Home » ANALYSIS & EVENTS » Boga Taariikhda: Liiska Qayb Kamida Mujaahidiintii Faransiiska La Jihaaday:-

Boga Taariikhda: Liiska Qayb Kamida Mujaahidiintii Faransiiska La Jihaaday:-

Carta-Boramacity.com-Wali waxaynu  ku guda jirnaa faaqidaada buuga maamuuska badan ee  MA NAXE, iyadooy innoo hadheen guud ahaanba  halgankii xorriyadda Jabuuti iyo Mujaahidiintii ka qayb qaatay Jihaadkaas ee Soomaali iyo Canfar iyo Caraba intaba isugu jirtay. Iyo ugu danbayn dardaarankii qiimaha badnaa ee qoraha buugani Mujaahid Cumar Caynaanshe (AUN) inooga tegay , oo aynu buugan ku khatimi doonno. Balse inta aynu qaybahaas innoo dhiman ka hadal, waxaynu  jeclaysannay in qaybtan yar oo kooban aynu ku milicsanno magacda Mujaahidiintii Samarroonka ee  jihaadka Jabuuti.

Magacdani waa inta aynu kasoo xiganay buugga MA NAXE oo kaliya, waxa laga yaabaa inay jiraan magacda mujaahidiin badan oo kale oo iyagana an rabno in lagu soo daro halkan.  Magacdan oo iskugu jira hogaamiyayaal siyaasadeed oo heer dal iyo dawladba hogaamiyay, kuwo  dhaqan iyo kuwo dhaqaale iyo kuwo dagaal intaba waxa ka mid ah:

  1. Xaaji Diide
  2. Maxamuud Xaaji Diide
  3. Jaamac Saylici
  4. Jibriil Jiilane
  5. Axmad Sahal
  6. Dubad
  7. Cabdi Dhidar
  8. Ducaale Qadiye
  9. Cabdilaahi Axmad Good
  10. Cumar Kaahin Caynaanshe
  11. Cumar Cusmaan Raabe
  12. Cumar Shardi
  13. Cumar Agoon
  14. Xuseen Cadar (Baabonaas)
  15. Aadan Sh Xasan Nuuriye
  16. Ibraahim Aw-Daahir
  17. Maxamad Siciid Qarayare
  18. Maxamad Cusmaan Hufane
  19. Maxamad Muuse Hufane
  20. Xasan sheekh Muumin
  21. Xaashi Cabdilaahi Orrax
  22. Mahdi Yuusuf
  23. Cabdilleh qarayare
  24. iyo Siciid qarayare

Mujaahidiintaasi intooda badani way dhinteen, Ilaahayna waxaynu uga baryaynaa inuu ku ilaaliyo aqaladii jannada iyo Ilihii Firdoowsaad. Inta wali noolna waxaynu u rajaynaynaa cimri dheer iyo caafimaad.  Hadaba waxaynu ka codsanaynaa inuu nala soo xidhiidho Qofkii haya magac kale oo dheeraad ah oo ka mid ah hoggaamiyayaasha mujaahidiintii Samarroon ama cid kasta oo Samarroon ah oo lagu sheegi karo mujaahid ee ka qayb qaatay la jihaadka gaalka faransiisk ee Jabuuti gumaysan jiray.

Qaar ka mid ah mujaahdiinta an kor ku xusnay waxay ka qayb qaateen dagaalo jabhadeed oo hubka ayayba qaateen.  Waxa ka mid ah

( 1 ) Mujaahid Professor Cumar Cusmaan Raabe Aun-oo aad looga yaqaano Jabuuti iyo Soomaaliyaba.  Cumar Cusmaan waxa lagu eedeeyay inuu isku dayay inu u dilo CALI CAARIF, dilkaas oo Cali Caarif ka badbaaday balse uu ku dhintay dirawalkiisii. Sida qoraagu sheegay Cumar Cusmaan arrintaas ayaa lagu xidhay  iyada oo an wax xaqiiqo ah loo haynin, sannadkuna wuxu ahaa 1968kii.  Mujaahid Cumar Cusman Raabe waxa loo qaaday France, waxana  lagu xukummay dil.

( 2 ) Mujaahid Maxamad Cusmaan Hufane 23kii Mar 1975 ayaa ka gilgishay xadhigaas xaqdarrada ah iyo dilka lagu xukumay Mujaahid Raabe. Mujaahid Hufane iyo mujaahid kale oo magciisa la yidhaahdo Cabdi Xasan Liibaan waxay qabsadeen Safiirkii Muqdisho u fadhiyay safaaradda Faransiiska iyo naagtiisa. Waxayna madax furasho ku dalbadeen in la soo daayo Mujaahid Cumar Cusmaan Raabe iyo nin kale oo xabsiga Faransiiska isla mar loola taxaabay oo magiicsa la yidhaahdo Cumar Cilmi.  Faransiisku aakhirkii wuu ogolaaday in shuruudaas ay qabsadeen loo ogolaado, waana lasii daayay labadii Cumar. Waxana la odhan karaa Mujaahid Maxamad Cusmaan Hufane oo haatan innala jooga London UK inuu galay jihaad ku dhammaaday guul.

( 3 ) Mujaahid Cumar Kaahin Caynaanshe (AUN), oo ah qoraaga buuggani kaalin libaax ayuu ka galay halganka xorriyad doonka Jabuuti. Waxana la odhan karaa laf dhabar ayuu u ahaa halgankii uu hogaaminayay  Mujaahid Maxamuud Xarbi Faarax (AUN). Muruq iyo maal iyo maskaxba mujaahid Caynaanshe wuu u huray xorriyadda Jabuuti. Qaybta danbe ee buuganna waxaynu ku eegi doonnaa  isaga iyo halgankii xorriyadda Jabuuti, maadaama uu yahay qoraaga innooga tegay buugan dhaxal galka ah ee MA NAXE.

La Soco Qaybaha Kale,,

Reff: Hiildan, Booga Manaxe. Qoraa Aun O Kainanche,,

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *