Home » ANALYSIS & EVENTS » Qormooyin Taxana ah: Dhaxal Uga Tag Dhalaankaaga:-

Qormooyin Taxana ah: Dhaxal Uga Tag Dhalaankaaga:-

Meiso-Boramacity.com-Magaca Alle Naxariistiisa Mid Guud & Mid Gaadh ahaaneed Ayaan Ku Bilaabayaa’ Alle Waa Oge Falsan’ Waanna Gargaaraha Kaliya Ee aanu Cuskano Kolkay Aafo Timaado, Intaa Ka Dib Qormadaan Taxanaha ah Waxaan u Hibaynayaa Naxariistii Jano Fardowsa Allaha Ka Waraabshee Eedaday Marxuumad ”Xaawo Xaaji Abdi Xaaji Muude” Oo Dhawaan Ku Geeryootay Deegaanka Ilimaha Ee Degmada Gabilay Halkaasi Oo Ay Ku Sugan Yihiin Qaar Ka Mida Duriyadeeda ay Dhashay’ Waxaa Layidhi ‘Xabaali Ma Durugtee Ninkeedaa Durka’ Eedaday Waxay Ka Soo Hayaantay Dhulkii ay Deganayd Mudo Ka Badan 50 Sanadood Halkaasoo ah Buuraha Sida Silsiladaha Isugu Xidhan ee Loo Yaqaan Baadi Una Dhaxaya Jinacsani & Golowaaji,

Mid Ka Mida Safaradii Iigu Yaabka Badnaa Taariikhdayda-

Waa Xili Gu’ ah Dabayaaqadii Waxan Ku Suganahay Magaalada Addis Ababa Dhambaal ayaa Iga Soo Gaadhay Eedaday Xaawa Xaaji Waxaana Ku Xarxariiqnaa Inaan Sida Ugu Dhaqso Badan aan u Soo Amaba Baxo’ Waa Meel Rabi Wax Ka Wadee Marxabo & Gudoon ayaan Idhi, Amba Bax ayaan Isu Diyaarshay’ Gurtay Xamaamtaydii’ Waxaan Afka Saaray Xarunta Weyn Ee ay Ka Baxaan Gawaadhida Isaga Kala Goosha Guud ahaan Wadanka Ethiopia Kuna Taal Addis Ababa Loona Yaqaan ‘Atobsira’ ayaan Iska Xaadiriyay 4-tii Subbaxnimo, Waxaana La Ii Eegay Inaan Ku Jira Diiwaanka Inta Maanta Tagaysa Magaalada Jigjiga Xarunta DDSI’ La’iga Hel’ Waxaana La’iigu Bishaareeyay Inaan Isu Diyaarsho Safar Dheer Oo Qaadan Doona Laba Maalmood Oo Saacada La’.

Aqristoow Waa Markii Iigu Horaysay Ee aan Cagaha Dhigo Dhulka Balaadhan Ee Hodonka ah Ee Loo Yaqaan Soomaali Galbeed Ama DDSI, Sheeko Mooyee Shaahid uma Arag, Dhan Waan Ka Faraxsanahay oo Waan Ayaan Badanahay Hadaan Ku Sii Fool Leeyahay  Dhulkaygii aan In Badan Taariikhdiisa Aqriyay Daraasad Badana aan Ku Sameeyay’ Dhana Waan Ka Naxsanahoo Waxaa Igu Soo Dhacday Murtidii ahayd ‘Naf Go’day & Roob Galbeed Midkoodna Lama Naawilo’ Hadana Waxaan Isku Canaantaa in Muraadkaan u Socdo Ka Weynyahay Waxa ay Naftu Igu Baqdin Galinayso, Hiirtii Waabariba Waxaanu Sii Dhex Marnay Magaaladda ‘Nazret Oo Waagii Hore La’odhan Jiray ” Walaalaha ” Waxayna Ka Mid ahayd Xarumaha Ugu Waa weyn Ee Boqradii Soomaaliyeed Ee Waayo Dhulka Ka Talin Jiray. Bus-kii aynu Saarnayn Waxaa uu Joogsaday Goor Bariisintii ah Magaalada ”Metehara” Halkaasi Oo Dadkii ay Quraac u Dareereen’ Waxaan Deegaankaasi ku arkay Waxyaabo Mucjisooyin ah Waxaa ay Dadka Deegaanka ii Sheegee In Meeshu uu Saban Hore ka Dhacay Waxa Loo Yaqaano Volcano, Halka Qaadh Kalana ii Sheegeen In Ummado Lagu Halaagay.

Magaaladu Waxay Inta Badan Wadada Ka Saarantahay Dhanka Midige Kolkaad Addis Ka Timaado, Docda Koonfurta Waxaa Ka Soo Kulaalaysa Harada Weyn Ee Looyaqaan Metehara Ahna Magaca ay Magaaladu Wadato Micna ahaana La’iigu Sifeeyay Buurtii Harada

Waxyaabaha Aan La Anfariiray Waxay Ahaayeen Dadka Meesha Ku Nool Oo u Badnaa Soomaali Sida Qabailada Gadabuursi, Ciise & Gurgure, Waxaa Kale Oo ay Ii Sheegeen In Dhanka Shishe Ee Harada ay Degen Yihiin Qabiilka Gugundhabe Ee Hawiye, Dhamaan Dadkani Waxay Isugu Jiraan Xoolo Dhaqato, Beeralay, Dad Reer Magaala ah & Shaqaale Dowladeed Oo u Badan Kuwii Dhisay Wadda Train-ka Ee Isku Xidha Addis Ababa & Djibouti, Maqaaxida Cuntadda Laga Cuno Waxaa Iska Lahaa Soomaali Inkastoonan Tooyan Reerka ay Yihiin,

Waanu Ka Sii Gudubnay Indhahayagu Waxay Qabanayeen Dad Reer Miyi ah Oo Safara Oo Dhamaantood Soomaali ah Kuwaasi Oo Isugu Jiray Rag Ku Labisan Dharka Hidaha & Dhaqanka Soomaalida & Hablo Timo Tidcan Oo Iyaguna ay Ka Muuqto Quruxda Hidaha Gabdhaha Soomaaliyeed Lagu Yiqiin’ Waxaanu Hadana Galnay Goor Hadh-Sookorkii ah Magalada Awash Ama ”Hawaash” Iyaduna Waxaan Kula Kulmay Dad Soomaliyeed Oo Tiro Badan Isuguna Jira Qaybihii aanu Ku Soo Xusnay Inay Ku Noolyihiin Magaaladda Metehara’ Halkaan Awasha Xoogaa Way Kayara Cimilo Duwantahay Metehara Waayo’ Dadkeedu Waa Maariin Dhalaalaya Dhinaca Bari Waxaa Magaalada Ka Mara Wabi ay Dulmarto Kaabad ( Brige ) Si Cajiib ah Loo Dhisay’ Dadka Reer Hawaash Waa Dad Farxaana Jecelna Inay Soo Dhaweeyaan Martida, Sida La’iisheegay Dadku Waxay aad u Quutaan Qudaarta Ka Soo Go’da Jiinka Wabiga Awash, Ku Darsoo Hablaha Reer Awash Way Ilka Casyihiin Ama Ilka Dabar ah ayay Badidood Leeyihiin.

Kolkaanu Ka Gudubnay Kaabadii Cajiibka ahayd Waxoogaa Kadib ayaanu Misna Kula Kulanay Halka ay Ku Kala Leexdaan Wadadaanu Ku Safraynay Ee Loo Yaqaan Dowga 4-aad & Dowga 8-aad ee Aada Dhulka Canfarta Gabdho Soomaaliyeed Oo Iibinaya Qudaar Isugu Jirta Moos, Cambe, Canuuni & Qaar Kale, Kolkaan Tooyday Waxay Ii Sheegeen Inay Yihiin Beesha Gugundhabe Ee Hawiye Iyagoo Ii Raacshay Wadada Dhankeeda Bidixe Waa Dowgaanu Nidhi Wuxuu Tagaa Dhulka Canfarta e Waxaa Ka Bilowda Qoomiyadda Canfarta.

Waxaanu Sii Soconaba Hadana Duhur Dabadii ayaanu Galnay Magaaladda ”Meiso” Oo ay Kawada Taagan Yihiin Labo Calan Oo Kala Matalaya Kililka Soomaalida Kilil 5 & Kililka Oromada Kilil 4′ Waxaa Naloo Sheegay In uu Muran Xaga Maamulka uu Meesha Ka Jiro Lakiin Kolkaad Eegto Magaalada Meiso Waa Magaalo Soomaaliyeed Balse Siyaasad Xumada Kolkaa Jirtay Ayaa Laga Faa’iidaystay Qabaailada Soomaaliyeed Ee Meesha Degan Waxay Ii Sheegeen Inay Yihiin Dad Dirah Sida Ciise & Gadabuursi, Meiso Maysan Ahayn Magaalo Weyn Markaa Waana Halka uu Ka Leexdo Qadka Train-ka Isagoo Afka Saaraya Magaalada Weyn ee Diridhaba Waxaana uu Sii Maraa Magaalooyin & Tuulooyin Badan Sida- Mulu, Degmada Afdem, Gota, Erer Oo uu Dhinac Maro Train-ku, Melka Jabdu Kadib Magaalada Weyn Ee Xarunta u Ah Qoomiyadda Dirka Waa Dira Dawa,

Lasoco Qaybaha Xiga Taxanaha Dhaxal Uga Tag Dhalaankaaga,,

W: D: Suxufi Abroone
Afhayeenka Awdal State
United Kingdom
Ku Xidhnow www.boramacity.com

One Response to Qormooyin Taxana ah: Dhaxal Uga Tag Dhalaankaaga:-

  1. Dhashii odaybiiqe Reply

    May 3, 2016 at 5:30 am

    Shaqo fiican ayaad samaysay cousin sii wad qoraalkaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *