Home » DAILY AWDAL STATE NEWS » Seefta Isbedelka Maaliyadda oo sahayatay Maamuladdii Kastamadda Boorama, Saylac iyo Lughaya

Seefta Isbedelka Maaliyadda oo sahayatay Maamuladdii Kastamadda Boorama, Saylac iyo Lughaya

Waxa soo baxay Dakhli ka badan 4% odoroskii Miisaaniyadda ee la filayay lix biloodkan dhamaaday
Hargeysa(BCN) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ayaa shalay bedelay Maamuladdii Kastamada Boorame Saylac iyo Lughaya ee goboladda Awdal iyo Salal, iyadoo Odoroskii dakhligii Lix biloodka ee la filayay 4% in ka badani soo baxday.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu waxa uu Kastamka Boorame u magacaabay Mubaarik Maxamed Liibaan, Aadaan Yuusuf Rayaale iyo Qaasim Xuseen Madarka isagoo ka qaaday Sahra Xaamud Jibriil, C/laahi Xasan Ibraahim iyo Feysa Maxamed Cilmi.

Halka uu Kastamka Saylac u magacaabay Maxamed Cartan Cismaan iyo Xuseen Diiriye Saban, isagoo ka qaaday Naasir Cabdi Xuseen iyo Xuseen Cali Muuse. Halka uu Kastamka Lughaya ka qaaday Maamulihii hore Ibraahim Nuur Cali isagoo si ku meel gaadh ah ugu sii dhiibay ku-xigeenkiisii.

Dhinaca kalena, tan iyo intii uu Wasiirka Maaliyaddu bilaabay Iskubedelka Masuuliyiinta Kastamadda Dalka waxa soo baxaya Dakhli korodh saameeyay Kastamadda Kalabaydh, Berbera iyo Caynaba kuwaas oo la sheegay inuu ka soo baxay xadi ka badan intii kutalagalku ahaa.

Tusaale ahaana sida Waaheen xogaha ku helay lix biloodka sanadkan Dakhliga soo xerooday waxa uu ka badan yahay kii sanadkii hore 20.8%, oo noqonaysa Dakhligii Lix biloodkii ugu horeeyay sanadkii 2011-kii waxa uu ahaa  sadex iyo afartan bilyan boqol iyo toddoba iyo toddobaatan milyan laba boqol iyo toddoba kun shan boqol iyo sided iyo sideetan shilling. halka uu Lix biloodka sanadkan uu soo baxay Dakhli dhan       laba boqol oo bilyan sadex boqol iyo sided iyo sideetan milyan lix boqol iyo afar kun iyo sagaal boqol shilling.

Sidoo kale Odoroskii Dakhliga sanadkan 2012-ka  ee la filayay lix biloodkii dhamaaday waxa soo baxay Dakhli ka badan 4% intii kutalagalku ahaa, taasoo  ay noqonayso lacagta soo baxday laba boqol iyo sided bilyan sadex milyan boqol iyo sagaal iyo sideetan kun sagaal boqol iyo kow iyo sideetan Shilling, halkii uu Odorosku ka ahaa  Toddoba bilyan lix boqol  afar iyo toban milyan shan boqol iyo shan iyo sideetan kun oo Shilling.

80% dakhliga dalku waxa uu ka soo baxaa kastamyadda Dalka oo ku kala yaala Goboladda taasina waxay muujinaysaa korodhka Dakhli ee ka muuqda lix biloodyada sanadkii hore iyo kan iyo Lixbiloodkan Imika Odoroskiisii inay wax badani iska bedelaan, taasna waxa loo aanaynayaa dedaalka ay sameeyeen Maamuladda Kastamada loo dhiibay maadaama kuwa hore ee laga qaaday in badan joogeen.

Source Waaheen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *