Home » DAILY AWDAL STATE NEWS » Maaxa Ka Jira Kulanka Salaadiinta Awdal iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele?

Maaxa Ka Jira Kulanka Salaadiinta Awdal iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele?

Awdalstate – Wararka aanu ka helayno magaalada djabuuti ayaa sheegaya madaxweynaha Jamhuuriyada Dalka Djabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele inuu caleesosaarkii kadib kulan la yeeshay saddex Suldaan oo kasoo jeeda gobollada galbeedka Somaliland.

Suldaan Baade, Suldaan Dhawal iyo Suldaan Samatar ayaa la sheegay inuu madaxweyne geele ka codsaday inay ay taageeraan fakarka uu qabo ee ah inaa soomaliya inteeda kale lala midoobo, Madaxweyne Geele ayaa saddexda Suldaan u soo bandhigay qorshayaal mudo badan socday oo la damacsanyahay maamulka Hargeysa lagu qasbo inuu ka mid noqdo federaalka soomaliya,gobollada galbeedka Somaliland laga dhigo maamul goboleed gaara ah.

Saddexdan Suldaan ayaa la dajiyay Kempinski Hotel waxana loo sheegay in haday doonaan halkaasi iska fadhiyi karaan lacagna ku qaataan inta dhulka laga xoraynayo maamulka Siilaanyo, inkastoo Salaadiintu sida la sheegay qaarkood sheegeen inay u qurux badantahay sumcadooda inay halganka si cad uga qayb qaataan kol hadii taageerada dalka Djabuuti ay haystaan hadana ma cada qaabka ay hawshani u gali doonaan.

Madaxweyne Geele ayaa ah madaxweynaha kaliya ee isir ahaan Soomaliga ah ee maamula xukuumada Djabuuti ee Soomaliyeed, waana madaxweynaha kaliya ee soomaliya burburka soo gaadhay ka damqaday ee ila hada ku jira sidii nabad waarta lagu soo dabaali laha guud ahaan soomaliya oo dhan loona heli laaha dawlad xalaala oo dadka u kala xaqsoorta, oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan.

Geesta kale waxa la sheegay inuu buuq ka dhex dhashay saddexdani Suldaan kadib markii Suldaan Baade ka kacay kulanka, taasi oo la sheegay inuu diiday wixii shalayba lagu haystay beeshiisa ee labadani Suldaan diideen in ay maanta diyaar baanu u nahay yidhaahdaan.

Madaxweyne Geele ayaa la sheegay inuu soo kala dhex galay si gooniya u la hadlay Suldaan Baade, taasi oo markii danbe la arkay saddexdii Suldaan oo isla wada socda.

Dhanka kale warar shalay kasoo baxay dhinaca dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay inuu madaxweyne Geele marti qaad rasmi ah u fidiyay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo ah Suldaanka kaliya ee ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland kana soo horjeeda Siyaasada maamulka Hargeysa. Lama oga ila iyo hada kulankani dhexmaray Madaxweyne Geele iyo Salaadiinta Awdal iyo Salal iyo marti qaadka Wabar inaa lagu heshiisiin doono Salaadiintani oo mudo hore siyaasada ku kala tagay.

xigasho :- Harowo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *