Home » DAILY AWDAL STATE NEWS » Telefishinka Ukraine Oo Soo Bandhigay Muuqaalo Muujinaya Gantaaladii Lagu Riday Diyaaradii Malaysia Airlines!!

Telefishinka Ukraine Oo Soo Bandhigay Muuqaalo Muujinaya Gantaaladii Lagu Riday Diyaaradii Malaysia Airlines!!

July 20, 2-14 London-Boramacity.com– Telefishinka qaranka dalka Ukraine ayaa shaaciyay muuqaalo muujinaya qaar ka mid ah Sawaariiqda ama gantaalada lagu riday Diyaaradii reer Malaysia oo sababsatay nolasha dad lagu sheegay ku dhawaad 300 oo qof una badnaa Hollandes.

Ridista Diyaaradaan oo buuq fara badan dhalisay waxaa durbadiiba goobtii lagu soo riday quburo wax baara u soo diray wadamo dhoor ah oo dad badan uga geeriyoodeen sida Holland , Australia, Indonesia, Malaysia, Mareykanka iyo Beljemka.
Raisul wasaaraha dalka Malaysia Mr.Najib Razak wuxuu shacabkiisa u balan qaaday inay si deg deg ah u soo qaban doonaan dambiilayaashii ka dambeeyay toogashada Diyaarada Malaysia Airlines ee Boeing 777 lambarkeeda (MH17 ) .
gantaal_6

Dowlada Ukraine waxay dhankooda sheegeen in uusan haba yaraatee shaki yar uga jirin inay Diyaaradaan sawaariiq ku toogteen kooxaha mucaaradka dalkaas ee uu taageero Ruushka kuwaas oo lagu magacaabo (Separatisten) ama la magac baxay The Donetsk People’s Republic (DPR) .

Tv-ga Ukraine wuxuu ku sheegay sawaariiqda ama gantaalada loo adeegsaday diyaaradaan inay yihiin (Buk Buche SA-11) oo maleeshiyaadkaan uu ku soo hubeeyay Ruushka si sumcada dalka iyo dadka Ukraine wax loogu dhimo.

Dadka ku dhamaaday Diyaarada Malaysia Airlines ee Boeing 777 ayaa qaarkood waxaa durbadiiba la soo bandhigay wadamadii ay u kala dhasheen kuwaas oo lagu sheegay 158-Qof (Holland), 43-Qof (Malaysia) , 27-Qof (Australia) , 12-Qof (Indonesia) , 9-Qof (Ingiriis) , 4-Qof (Jarmal), 4-Qof (Beljem) ,3-Qof (Philipines) iyo 1-Qof (Canada), 41-Qof oo kale ayaa lagu sheegay inay ka yimaadeen Mareeykanka iyo dalal kale oo magacyadooda weli aanan la shaacin

.gantaal_1

gantaal_2gantaal_5

Ref: Cadceed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *