Home » ANALYSIS & EVENTS » Dharaarihii Tilmaannaa Q- 42-aad

Dharaarihii Tilmaannaa Q- 42-aad

Dix Gudban-Boramacity.com-Berigaas waxaa maalin welba magaalada Borama iman jiray diyaarad yar oo gaalo la socoto kuwaas baan u dhiibnaa waraaqaha iyo mashaariicda aan dalbaneyno in wax la nagala qabto. Runtii waxa aan wakhtigaas aad u xasuustaa wafti ay la socotay Adna Aadan oo United Nation Mission ahaa oo yimmid magaalada Borama waxaannan ka war qabney imaashiyahooda sidaas darteed waxa aan u diyaariney barnaamij ballaadhan oo aan u bixiney Awdal in figures oo dhab ahaan taabannaya waxyaabihii markaas jirey gobolka Awdal sida dhinacyadda Juquraafiga, Beeraha iyo weliba arrimo kale oo khuseeya nolosha dadka reer Awdal kuwaas oo aan waftigaas u dhiibney iyadda oo u diyaarsan qaab cilmiyeysan oo aan u ku ururinnay daraasad hufan.

Markii aan xogtaas u dhiibney raggii gaalada ahaa ee shirkiina dhammaaday ayaa waxa bannaanka u soo baxdey Adna Aadan oo ooyeysa waxa ay nagu tidhi “Walaalayaal waxa aan la ooyayaa Hargeysa ayaan soo marney oo aqoonyahanadii aan halkaas kula kulaney waxba uma ay dhiibin gaaladan ka socota Qaramada Midoobay waxaa se ku farxey macluumaadka qotodda dheer ee aad idinku u dhiibteen oo aan si weyn idiinka mahacelinayo”.

Haddaba sidii aan maalin welba gaaladan timaada magaalada Borama ugu dhiibeynay waraaqo aan ku dalbanneyno mashaariic aan markaas is lahayn waxa aad wax kaga qaban kartaan kaabayaasha nolosha iyo baahida bulshada reer Borama misna dhinaca kale aan odayaashii reer Awdal kala shaqeyneyno xoojinta iyo adkaynta nabadgalyada deegaanka ayaa waxa dhacdey in la abaabuley shirweyne magaciisa la yidhaahdo GBS.
Shirkaas oo abaabulkiisa si weyn aan uga qayb qaadanney qoladayadii (SOSVO NGO) waxa lagu qabtey degmada Borama gaar ahaan dugsiga sare ee Sheekh Cali Jowhar, runtiina shirkaas waxa uu ku soo beegmay lix bilood kadib aasaaska ururkii Samafalka ahaa ee SOSVO waxaana maalmahaas la qaban qaabinayey shirka GBS anaga (Reer SOSVO) feker ahaan nagu soo dhacday mashruucii biyo gelinta magaalada Borama sidaas darteed waxa hadda nagu soo biiray labbo shakhsi oo farsamo yaqaano ah (Engineers) kuwaas oo aan u aragney in ay muhiim u yihiin amma laf dhabar dhaqaajinta hindiseed ee halbeegsannaysa hirgelinta mashruuca biyaha magaalada Borama, labbadaas shakhsi oo kala ahaa.

1. Eng. Caydiid Xaaji Daahir Cilmi
2. Eng. Maxamuud Rabiile Good.
Muddo sannad iyo badh ah ayaanu gudbinaynay qorshayaal aan is lahayn waad kaga midho dhalin kartaan biyo gelinta magaalada Borama.

Marka aan ka hadleyno xasuusta iyo sooyaalka wakhtigaas soo maray aqooyahanadii dhidibada u taagey nabadgalyada dalka iyo ururadii Samafalka waxa xiisaha iyo dareenka gaara iska leh ee illaa maanta weli ku sawiran maanka iyo garashadeyda waxa weeyi, raggayagaas ku bahoobay ururka Samafalka ee SOSVO waxa aan Xamar ka soo qaxney iyadda oo nin shillin jeebada ku hayaa jirin wax ka soo horreeya oo hanti u taalla Borama-nna jirin.

Markii aan ka soo gaadhney magaalada Borama waxa aan xasuustaa dhammaantayo waxaan wadda galney guryihii ay ku jireen dumarkii Sodoh noogu toosnaa ee hablahooda ay dhaxdinta nagula joogeen, guyihii dumarkaas baan huluulaney anaga oo dhowrayna xushmada iyo sumcada uu dhaqankeena suuban siiyey Sodohda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa aan berigaas xasuustaa cid masaariif ku siineysa ma jirto si adag baa dadku u wadda nool yihiin waayo? duruufta ka dhalatay burburkii dalka ayaa sidaas baday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba anaga oo hawshii ururka SOSVO wadna muddo sannad iyo dhowr bilood ku beegan ayuu Cabdi Gaagaale u baxay dalka Jabuuti ee aan jaarka nahay dabadeedna waraaq dheer baan qorney oo aan ka daba dirney. Taas oo aan filayo in illaa immika ay ku jirto xogta amma kaydka macluumaadkii ururka SOSVO ee aan maanta hayno, waraaqdaas waxa aan ku qorney “We can not…
La soco qeybaha kale…………..

Dhacdooyinkaa qoraal I farey

Xasuus baa tidhi bal I dhugo

Dhadhami waayihii dorraad

Wixii dhacey dib ugu noqo.

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews Editor

E-mail; rasiiqi07@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *