Home » ANALYSIS & EVENTS » Dharaarihii Tilmaannaa Q-37aad!!

Dharaarihii Tilmaannaa Q-37aad!!

“Xasuustii Prof: Cabdirahman Cabdulahi Jimcaale London 2013”

Wajaale-Boramacity.com-Hadaba marka ay halkaas mareyso oo aan ku tashaney in aan odayaasha reer Awdal ee mudakarka iyo muxtarimka isugu jiray aan kala shaqeyno nabadeynta si ay noogu hirgelaan hawlahayagu misna ummadda aan wax fiican ugu qabano ayaa waxa dhacdey bishii July sannadkii 1991-kii aniga iyo Ismaaciil Muumin Aar oo wakhti gallab ah magaalada Borama la fadhina Cabdiraxmaan Aw. Cali Faarax waxa halkii aan ku sugneyn noogu soo galay ninka la yidhaado Dr. Maxamuud Sheekh Xasan “Taani” waxaan isla soo qaadney waar Borama iyo Hargeysa weli way kala xidhan yihiin nabadna waa la sammeystay baa la leeyahay dadkiina dowlad bay wadda dhisteen baa la aaminsan yahay haddana isku socod ma jiro Borama illaa Hargeysa, sababta oo ah odayaasha nabada ka shaqeeya oo kaliya ayaa mara wadaddaas u dhaxeysa labbada magaalo ee Hargeysa iyo Borama, markaas baan nidhi waar miyaynu u tagno qoladdan reer Hargeysa gaar ahaan dhigeena oo aan ku nidhaahno waar malaha been baad sheegaysaan e!! haddii ay idinka dhab tahay hawshan aad wadaan maxay dhulkan u kala xidhan yihiin?.

Go’aankaas geesinnimada leh baan isla qaadaney dhammaan ragii aan maalintaas wada fadhiney oo dhan dabadeedna afar iyo tobban nin oo dhallinyaro ah ayaan kaga ambo-baxney magaalada Borama waxaana magacyadooda inta aan immika ka xasuusto raggaas ka mid ahaa.

1. Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale
2. Ismaaciil Muumin Aar
3. Caydiid Xaaji Daahir Cilmi
4. Caduur Maxamuud Jaamac AUN
5. Axmed Xasan Caafi
6. Cabdillaahi Ibraahim Habane
7. Nuur Cabdi Siciid Weyne AUN.

Magaalada Hargeysa waxa aan soo joogney muddo bil ah runtiina aqoonyahanadii dhigayaga ahaa ee aan halkaas ugu tagney markii aan wadda sheekeysanney ee aan uga waraney ujeeddada socdaalkaygu waxyaabaha uu salka ku hayo way yaabeen waxaana ay yidhaahdeen waar gool baad naga dhaliseen oo halkaan anagu idiinka iman lahayd ayaad idinku halkan (Hargeysa) noogu timaadeen.

Haddaba arrimaha xiisaha gaara leh ee maanta dareenkayga ku xardhan misna ku sahabsan socdaalka aan berigaas 1991-kii ku tagney magaalada Hargeysa waxa ka mid ah qaabkii aan u kaxeysaney gaadhi bus ah oo safarkaas aan ku galney.

Baabuurkaas buska ah waxa isla lahaa oday reer Borama ah oo la odhan jirey Xuseen Caano Nuug AUN markii aan gudaha buska fuulney anaga oo joogna bartamaha suuqa Borama, dadweynaha reer Borama way u soo daawasho tageen oo waxa ay maalintaas lahaayeen waar nimankan waalan ee isku biimeynaya jidkan aan la mari karin iyo dhulkan kala xidhan tallow ma wadkoodii baa galay? mise waali baa hoggaamineysa?.

Markii aan magaalada Borama ka baxney waxa aan sii marney Dilla oo dagaalkii sokeeye lagu burburiyey, Kala Baydh oo dhulka lala simey iyo magaalada Gabiley oo uu ka muuqday burbur aad u laxaad weyn dabadeed wakhti duhur ah baan galney magaalada Hargeysa oo burburka soo gaadhey dhismayaasheedii iyo guryihii ka taagnaa aad moodo tuushash (Meelaha jidka lagu maydho amma qubeysto) oo inta badan saqafka sare amma korka sare uu yahay mid haawannaya.

Maalintaas waxa aan Hargeysa ugu tagney rag dhallinyaro ah oo aan asxaab ahayn oo markaas iska lahaa urur magiciisa la yidhan jirey SOORA kuwaas oo ay ka mid ahaayeen.

1. Maxamed Baaruud Cali
2. Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi iyo qaar kale oo badan.
Raggaas aqoonyahanada ah ee reer Hargeysa waxa ay berigaas fadhiisan jireen guri fiilo weyn ah oo wakhtiga gallabtii ay isugu iman jireen dabadeed maalintaas aan u tagneyba waxa markii aan qadayney ku nidhi waar bal horta magaalada.
La soco qeybaha kale…………..

Dhacdooyinkaa qoraal I farey

Xasuus baa tidhi bal I dhugo

Dhadhami waayihii dorraad

Wixii dhacey dib ugu noqo.

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews Editor

E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *