Home » DAILY AWDAL STATE NEWS » War Deg-Deg ah: Madaxwaynaha Jabuuti Oo Marti Maad rasmi ah u Sameeyay Suldaan Wabar.

War Deg-Deg ah: Madaxwaynaha Jabuuti Oo Marti Maad rasmi ah u Sameeyay Suldaan Wabar.

Awdalstate – wararka laga helayo dalka jabuuti ayaa sheegay in madaxweyne Geele uu marti qaad rasmi ah u sameeyay suldaan wabar oo siyaasad ahaan somaliland kasoo horjeeda.

Kulan ayaa ka dhashay kadib markii ay siyaasad ahaan u kala fogaadeen labada dal ee somaliland iyo jabuuti , kaasi oo ka dhashay khilaaf siyaasadeed oo ka curtay nidaamkii loo soo dhaweeyay madaxweynaha somaliland oo ahaa mid meeqaamkiisu aad u hooseeyo .

dawlada somaliand ayaa ka jawaan celisay dareenkaa ka dhashay sidii loo dhaweeyay m. siilaanyo waxaanay isla markiiba kulan la yeelatay Ganacsade C.rahman boore oo ay siyaadad ahaan iskaga soo hor jeedaan M. geele . taasina waa sababta ka cadhaysiisay m. geele ee uu kulanka deg dega ah ugu yeedhay suldaan wabar.

Sidoo kale warar aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegay in uu Ganacasade C,rahman Boore uudalka iman doono si uuga qayb galo Munaasibada 18 MAy oo ay dawladu ku casuuntay .

waxaa la saadaalinayaa in uu madaxweynaha jabuuti colaado siyaasadeed iyo mid dagaalahaba uu isku dayo inuu ka huriyo gobalada Awdal iyo salal isaga oo soo hubayn doona cid kasta oo siyaasad ahaa ka soo hor jeeda somaliland.

Sidoo kale warar dheeraad ah ayaa la sheegay inuu Ganacsade Mahamed aw siciid uu shalay ka soo degay madaarka hargaysa isaga oo kulamo la yeeshay qaar ka mid ah beesha uu ka soo jeedo ,kalana hadlay is badalka siyaasadeed ee ku kala dhex dhacay labda dal ee jabuuti iyo somaliland

Dhanka kale ayaa la filayaa inay dawlada somaliland ay fiiro gaar ah ku hayn doonto dhaqdhaqaaq kasta oo uu ismail cumar geele ka wado gobolada galbeedka somaliland , iyada oo dawlada somaliland laga fiayo inay xerooyin cusub oo ciidan ka samaysan doonto deegaano u dhaw xuududa ay la leedahay Dalka jabuuti
Lama saadaalin karo halka ay ku danbayn doonto xiisada siyaasadeed ee ka dhex curatay labadan dal.

Xigasho:- hargeysatimes

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *