waana ku raacay.

Gudoomiyaha si aan u damaanad qaado amnigooda sidaasaan ugu baxay safar aan ku sii jeedno jabuuti intii aan kusii jirnay safarka ayaa markaan gaadhnay kaantrolka xariirad laga galo ayaa nala joojiyay qoryana nalgu qabtay lanaguna yidhi halkan wax soomalinimo ahi kama jirto waftigana magaranayno qolyaha hubaysan ee qoryaha nagu qabanaya maanan ogayne unug jabhadeedkii ciiltire ayaa intay hubkii ka qaadeen ciidankii meesha daganaa ku biiray SNM markaan u dagaybay igarteen halkiina igu siiyeen salaan ciidanimo maxaabiis ay haysteena kaga siidaayeen oo aan geeyay magaalada cabdulqaadir sidiibaan ku kaxeeyay waftigii kuna geeyay magaalada lowya cado kuna talaabiyay.

Intaas kadib anigu waxaan waftiga soonoqodkodii ku sugayay magalada saylac waxaanan ku sugnaa mudo 5 cisho ah waxaanan ladaganaa oon lasii joogay nin la odhan jiray SAACID oo haystay tulba taariyada saylac imikana ah jenenka ciidamada booliska soomaliya waftigii waa soo laabtay isagoo hogaaminayo ni la odhan jiray[FAARAX FARAS] faarax oo loosoo magacaabay gudooiyaha gobolada galbeed kana tirsanaa [5]golaha sare ee kacaankii xisbiga hanti wadaaga umada soomaliyeed wuxuuna joogay saylac sadex cisho.

Wuxuu qoloba dhinac ula shiray dadkii lahaa saylac ee ahaa gadabuursi[SAMAROON] waxaana looga keenay jabuuti 4 nin oo istaaf ama illaalo ah markuu la shiray dadkii reer saylac ee gadabuursiga ahaa waxaan usoo dhaafnay magaalo xeebeeda lug haya oon joognay maalin waxaan usoo dhaafnay jidhi intaanan soo gaadhin jidhi ayaan joojinay baabuurtii waftigu saarnaa waxaanan la soo dagnay faarax faras oo aan gooni ula baxnay si aan ula hadlo kuna idhi waa marka koowaade ilaalada lagaaga keenay jabuuti kuwadimaayane ee laba arimood samee-

1- in aan adiga iyo ilaaladaada halkaas aan idinkaga tago hadaad reebi waydo ilayn cid ina ogi ma jirtee waxa ina dhexmaraya iyo xaqiiqada jirtee

2- in aad ii fuliso danta aan leehay oo ah in aad siidayso maxaabiista ku xidhan jeelasha boorama oo kala ahaa qolooyin makaahiila [gadbuursi-samaroona] iyo isaaq.

wuxuuna igu yidhi faarax waan yeelayaa labadaas arimood wuxuu halkii ku reebay illaaladii wuxuuna siidaayay maxaabiistii dadkiina ku badbaadiyay ilaahay ka sokow waxaa arintaas iigu markhaatiya dadkii maalintaas joogay oo maanta ku nool boorama.

QAYBTA DAMBENA LA SOCO
BY AXMED,XASAN BARKHAD
ReF:Camuudnews.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *