Home » DAILY AWDAL STATE NEWS » Duqaymaha Israa’iil oo wali ku socda Gaza iyo Tirada dhimashada oo korortay?

Duqaymaha Israa’iil oo wali ku socda Gaza iyo Tirada dhimashada oo korortay?

Jimco, July 18, 2014-Boramacity.com — Ra’iisul wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ciidamadooda ay ballaarin doonaan dagaalka ay kula jiraan ururka Xamaas, iyadoo ay sii kordhayso tirada dadkii ku geeriyooday duqaymihii ugu danbeeyay ee ay Israel qaadday.

“Ma doonaynno inaan laynno dad shacab ah, balse Xammaas waa urur argagaxiso oo ku daba-gabanaya shacabka “ayuu yiri Netanyahu oo xusay in ay doonayaan bur-burinta godadka ay dagaal-yahanada Falastiin u isticmalaan weerarrada ay ku soo qaadan Israel.

24-ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa u geeriyooday duqaymihii xalay ay ciidamada Israel ku qaadeen marinka Gaza,iyadoo dhawaacana uu gaaray in ka badan 200 oo ruux oo u badanaa caruur iyo dumar sida ay baahiyeen qaaar kamid ah warbaahinta.

A-wounded-Palestinian-pol-003

Ebaa Rezeq oo kamid ah dadka deegaanka Gaza ayaa sheegay in ciidamada Yuhuudda ay gudaha u soo galeen qaybo kamid ah xadka falastiniyiinta, iyadoo wali ay sii socdaan duqaymaha lagu hayo kumanaan shacab ah oo u dhashay Falastin

“Hamas waxa ay samaysatay dhufaysyo cusub oo ay ka weerarraan Israel, waana mid ku cusub dagaalladan hadda socda “ayey tiri Nicole Johnston oo ah wariyaha Al-jazeera uga soo waranta Gaza oo tilmaamtay in xaaladda ay sii xumaan karto maalmaha soo socda.

Dowladda Isreal ayaa sheegtay in hal askari looga dilay howl-galladii ay ka fuliyeen Gaza ,iyadoo laba askari oo kalena looga dhaawacay sida lagu xusay warkan ka soo baxay hogaanka sare ee ciidamada Yuhuudda.

Ugu danbayntii tirada dhimashada ee Falastiiniyinta ayaa gaartay 259-ruux tan iyo marki ay bilowdeen duqaymaha Isreal 11 maalmood ka hor ,waxaana cisbitaalada Ramala ay la ciir-ciirayaan dhaawacyada dad u badan u caruur.

Ref:Hiiraan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *