Home » ANALYSIS & EVENTS » Kulamadii Ugu Adkaa Ee Tartanka Ramadaan Cup Ee Magaalada Borama

Kulamadii Ugu Adkaa Ee Tartanka Ramadaan Cup Ee Magaalada Borama

Boorama-Boramacity.com – Garoonka kubada cagta ee Khayriyada Boorama ee uu ka socdo tartanka ciyaaraha ee Bishabarakaysan ee Ramadan Cup ayaa waxaa fooda is daray kooxaha kala ah Machadka Horumarinta Aadamaha Vs Dhido Spare Parts Iyo Ronoluc Iyo Dugsiyada Cumar Binu Khadaab, waxana qaybta hore ama ciyaarta hore wada ciyaaray oo is haleelay kooxaha Dhido Spare Parts Vs Machadka Horumarinta Aadamaha, hadaba ciyaartan oo ahayd mid aad u xiisabadan islamarkaasina soo jiidatay indhaha daawadayaasha ayaa noqotay mid ay isku mariwaayeen labada kooxoodba 0:0 islamarkaasina ah barbardhac.

Dhinaca kale Ciyaara labaad ee tartanka garoonkan khayriyada ka socda ayaa waxaa wada ciyaaryay oo kulan xiiso iyo xamaasad leh uu dhexmaray labada kooxood ee ka kala socday Dugsiyada Cumar Binu Khadaab Iyo Rolanoc waxa ayna ciyaartaasi ay ahayd mid labada kooxoodba ay isku jawaabayeen ilamarkaasina ahayd iijaro, waxana u suurta gashay kooxda Ronoluc in ay ku guulaysato goolkii koowaad halka ay kooxda ka socotay Dugsiyada Cumarbinukhadaab ay keeneen goolkii Baraajaha ahaa sidaasina ay ku soo gabagabowday barbardhac Ronoluc 1:1 Dug.Cumar Binukhadab islamarkaasina ciyaartii ku soo idlaatay barbardhac.

Kulamadii Ugu Adkaa Ee Tartanka Ramadaan Cup Iyo Kooxaha Machadka Horumarinta Aadamaha Vs Dhido Spare Parts Iyo Rolanoc Vs Dugsiyada Cumar Binu Khadaab Oo Soo Bandhigay Ciyaar Adag.+Sawiro.

Tartanka kubada cagta ee lagu maamuusay Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ah mid wali u socda si habsamiya waxana xusidmudan in tartankani ay maalgalisay Dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO halka ay fulintana leedahay Akaadamiyada horumarinta Dhalinyarada Gobalka Awdal.
Cgkh-1Cgkh-3Cgkh-10Cgkh-14Cgkh-51

Ref: Cadceednews

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *