Home » Taariikhda » Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 36aad!!

Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 36aad!!

“Xasuustii Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale 2013″.

Goroyocawl-Boramacity.com-Magaalada Borama waxaan soo galney bisha Juun afarteedii sannadkii 1991-kii wakhti aroor hore ah oo saacadu tilmaameyso toddobadii subaxnimo oo dadka badankooduna hurdadda weli ka toosin, wakhtigaas waxa ay ahayd maalmihii odayaasha reer Awdal ay ka soo laabteen shirweynihii ay ka qeyb galeen ee ka dhacey magaalada Burco oo lagaga dhawaaqey gooni isu-taaga Somaliland bal se waxa ay weli ka shaqeynnayaan hawlihii nabadeynta.

Baaruurkii aan iska lahaa anigu ee aan ku dhex wadan jirey magaalada Muqdisho oo markii dagaalku dhacay reerkaygii oo dhan uu ku soo kaxeeyay Sheekh Muuse Jaamac Goodaad oo hoggaaminnayey kollonyadii reer Awdal ee u horreysay ee ka soo baxday magaalada Muqdisho ayaa waxa aan u imid odayaashii reer Awdal oo baabuurkii kaxeysannaya oo u baxaya magaalada taariikhiga ah ee Saylac.

Markii aan Borama soo gaadhnay aniga iyo ragii dhallinyaradda ahaa ee aan ka wada nimid magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa ninka la yidhaahdo Ismaaciil Muumin Aar oo berigaas intii aan Xamar dagaalku ka dhicin aanu haloosi wadney kaas oo ahaa in aan Xamar ka sammeyno waxa la yidhaahdo Non governmental organization (NGO) oo markaas wadanka ku cusbaa.

Markaas NGO-yadda waxa sammeysnaa mid uu sammeeyay Maxamed Barkhad Miigane oo uu u bixiyey GUUS, Qamar Xudhuun iyo nin kale oo reer Laascaanood ah waxa ay sammeeyeen mid kale oo ay u bixiyeen Haqabtire, Maxamed Sheekh Cabdillaahi Hoori iyo nin kale oo la yidhaahdo Cabdi Buush oo ka soo jeeda deegaanka Berberana mid ayey sammeeyeen.

Markaas aniga iyo Ismaaciil Muumin Aar fekerkii iyo haloosigii aan wadney markii aan Muqdisho joogney ayaan dib u ambo-qaadney sababta oo ah Borama markaan nimid waxa aan labbadayadu isweydiinay waar heedhe ma kuraastan yar ee makhaayada horteeda ayaan nolosheena oo dhan ku dhammeysanaa? mise shaqo ayaad abuurataan? dabadeed waxa aan isla qaadaney waar shaqo wannaagsan baan abuuraneynaa ee fekerkii aan Xamar ku soo hadal qaadney aynu halkan ka bilowno kadib fekerkii baan socodsiiney oo aan wadney dabadeedna su’aal kale ayaan isweydiiney oo waxa aan nidhi waar haddii aad sammeysaan NGO oo aad damacdaan in aad wax la qabataan amma la shaqeysaan bulshada reer Borama. Miyaanay ka horreyn in horta nabada la dhiso?. Haa iyo hawraar san baan isla qaadanney dabadeedna nabadeyntii ayaan kala qeyb qaadaney odayaashii reer Awdal ee waday dhismaha nabada iyo ragii siyaasiyiinta ahaa ee markaas la socday odayaasha oo uu hoggaamiye u ahaa Cabdiraxmaan Aw. Cali Faarax kana mid ahaayeen Janaraal Yuusuf Tallan, Qaasim Sheekh Ibraahim, Galbeedi, Oomane iyo rag kale oo badan.

Nabadgalyada in laga shaqeeyo oo dhidibo adag loo taago waxa ku xidhnaa horumarka dalka iyo kaabayaasha aasaaska u ah nolosha dadka oo dhan waxaana muhiimada koowaad ee ka shaqeynteeda iyo dhidibo u taagisteeda iska lahaa odayaasha reer Awdal oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Muuse Jaamac Goodaad, Suldaan Gurey Nuur, Xaaji Jaamac Muxumed, Xaaji Daahir Cilmi, Xaaji Abiibakar Sheekh Cumar, Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar iyo qaar kale oo badan sababta oo ah wakhtigaas waayeelka odayga ah ee Caaqilka ah amma Suldaanka ah ayaa hadalkiisu socday oo baaqiisa ay bulshadu u dhag raaricin jirtey.

Gobolladdan dhinaca Waqooyi in madax dhaqameedku qabtaan hoggaanka bulshada waxa ugu wacnaa waa gumeystihii Ingiriis ee xukumayey WaqooyigA waayo?. Waqooyigu ma ahayn mid la gumeysto (Colony) ee waxa uu ahaa mid la ilaallinayo (Protectorate). Taas heshiis lala galay Ingiriiska ayey ahayd in uu ilaalliyo dadka iyo dhulka Somaliland dabadeedna waxa uu Ingiriisku sammeyn jirey mar kasta oo uu go’aan uu gaadho isla markaana uu fulinayo waxa uu go’aankaas hirgelintiisa marka ugu horreysa uu marin jirey madax dhaqameedka sida Cuqaasha oo kale markaas waxa dhinaca Waqooyiga mar walba noolaa madax dhaqameedka halka Koonfurta Talyaanigii gumeysan jirey uu ka baabiiyey madax dhaqameedkii oo Cuqaashu shaqo ay qaban jireen ma jirin runtiina waa sababta ay maanta iyo markaas horeba u dhaqan galeen afkaartii odayaasha Waqooyiga markii ay wadeen hawlaha nabadeynta oo ay ka dhalatay Somaliland.

Haddaba marka ay halkaas mareyso ee aan ku tashaney in aan odayaasha kala shaqeyno nabadeynta si ay noogu hirgelaan hawlahayagu misna ummadda aan wax ugu qabano ayaa waxa dhacdey bishii July sannadkii 1991-kii aniga iyo Ismaaciil Muumin Aar oo wakhti gallab ah magaalada Borama wada fadhina Cabdiraxmaan Aw. Cali Faarax waxa halkii aan fadhiney noogu soo galay ninka la yidhaado..

La soco qeybaha kale…………..

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews Editor

E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *