Home » ANALYSIS & EVENTS » Dharaarihii Tilmaannaa: Qormaddii 38aad.

Dharaarihii Tilmaannaa: Qormaddii 38aad.

“Xasuustii Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale London 2013″.

Siimoodi-Boramacity.com-Raggaas aqoonyahanada ah ee reer Hargeysa waxa ay berigaas fadhiisan jireen guri fiilo weyn ah oo wakhtiga gallabtii ay isugu iman jireen dabadeed maalintaas aan u tagneyba waxa markii aan qadayney ku nidhi waar bal horta magaalada nagu soo wareejiya, magaaladii Hargeysa oo dhan bay nagu soo wareejiyeen waan yaabney oo waxa aan la amakaagney burburka baaxada leh ee ku dhacey dhismayaashii Hargeysa, runtii waxa ay ahayd marlaxad adag oo markii aan dhaayaha ku dhufaney waxa aan nidhi waar dadkani waxa ay u baahan yihiin gurmad culus.

Gallabnimadii baan soo fadhiisaney gurigii ay aqoonyahanada reer Hargeysa isugu iman jireen dabadeed waxa halkaas nagu soo booqdey nin la odhan jirey Barre oo markii dalka dib loogu soo noqdey isaga (Barre) laga dhigey duqa magaalada Hargeysa.

Mayor Barre waxa uu maalintaas nagu yidhi muddada aad joogtaan cuntada waxa aad ka cuneysaan guriga shaqaalaha hoyga aad jiifka iyo hurdada ugu jirtaana anaga ayaa idinka bixinneyna kharashkiisa. Taas waxa ay ahayd eray gobeed iyo odhaah wannaagsan oo nagu beertay kalsooni buuxda misna bar tilmaamsanneysay in aan helno wakhti fiican oo aan ku kala boggan karno aqoonyahanada dhigayaga ah ee aan martida u ahayn.

Muddadii aan joogney magaalada Hargeysa oo bil ahayd waxa aan la kulaney dhammaan wasiiradii dowladda Cabdiraxmaan Tuur oo mid mid aan ulla fadhiisaney sidoo kale waxa aan la fadhiisanney raggii siyaasiyiinta ahaa ee markaas aan wax xil ah hayn, waxaana aad u xasuustaa madaxweynaha maanta jooga ee Axmed Siilaanyo waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii aan markaas waxba hayn ee aan la fadhiisaney aad iyo aad baan u wadda hadalney oo aan u sheekeysaney.

Sheekada yaannan kuu dhaafin e markii aan anagu (Aqoonyahanada reer Borama) cago dhiganey magaalada Hargeysa after two days (Labbo cisho kadib) waxa billaamay isku socodkii labbada dhinac waxaana naga daba yimmid dad tiradoodu gaadheyso labbo boqol oo qof oo reer Borama ah sida mid macraad u soo safray, mid bakhaarkiisii u soo tukaameysi tagey, mid guri meesha ku lahaa oo u xiiso qabbey in uu eego gurigiisa iyo qaar kale oo dano gaar ah oo ka xanibnaa u tagayey magaalada Hargeysa sidaas darteed waxa furmey jidkii iyo isku socodkii dadka labbada dhinaca ee kala joogey Hargeysa iyo Borama.

Fadhigii aan la fadhiisanney ragii madaxda ahaa iyo siyaasiyiinta reer Hargeysa aan dib ugu noqono gaar ahaan midkii aan la wadaagney Axmed Siilaanyo oo hore u ahaan jirey guddoomiyihii Jabhada SNM oo markaas aan magaalada Hargeysa kula kulaneyna sannadkii 1991-kii aan waxba hayn.

Haddaba markii aan la sheekeysanney Axmed Siilaanyo su’aal buu weydiiyey aqoonyahanadayadii reer Borama ee kulanka la qaadaney oo waxa uu nagu yidhi “Muxuu rabbaa ninka la yidhaahdo Xansharo?”.

Labbo nin baa iiga horreeyay jawaabta oo jawaab kaafiya oo ku filan amma dubaaqiisa deeqda ma ay siin dabadeed anigaa (Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale) u jawaabay oo waxa aan ku idhi “Xansharo waxa uu rabbaa waxa weeyi SDA ayuu madax ka yahay”. SNM iyo qabiilka Isaaqu waa isku mid. SDA iyo Gadabuursina waa isku mid.

Kadib waxa aan ku idhi “Axmadow markii aad wadanka soo gasheen waad khaldanteen sababta oo ah waxa ay ahayd in aad SDA u yeedhataan oo aad la heshiisaan haddii se taas dhici waydey oo maanta idinku (SNM) wadankii xukuntaan waxa aan kuu sheegayaa maanta dadka jooga magaalada Borama waa wadda SDA, warkaas waa xaqiiq dhab ah haddii aad jeceshahay in aad soo hubiso waan ku soo tuseynnaa adiga iyo ragga kale ee madaxda ka ah dowladda Cabdiraxmaan Tuur bal se cabirka ushu waxa weeyi hadba sida aan inagu (Gadabuursi iyo Isaaq) u heshiino. Taas baa dhimeysa dhererka cabirkaas iyo fahandarada labbadeena dhinac u dhexeysa.

Tusaale ahaan haddii aan boqolkiiba koton heshiino runtii boqolkiiba koton awoodii SDA way is dhimi amma yaraan haddii aan boqolkiiba boqol heshiinnana SDA jiri mayso SNM-nna jiri mayso, markaa cabirku waa kaas dabadeed Axmed Siilaanyo hadalkaygaas wuu ka garaabay oo uu garwaaqsadey oo weliba waxa uu yidhi “Waar hadal dhaxalgal ah baad ka dhawaajise maxaan sammeynaa”. Intii aannan jawaabin ayuu isagu (Axmed Siilaanyo) isku jawaabay oo waxa uu yidhi..

La soco qeybaha kale…………..

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews Editor

E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *