Home » OPINIONS & ARTICLES » Dababa Waa Waxay Dhashee Doono Hooyadaa Ina Samatarow

Dababa Waa Waxay Dhashee Doono Hooyadaa Ina Samatarow

Doorashada Madaxtinimada Soomaliya ayaa wareegi kowaadba waxa nasiib darro ku hadhay prof Axmed Ismaaciil Samatar oo somalida inta wadaniyada jeceli ay ku hanweynayd inuu soo baxo hubaalna ahayd inuu somaliya meel sare gaadhsiin laha hadii loo doorto xilka madaxtinimada Soomaaliya laakin maanta Ina Samatar hal cod may siinin Soomaalidi uu 25 sano u ordayay ee xita uu ugu soo talo galay inuu bila musharhar ugu shaqeeyo ee uu ku ilaaway dadkiisa iyo deegaankiisa Awdalstate.

Prof Ahmed Samatar wuxu u haystay sida wadanka uu ka yimid ka dhacda Inaa aqoon, karti, wadanimo , aftahanimo  , midnimo, qabiil nacayb, daacadnimo iyo freedom of vote inaa lagu helayo codadka barlamaanka soomaalida ee aan dan iyo aash kalahayn waxaas oo dhan, shayga kaliya ee furaha u ahna ay tahay qabyaalad qoto dheer iyo lacag.

Ina Samatar dadkii uu isku halaynayay waxay tuseen inaanu waxba ku lahayn waxna ka ahayn, dadkii uu ka faanay ee reer awdalstate  ee dadkiisa aha ee uu hadana calankooda diiday ee uu hadana Ugaasdooda Diiday ayaa maanta hagrasho la’aan wixi ay hayeenba ugu shubay taasi uu ku helay 8 cod oo ah sideed cod ee Beelaha Gadabuursi meeshas ku lahayeen ka sagaalaadna isagu ayuu aha isna iskuma codayn karin.

Soomali maanta waxa maamula waa qabiil, qabiil kastina wadaniyad waxba kama galin as long as qabiilkiisu wax noqonayaan , Ina samatarna waxa looga baahna inuu mar hore karto inay dantu ku jirto dadkaaga oo wax noqda , maanta aqoonta uu haysto hadii uu dadkiisa wax ku tari  laha waxa hubaal ahaan lahayd inay tariikhdoodi iyo magacooduba soo noqon lahayeen isagna waxba kuma waayeen. Intaa wakhti iyo dedaal uu kaliyay koonfurta soomaliya iyo somaliland tageerida uu hada uun la soo baxay waxna uu kuwaayay oo hal codna ay kusiin wayeen Isaaq waxa u dhaantay inuu Awdalstate iyo khaatumo taageero.

Soomaali Maanta Waxay ku Tidhi Prof  Axmed Ismaaciil Samatar “Dababa Waa Waxay Dhashee Doono Hooyadaa Ina Samatarow” , Ina Samatar  Waxay Rajaynaya Tani Inay u Noqoto Wake Up Call .

Waxan ugu danbayntii Leeyahay Ina Samatarow dadka kuu Baahan Maanta iyo Bariba Waa Dadkaaga Waa Kuwa Aad Maanta Ka Heshay 8da Cod, Waa Kuwa Maanta Meesha Soomaali oo dhan Qabiilna Ku Quudi Waayay Hal Cod Iyagu Ku Garab Joogsadeen Waxana Hubaal ah Hadii uu Gadabuursi Inta Wax Ka Badan Kuu Hayana Waxay Ku Siin Lahaayeen Laakin Adiga Prof Samatarow Dadka Sidaas Ku ah Maxaad u Ilawday Ilayn Caws Jiilaal Waa lama Huraane.

Qore Samaron Rooble Hassan

samaronhassan@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *