Home » ANALYSIS & EVENTS » Qormooyin Taxana ah: Dhaxal Uga Tag Dhalaankaaga Q-2aad:-

Qormooyin Taxana ah: Dhaxal Uga Tag Dhalaankaaga Q-2aad:-

Wajaale-Boramacity.com-Magaca Alle ayaanu Ku Bilaabeeynaa Ee Naxariista Mid Guud & Mid Gaadh ahaaneed, Waxaynu Joognay Malaada Meiso. Waanu Ka Sii Shiraacanay’ Xusuusnoow Xiligaa aan Ka Hadlayo Waa Bartamihii Sanadkii 1997-kii Wadada Laamida ah Waxaanu Kaga Soo Baxnay Halka ay Ku kala Leexdaan Dowga 8-aad & Dowga Afaraad Oo ah Kani Wali aynu Ku Safrayno, Waa Wado Jay ah Misna Loo Sameeyay Caratuur Fiican, Waxaa Bilawday Silsilado Buura ah Oo Si Cajiib ah Ugu Gadaaman Wadada aynu Socono, Dhulkii aynu Soo Marnay Laga Soo Bilaabo Magaalada Nazret Waxaa uu ahaa Dhul Geed Gaabku Ku Badan Yahay & Cawska Loona Yaqaan Afka Qalaad ” Savana” Waxaanu Hadba Dhan Jaleecno Waxaanu Hadana Soo Galnay Magaalo Yara Weyn oo Buuro Dhexdeed Ku Taal’ Ruux agtayda Fadhiyay ayaa ku Qayliyay Inoo Joojiya Gaadhiga aynu Qadeeynee Balse Laga Diid oo Shufeerkii Gaariga Show Xisaabtaba uguma Jirto In Halkaan Laga Qadeeyo Waxaana uu Ku Jawaabay Qadadda & Cashadaba Waa Magaalada ” Hirna ” Kolkaasaan Anigoo Ka Faa’iidaysanayo Waxaan Weydiiyay Nin kii Hadlayay Oon ku Idhi Magaaladani Magaceed Kolkaasuu Yidhi Waxaa La Yidhaahdaa Asebe Teferi” Mahadsanid ayaan ku Idhi.

Waxaanu Kolba Buuro Kasii Dhaadhacnaba oo aynu Marba Eegno Wadada ood Moodo Kaadi Dibi Ayaanu Goor Casar Liiqii ah Anagoo Hiil & Habarba ujabnay Oo ay Gaajadu Dhawr Goor Nagu Qaboowday Galnay Magaaladuu Shifeerku Sheegayay Ee ‘‘ Hirna Anigu Saan Kolba Dhan u Eegayay Oo aan Tooyasho & Oogu Jiray Halkaan Magaceed & Yaa Daga ayaan Markii Dambe Waxaan Galay Sardho’ Waxaana Ku Soo Baraarugay Soo Dega Hirnaa La Joogaaye, Bus-kiina Waaba La Xareeyay Dadkiina Waxaa Si Degdega ah Loogu Wargaliyay Inay Raadsadaan Caawa Meelay Seexdaan Subaxiina 5-ta Aroornimo ay Halkaan Iska Soo Xaadiriyaan Ninkii ay Hurdda La Tagtana Isagay u Taal, Warbal u Kaadiya Yaabaa Ilaahay Ii Keenay Waxaan Ku Idhi War Wali Waa Dharaar Ee Waa Sidee Kolkaasaa La’igartay Inaan Dhulka iyo Nidaamka Ethiopiaba Ku Cusbahay Cidina Igama aysan Hoos Qaadin Wixii aan Deldelayay,

Waxyar Ka Dib ayuu Nin Oday ahaa Oo Ka Midaa Safarka Iigu Beer Qaboojiyay Adeer Wadankan Habaynkii Lama Safro Ee Intaan Hotel-da Lagaa Buuxin Oradoo Meel Raadso Oo Waliba Qolada Hotel-ka u Sheeg Inay Xiligaa Ku Toosiyaan Waxaana uu ii Raacshay Oo Waliba Waxaa Jira Hotel uu Nin Soomaali ah Leeyahay Waana Kaa Inta Sheeda Iga Tusay Ayuu Iga Dhaqaaqay’ Nin Wax Ku Siiya Ma Weydide Nin Wax Kuu Sheekaa Lama Helo ayay Soomaalidu Ku Maahmaahdaa, Anigoonan Hadal Juuq Odhan Ayaan Halkii La Ii Tilmaamay Isku Siidaayay’ Saaba Odaybaa Meel Halkan ah Ku Dhagaysanayo Redio Oo Waliba Waxaa u Dhegta La Macaansanayay War Kolkaa ay Waday BBC-da Qaybteeda Afka Somaaliga, Runtii Waan Farxay Kolkaan Arkay Ruux Soomaaliyeed Oo Waliba Mulkiilaha Hotel-ka ah’ Salaan & Bariido Ka Dib Kolkuu Arkay Inaan Maryooleey ahay Ayuu u Yeedhay Gabadh uu Dhalay Oo Markaa Madaxa Kor u Soo Qaadaysay Kuna Yidhi Inanka Gee Qol uu Jiifto Waana Walaalkaa Ee La Soco, Odayga Waxaa uu Ku Hadlayaa Afsoomaali Faseex ah Balse Gabadhu Waxay Ugu Jawaab Celisay Aabaheed Af-soomaali & Af-Oromo Isku Dhafan.

Hadaba Aniga ahaan Halkaa Suaal baa Iiga Banaanaatay Intii Yarayd ayaan Ka Gaadhsiiyay Walaal Miyaadan Af-somaaliga Aqoon Iyadoo Qajilaysa ayay Igu Tidhi Waan Garanayaa ee Waxaa Iga Tan Batay Af-ka Oromada Oo ah Bulshadaan La Noolahay & Hooyadey oo Ka Dhalatay Qoomiyada Oromada, Kolkaasaan u Garaabay Waayo Iguma Cusbo Qof Noocaan oo Kala ah Waxaana Horay Ula Soo Dhaqmay Dad Badan Oo Soomaaliyeed Oo Ku Dhashay Wadamadda Kenya, Tanzania, Ugada & Kuwa Ku Dhasahay Addis Ababa, Intaa Ka Dib Kolkaan Isku Soo Hubsaday Qolkaygii Oo Waliba aan Ka Soo Maydhay Daalkii Safarka Ayaan Balow Dibada u Soo Idhi Ilaa War Baa Ihayee Kobtii uu Odayga Fadhiyay Ayaan Soo Abaaray Dhinaciisaan Fadhiistay Markiiba Waxaa uu Iweeydiiyay Qoladaan ahay iyo Halkaan Ku Socdo? Meelaan Rabay Roob Igu Eri  Ayaan Hoosta Ka Idhi oo Waa Saan Rabay Kolkiiba Waan U Qadimay Jawaabtiiyoo Isku Makaan ah’ Markaan Marayo Ardaaga Hoose ee aan Ahay Ayuu Igu Yidhi Adeer Isku Dad ayaanu Nahay Ee Hetel-ka iyo Meheraduba Waa Taadiiye Soo Dhawoow, Xaqiiqdii Markaa iyada ah Anigu Dadka Aad Uma Aanan Kala Aqoon Waxbadana Waan Ka Dhacsanaa, Intaa Kolkuu Iyidhi Odayga ayaan Is Idhi Malaha Ninku Show Waaba Samaroon Oo Waliba Waa Jilibkaaga.

Anigoo Madaxa Yara Xoqanaya Ayaan Ku Idhi Adeer Mid Hadaan Ku Su’aalo Maad ii Cugi Kolkaasuu Yidhi Haaye Soo Adeer’ Si Reer Magaalnimo ah Ayaan Ku Idhi Oo Adeer Ma Waxaad Tahay Reer Nuurkii Dhulkaan Lagu Sheegayay Ee Oromoobay’ Inta Yara Dhoolo Cadeeyay Ayuu Iigu Jawaab Ceshay Maya ee Adeer Waxaan Ahay Sacad Muuse Reerka aad Sheegina Waa Dadkayga Mana Kala Fogin Waana Ay Jiraan Dad Badan oo Reer Nuur & Samaroonba ah Oo Degan Dhulka Fog Ee Gudaha ah, Intaa Ka Dib Odaygii Sheeko Dheer ayaa Ina Dhexmartay Siduu Dhulkaan Ku Yimid, Reerka uu Ka Qabo, Caruurta & Sida uu Hantidan Ku Tabcay Ayuu Ii Guudmaray’ Kolkaa Iyada ah Waa uu Qayilayay Waxaana uu Ahaa Ruux Da’ah Anigoo Aad u Xiisaynaya Waayaha & Marxaladaha uu Odayga Soomaray Ayunbuu Mar Qudha Igu Yidhi Orodoo Iska Seexo Adeer Anigaana Subaxii Ku Soo Toosin Dhowr Mar Ayaa Waxaa La’iikeenay Cabitaan Laga Soo Tuujiyay Miraha Loo Yaqan Afo-kaadhada Oo La igu Yidhi Magaalada Hirna & Nawaaxigeeda ayay Ka Soo Go’daa Waxayna Ahayd Afo-kaadho Aad u Dhadhan Wanaagsan.

Balantu Siday ahayd Odaygiibaa Daakiraadii igu Soo Garaacay Albaabka Mana Aan Seexan Habaynkii Oo Dhan Oo Waxaan Kala Horayay Waayo Badan Oo Kolkaa Igu Xeernaa Waxaana Intaa Iisii Dheerayd Bahal Inkaar Qabta Oo La Yidhaahdo ‘‘ Tagfi ” Nin Ethiopia Arkay Walee Looga Sheekayn Mahayo Wax Yeeladda Takfida, Waana Ismacsalaamaynay Odaygii Safar Qayr Qaba Adeer Ayuu Igu Yidhi Hadaad Soo Noqotana Isoo Mar Ayuu Ii Raacshay Ana Waan Ka Balan Qaaday.

Xaruntii Bus-ku Ka Baxayay Ayaan Iska Xaadirshay Anigoo Ilina I Daboolantahay Midina Aan Ka Bikaacsiinayo’ Geerkiibuu Shifeerku Ku Jiiday, Hada Sidii Shalay Uma Firfircooni Oo Waxaa Isgu Kaaya Biiray Sidaan Horay u Soo Sheegay Daal, Hurdo-Xumo & Marxalada Safarka Oo ah Mid Adag, Waxaanu Sii Marnay Sida Caadada ah Magaalooyin &Tuulooyin Badan oo ay Wadadu Dhexmarto, Waxaan Ka Xasuustaa Sida- Boreda, Magaalada Karamile Oo ay Dhanka Koonfureed Oo Gudaha ah Kaga Taal Magaalo La Yiraahdo Deder Oo ahayd Meelihii La’iigu Sheegay Inay Degen Yihiin Reeraha Reer Nuur’ Waa Dhul Wada Buura ah  Dad-kuna Waa Beeralay, Dhawr Tuulo Ka Dib Waxaanu Galnay Magaaladda Cajiibka ah Ee ” Kulubi ” Kulubi Waa Magaalo aan Horay Taariikhdeeda u Maqlay Waxayna Ka Mid Tahay Halka Uu Dagenyahay Jinka Ugu Weyn Geeska Afrika Sida Ay Qabaan Culimadda Haysta Diinta Masiixiga Ee Ethiopia Waxaa Jirta In Sanad Walba Halkaa Lagu Qabto Xus Lagu Weynaynayo Jinka Halkaa Degan Waxaana La Isaga Yimaadaa Daafaha Caalamka Oo Dhan,

Mar Qura ayay Indhahaygu Qabteen Dad Cadaan ah Oo Fara Badan Waxaan Moodayay Dalxiisayaal Balse Waxaa La Igu Yidhi Sanad Walba Waxaa Halkaan Yimaado Kumanaan Cadaan ah Waxayna u Yimaadaan Inay Ka Barakaystaan Magaaladan Kulubi’ Intaa Ka Dib Waanu Ka Sii Gudubnay Waxaanu Sii Marnay Tuulo aanan Magaceeda Iminka Hayn’ Tuulada Waxaa Dhanka Bidixa Kaga Taal Oon Mardambe Ogaaday Harada Weyn Ee ” Hare Yabeta Hayk” Tulooyin Kale ayaanu Cagta Sii Marinay Ilaa aanu Ka Gaadhnay Magaalada Alem Maya ama Hara Maya Waa Magaalo Hodan Ku Wax yaabo Badan Dhanka Galbeed Waxaa Magaalada Ka Saaran Laakta Caanka ah Ee Lake Haramanya” Qaybta Xigta Qormadeena Waxaanu Ka Sii Wadi Doonaa Halkaa Oo aan Kula Kulmay Waxyaabo Cajiiba Haduu Alle Idmo,,,,,,,,, See You Next Chap,,

Lasoco Qaybaha Xiga Taxanaha Dhaxal Uga Tag Dhalaankaaga,,
W: D: Suxufi Abroone
Afhayeenka Awdal State
United Kingdom
Ku Xidhnow www.boramacity.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *