Home » ANALYSIS & EVENTS » DEG DEG: Xildhibaan Saado Cali Warsame Oo Dablay Hubsani Ku Dileen Muqdisho

DEG DEG: Xildhibaan Saado Cali Warsame Oo Dablay Hubsani Ku Dileen Muqdisho

July 23, 2014 Muqdisho-Boramacity.com – Allaha u naxariistee waxaa daqiiqado yar kahor magaalada Mudisho lagu dilay Xilhibaanad Saado Cali Warsame oo katirsaneed Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale aheed fanaanad caan ah oo si weyn looga yaqaanay Dalka iyo Dibada.

Xildhibaanada ayaa lagu dilay agagaarka Hotelka Ampasadoor ee kuyaala Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho , waxaana wararka hordhaca ah aan heleyno sheegayaan in kooxo hubeesan ay rasaas culus huwiyeen gaarigii ay saareed Xildhibaanada.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa xiray halka lagu dilay Xildhibaana Saado Cali Warsame oo wali meydkeeda u yaalo halka lagu dilay sida uu noo xaqiijiyay wariye kusugan goobta uu dilku ka dhacay.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in soo kale Kooxaha Hubeesan ee beegsaday gaarii ay saarneed Xldhibaanad Saado Cali Warsame ay dileen darawalkii gaariga u waday.

Ref: Cadceednews

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *