Home » ANALYSIS & EVENTS » Qaar ka mid ah Xaqiiqooyinka Sayniseed ee Islaamka (Some of the scientific truths of Islam) Part 1

Qaar ka mid ah Xaqiiqooyinka Sayniseed ee Islaamka (Some of the scientific truths of Islam) Part 1

Boramacity.com-Waxaan qormadaan u hibeeyey kuna xasuusanayaa shiikheennii qaaliga ahaa Cabdulqaadir Nuur Faarax (Gacamey), shiikhii axaadiista ee Soomaaliya iyo Sh.Axmed Cabdiraxmaan. ILAAHEY naxariistii janno ha siiyo.

1: Afeef

Isaga oo kaalmaysanaya awoodda Alle ee weyn, wuxuu qoraagu isku deyeyaa in uu muujiyo in Qur’aanka Kariimku uusan ahayn kitaab cibaado oo keliya (soon & salad) ee uu yahay, weligiisna ahaa, aqoon sayniseed had iyo goor cusub oo xaqiiq ah (new scientific truth). Haddaba, wuxuu qoraagu ka afeefanayaa:

a) In wixii uu qoraagu ku gefo ay tahay wax shakhsi ahaan qoraaga ugu kooban ee ma aha wax ka mid ah Islaamka, wixii uu xaqiijiyaana ay tahay Alle galladdiis;

b) In uusan soo gudbin doonin wacdiga diiniga ah ee aayadaha Qur’aanka; wuxuu soo gudbinayaa oo keliya awoodda sayniseed ee ka buuxda aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada (the powerful scientific principals);

c) In Aayadahaas iyo Axaadiistaas aan loola jeedin mayal-adayg diimeed, iyo xagjirnimo ee loola jeedo oo keliya soogudbinta xaqiiqooyinka sayniseed ee Islaamka.
Halkaan ka akhriso Xaqiiqooyinka sayniseed ee Islaamka qaybtii koowaad

Qaar ka mid ah xaqiiqooyinka sayniseed ee Islaamka
(Some of the scientific truths of Islam)
Part 1

W/Q: Dr. Warfa Abdi Mohamed (Garweyne), former lecturer in Hydrogeology and
Groundwater scientist.

Waxaan qormadan u hibeeyey kuna xasuusanayaa shiikheennii qaaliga ahaa Cabdulqaadir
Nuur Faarax (Gacamey), shiikhii axaadiista ee Soomaaliya iyo Sh. Axmed Cabdiraxmaan.
ILAAHEY naxariistii janno ha siiyo.

1 Afeef
Isaga oo kaalmaysanaya awoodda Alle ee weyn, wuxuu qoraagu isku deyeyaa in uu muujiyo in
Qur’aanka Kariimku uusan ahayn kitaab cibaado oo keliya (soon & salad) ee uu yahay, weligiisna
ahaa, aqoon sayniseed had iyo goor cusub oo xaqiiq ah (new scientific truth). Haddaba, wuxuu
qoraagu ka afeefanayaa:

a) in wixii uu qoraagu ku gefo ay tahay wax shakhsi ahaan qoraaga ugu kooban ee ma aha
wax ka mid ah Islaamka, wixii uu xaqiijiyaana ay tahay Alle galladdiis;

b) in uusan soo gudbin doonin wacdiga diiniga ah ee aayadaha Qur’aanka; wuxuu soo
gudbinayaa oo keliya awoodda sayniseed ee ka buuxda aayadaha Qur’aanka Kariimka
iyo Sunnada (the powerful scientific principals);

c) in Aayadahaas iyo Axaadiistaas aan loola jeedin mayal-adayg diimeed, iyo xagjirnimo
ee loola jeedo oo keliya soogudbinta xaqiiqooyinka sayniseed ee Islaamka.

2 Qiimaynta iyo qaderinta Qur’aanka iyo Sunnada
Islaamku waa hab-nololeed cusub, cilmi ah oo aan weligii isbedelin ( new scientific way of
life). Islaamku ma aha male-awaal aadane, ee waxaa dhaliiltir, dheellitir iyo dhammaystirba
isugu daray Allihii awoodda, ogaanshaha iyo ilaaladaba lahaa. Islaamku waa cilmi
dabagalkiisa iyo daahfurkiisaba uu leeyahay Allaah oo keliya. Waa aqoon sayniseed waayo
wuxuu wax ka sheegaa dhacdo, wuxuu dhacdadaas ka sheegaa xaqiiq, xaqiiqdaasina
marnaba ma beenowdo (ever truth). Wax ka horreeyey ama ka dambeeyey oo buriyey ama
beeniyey ma jiro. Wuxuu ku salaysan yahay aragti caqliga ogol, cilmi xaqiiq ah, cibrooyin
awood weyn leh, abuurayana isbedel cusub oo nololeed. Hase yeeshee, inteenna badani
sidaas uma qadderiso Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Rasuulka (CSWS).

Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada Rasuulku waxay mudan yihiin in la siiyo qiimayn iyo
qaderin gaar ah. Waxaa jirta in dad badani ay isku dayaan in ay is-waafajiyaan Qur’aanka
Kariimka iyo culuunta sayniska. Waxay ku dadaalaan in uusan Qur’aanku noqon mid
dambeeya oo ay waajib tahay in la dhinac wado daahfur kasta oo soo kordha. Arrintaas
waxay meelkadhac ku tahay Qur’aanka Kariimka. Waxaa dhacda in dabagal cilmi u muuqda
la rumaysto, muddo dabadeed, uu noqdo sidii loo aaminey si ka duwan, amaba ay soo baxdo
mid kale oo babi’inaysa gebiba (new theory). Haddaba, Qur’aanka Kariimka waa in la siiyo
qiimayn gaar ah, waayo uma dhowa umana dhigmo culuunta kale oo dhan sida aan ku
arkidoonno qormooyinka soo socda: 2

A) Qur’aanka Kariimku waa aqoon-sayniseed awood weyn leh (powerfull scientific
knowledge). Qur’aanku waa awooddii Alle. Wuxuu wax walba ka sheegaa xaqiiqda. Wixii
uu beeniyo wax rumayn kara ma jiraan, wixii uu xaqiijiyana wax beenin kara ma jiraan.
Sidaa daraadeed, laguma dhererin karo Qur’aanka Kariimka nooc kasta oo cilmi ah si kasta
oo ay u yihiin xaqiiq. Haddii, haddaba, ay timaaddo tijaabo sayniseed aad loo rumaysto, hase
yeeshee, aan waafaqsanayn Qur’aanka Kariimka, tijaabadaasi ilaa ay ka waafaqdo Qur’aanka
Kariimka waxay ku jireysaa horumarin iyo odoros joogto ah. Qur’aanku waa aqoon
sayniseed awood weyn leh;

B) Qur’aanka Kariimka waa la waafaqaa ee isagu waxba ma waafoqo (the standard).
Qur’aanku waa cilmi xaqiiq ah oo wax burin karaa ayan imaan intii ay jirtey taariikhda
daahfuryada dunida saynisku. Haddaba, Qur’aanku uma baahna in lala hoos cararo wax aan
la ogayn xaqiiqdooda oo u baahan baaritaan qaata muddo aad u dheer. Muxkamka (provable)
iyo mutashaabaha (improvable) ee Quraanku midna uma dhigmo nooc kasta oo cilmi kale
ah. Aragti kasta oo cusub ilaa ay ka waafaqdo Qur’aanka Kariimka waa in lagu hayaa
baaritaan iyo odoros. Sidaa daraadeed, Qur’aanka ayaa assal ah oo la waafaqaa ee isagu wax
ma waafoqo.

C) Qur’aanka Kariimka waa la xigtaa ee isagu waxba ma soo xigto (the reference).
Qur’aanku ma aha male-awaal iyo male-odoros ee horay iyo gadaalba waa xaqiiq. Taas oo
macneheedu yahay in uusan isla bedelin isbedelka iyo horumarinta lagu hayo culuunta kale.
Haddaba, Qur’aanku isaga ayaa ah midkii laga shidaal qaadanayey ee isagu waxba kama
shidaal qaato;

(Macluumaadkan oo aad u fidsan waxaad ka heli kartaa cadadka saddexaad ee NOLOLI
WAA BIYO, cinwaanka 15.3).

3 Mabaadii’da cilmibaarista casrigan ee Islaamka
Qur’aanku wuxuu aasaas dhab ah u noqday mabaadii’da looga baahan yahay cilmibaarista
casrigan cusub. Waxyaalaha muujinaya in Qur’aanka Kariimku uu saldhig u ahaa
cilmibaarista muhiimka ah oo dhan waxaa ka mid ah:
a. Baahida loo qabey (necessity): Qur’aanka waxaa la soo dejiyey xilli baahi aad u weyn
loo qabey in la helo aqoon garaadka aadanaha toosisa oo haddana kala duwan. Arrintani
waxay noqotay xeer weligiis taagan: cilmibaaris kasta waa in ay jirto baahi sabatay;

b. Cusaybka (novelty): Qur’aanku wuxuu ahaa mabaadii’ sayniseed oo cusub, wuuna ka
duwanaa wixii horey loo yaqaanney ama la akhrin jirey oo dhan. Qur’aanku wuxuu ahaa
xaqiiq cusub oo cilmi ah. Tani waxay noqotay mid weligeed taagan: cilmibaaris oo dhan
waxaa looga baahan yahay in ay soo kordjiso xaqiiq cusub;

c. Assal ahaanta (originality): cilmibaaris oo dhan waxaa looga baahan yahay in isha
akhbaarteedu ay tahay mid qura, taasoo ah in ay ka yimaaddaan kuna dhamaadaan qofka
ama kooxda barista samaysay, ama ayan horay u jirin iyadoo qaab kale ah. Qur’aanka iyo
Sunnada nebigu (CSWS) waxay lahaayeen hal il oo keliya, Nebi Maxammed (CSWS).
Sidaa awgeed, Qur’aanka iyo Sunnaduba waa original sida looga baahan yahay
cilmibaarista cusub ee casrigan;

d. Xaqiiqnimada (scientific truth): wax kast oo farsamo ahaan xaqiiq u ah (technically true),
ama xisaabin ahaan xaqiiq u ah (mathematically true), ama caqli ahaan xaqiiq u ah
(logically true), ama adeegsi ahaan xaqiiq u ah (practically true), waxaa la yiraahdaa

W/Q: Dr. Warfa Abdi Mohamed (Garweyne), former lecturer in Hydrogeology and Groundwater scientist.

Faafin:Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *