Home » ANALYSIS & EVENTS »  Dabayshii Midnimadda iyo Isbedel Doonka  …. by Ibrahin

 Dabayshii Midnimadda iyo Isbedel Doonka  …. by Ibrahin

                            

Waxaa si aan gabasho lahayn u soo if baxaya  dabeyshii isbedelka doonka ummadda somaliyeed meelkastoy joogaan, , ka dib caleemo saarkii hogaamiyaha Djibouti ka qayb gelkii madexdda iyo marti sharafkii lagu casuumey caleemo saarka madexweynaha Djibouti…..

Baqal fardo la daaqdey faras bay is moodaa , waa dagaal oogahaha  Hargeysa, wuxuu is mooday in uu yahay madexweyne dal ee umaba haysan maalintaa ka hor in uu yahay dagaal ooge. (war lord).

  1. siilaanyo wuxuu helay ildoof Djibouti usamaysay ka dib markay ula dhaqantay qaab ummadda u dan ah, laakiin  dagaal oogaha Harggeysa umaba haysan in uu yahay maamul goboleed somaliyeed …..

Khaladka uu sameyey Madexweyne Geelle baa ahaa in uu u qaabiley ama uu sameeyey wax aanu u samayn raggii ka horeeyey,sida A/ Tuur, Cigaal Iyo ina  Rayaale,  ka dib markuu kaga hor tegay garoonka dayuuraha booqashadii u horeysay ee uu ku yimid Djibouti.

Kooxda  maafiyada ah  ee Hargeysa ka amar ku taagleysaa waxay rabeen in ay ra’yul caalamka khaldaan dhahaan waxaanu meel la fadhiisanay dawladahii urur goboleedka EGAD, OO   wey na aqoonsadeen, dabadeedna ay dacweeyaan ururka midawga Africa iyo Ururka qaramadda midoobey si khiyaano ku jirto , waxay rabeen in ay sawiro ka qadaan oo dhahaan madexweynahayagii oo la jooga madexdii sare ee Africia.

Madexweyne Geelle oo ah nin aad ugu fiirsadda hab-dhaqanka guracan ee  kooxdan, wax bandanna u sheegay in ay somali  wax kala go’ la yiraahdaana ayna suuragal ahayn, wadciga maanta lagu jiro, ayaa waxooga carab laadlaadis ah ay ka heleen ka dib markuu ula dhaqmay si ka duwan maamul goboleedyadda somaliyeed, kaas oo arime ilaaliye ka furtahay magaaladda Hargeysa, iyaguse is dhaheen  mar haddii safaarad la furey waxaa  ku xiga  aqoonsigii oo uu isagu inoogu horeeyo….

U qaadan waa bay noqotay markii dagaal ooge siilaanyo la fadhiisiyey meesha martida , dabadeedna madexweynayaashii markay soo galeen uu si wacan sacabka u garaacey, waxaa qaadan waayeey beeshii beenta loo sheegayey iyo kuwii ku shaqeysanayey, asaguse wuu ku qancay hab maamuskii lagu soo dhaweeyey iyo fadhigii,kooxdiisii maafiyadda ahayd waxay markiiba bilaabeen in afka labadiisa waax is gaadhsiiyaan , eedo iyo dhaleeceyn aan jirin ay u raadshaan Djibouti oo la og yahay halkay kala soo dabaatalay reer waqooyiga, aadna ugu   hiilisey laga soo bilaabo burburkii dawladii dhexe ee somaliya, meesha kaliya  ee wax u maraanna ama uga  soo degaan  waqooyiga somaliyana tahay xeebta Djibouti, xitaa waxaan u taagnaa Djeddah Ayadoo laga rarayo (200) oo landcruiser oy ku sheegeen dad tabaaleysan baa loo dirayaa oo abaaro ku dhaceen, hay’adona ku caawiyeen 1987-1988kii , laga dejay Djibouti loona gudbiyey Ethiopia, waana kuwii dumiyey dalkii soamliuay maalintaas waxay ku hadaaqayeen waa reer Binu Ahmed, dhamaan  gacansiga, isgaarsiinta iyo xiriirka caalamka  waxaa uga masuul ah Djibouti, horumarka ay maanta ku faanaan oo dhan waxaa ka masuul dawladda Djibouti ee uu u hogaaminayo  Madexweyne GEELLE, Haduusan jiranna meel dheer baa laga raadin lahaa waqooyi.

Qawlaysatadda Hargeysa waxay bilaabeen in ay carqaladeeyaan dadka reer Djibouti ee degan  waqooyiga somaliya ayagoo u sheegayaa in jabhad la abuurayo ka hortimaadda Madexweynaha Djibouti, taas waxaad arki kartaa falcelinta ay sameeyeen ay isku yeedheen kuwo isku sheegaya Mucaarad oo Ina Boore ka mid yahay,  waana waxmma garatidda kuwa lagu casuumey 18/05/2016 Magaaladda Hargeysa,Nin kanu  asagoo ah ganacsadaha ugu weyn dalka oo wax ka maqan adduunka aanu jirin , buu rogey hantidiisii, muxuu ku soo kordhin karaa Djibouti, maxay HARGEYSA  u tari kartaa hadduu macaaradad ka bilaabo.. waa waxba ……

Waxaan soo dhaweynayaa talaabadan uu qaaday Madexweyne GEELLE ee ah in uu casuumay madex dhaqameedka beesha galbeed, arimona ay is meel dhigeen, waa talaabo loo baahnaa in hore loo qaado, si midnimadda somaliyeed looga midho dhaliyo lana soo  dhaweeyo, waayo waa in baalasha  laga rifaa kooxdan dhiigmiiradda ah ee dadkooda beenta ku maaweelinaya shan iyo labaatan ka sanno wax ay u soo wadaanna aanay jirin…..

Dabayshii midnimadda soomaliyeed baa soo ureysa ee waa in loo diyaar garoobaa, Beelaha  Galbeedku waa in ay Djibouti wax la qabsadaan sidii loo yagleeli lahaa midnimo somaliyeed, Eyda ciyeysa ee ka  soo qaylyeysa  waqooyiga maraykankana waa in wid la dhahaaaaa……

                                       A.BIbrahim(Aden-Cadde).

                                                  KSA.

One Response to  Dabayshii Midnimadda iyo Isbedel Doonka  …. by Ibrahin

  1. ahmed Reply

    May 24, 2016 at 7:36 pm

    alla maxad been isku shegteen Somaliland wa dal jira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *