Home » ANALYSIS & EVENTS » Dharaarihii Tilmaannaa Q- 40-aad!!

Dharaarihii Tilmaannaa Q- 40-aad!!

Buurta Saw-Boramacity.com-Haddaba halkaas marka ay mareyso ayaa aniga (Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale) iyo Ismaaciil Muumin Aar si aan fekerkaygii u billowno waxa aan nidhi “Waar heedhe haddii aynu sammeyneyno urur Samafal NGO waxaa inala gudboon amma haboon in aan ka digtoonnaano waxyaabaha dadkeena dareenkooda iyo shucuurtooda kicinnaya”. Taas waxa aan u arkeynnay maslaxad iyo habka keliya ee ay wax noogu hirgeli karayeen.

Fekerkii aan aaminsanney iyo hawlgelkii aan u hanweyney in uu fulo qorshihiisu waxa uu ahaa mid aan aad u rogrogney oo meelo badan aan ka fiirsanney sababta oo ah waxa aan rabney in arrintaasi deg deg u midha dhasho ummadduna ay intifaacsadaan.

Run ahaantii waaqica aynu wakhtigaas ku jirney iyo maantaba waxa caado u ah dadkeena Soomaaliyeed in wax kaste oo la qabannayo laga eeggo amma joogsado darifka qabiilka waayo? nolosheena oo dhan waxa hoggaan u ah oo amuuraha ummadda hagaya waa magaca qabiilka hadday tahay siyaasad, hadday tahay dhaqan iyo haddii kaleba waxa arrin kaste la saaraa miisaanka qabiilka waana halka ay maanta Soomaalidu ka yidhaahdaan “Looma dhana”.

Haddaba si aan carqaladdaas iyo caqabaddaas qabiilka salka ku haysa aanney saammeyn ugu yeellan hindisaha cusub iyo qorashaha horumar ee aan hiigsannaynay isla markaana aannan la kulmin wax dhibaato ah oo dheerlitiran ku keenta aasaaska NGO-gga aan markaas dhidibada u taagaynay ayaa waxa aan aniga (Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale) iyo Ismaaciil Muumin Aar isweydiiney “Waar haddii aynu labbadeenu billowno hawshan cusub ee aan ku aasaaseyno NGO u addeega ummadda reer Borama oo dabadeed aan u yeedhano qof saddexaad oo qofkaas saddexaad ay isku reer noqdaan midkeen waxa ay dadku odhannayaan NGO-ggaas waxa iska leh reer hebel haddaba si aan dhaliisha dadka iyo mala’awaalkooda uga badbaadno waa in aan u yeedhno qof saddexaad oo ka socda dharaarka saddexaad ee aan u baahannahay misna magac guud ka mid ah amma ka soo jeeda saddexda haamood ee waa weyn ee uu ka kooban yahay Samaroon”.

Waxa aan markaas xulaney oo doorbidney in uu arrintaas nala galo Cabdi Maxamuud Jaamac oo ku magac dheer Cabdi Gaagaale kadib aniga iyo Ismaaciil muumin Aar oo wadda socona ayaa u tagney Cabdi Gaagaale oo waxa aan ku nidhi “Waar Cabdow waxa aan wadnaa fekerkaas cusub oo aan ku abuurayno NGO ee adiga maxay kula tahay”, dabadeed waxa uu nagu yidhi “Waa arrin wannaagsan oo aan idinku taageersannahay, diyaar baannan u ahayn in aan karaankeyga idinla sammeeyo amma hawsha idinla qabto”.

Saddex maalmood ayaan guriga Cabdi Gaagaale fadhiisanney wakhti gallab ah oo aan qaylaad u fadhiisanney, saddexdaas maalmoodba waxa aan ka shaqeyneynay wax ay ahayd magac bixintii ururka. Waraaqo yar yar baan qaadannaa dabadeed waxbaan qornaa ugu dambeyntiina waxa aan isla qaadanney magac la yidhaahdo Social Service Volunteer Organization oo weedh ahaan u soo gaabiney “SOSVO”.

Cabdi Xassan Buuni AUN oday ay walaalo ahaayeen oo la odhan jirey Aw. Muxumed Xassan AUN ayaan u tagney dabadeed waxa aan ku nidhi “Adeer maadaama huteelkan Harowo iska xidhan yahay oo wax shaqo ka socotaa aanney jirin waxa aan kaa rabnaa in aad naga kireyso hoolka weyn ee loogu tallogalay in lagu qabto xafladaha amma munaasibadaha”. Odaygaas waxa uu ahaa waxgarad aad u fiican oo qiimo weyn u lahaa garashada iyo tixgelinta bani’aadamka sidaas darteed waxa uu ka mid yahay dadka aan wannaagooda inta aan noolahay aannan iloobi karin.

Aw. Muxumed Xassan AUN waxa uu na siiyey furihii hoolka weyn ee huteelka Harowo oo ku yaalla baramaha magaalada Borama dabadeed waxa aan u guntaney in aan hoolkii ka shaqeyno qurxintiisii iyo qalabeyntiisii sidaas darteed nin ay walaalo ahaayeen gabyaagii weyn ahaa ee la odhan jirey Nuur Bucul oo magiciisa la yidhaahdo Cabdillaahi Good isla markaana la shaqeyn jirey amma aad u kala wadday hawsha ururkii..
La soco qeybaha kale…………..

Dhacdooyinkaa qoraal I farey

Xasuus baa tidhi bal I dhugo

Dhadhami waayihii dorraad

Wixii dhacey dib ugu noqo.

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews Editor

E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *