Home » Diinta & Saxaabadii Rasuulka » Arrimaha Diinta: Casharkii 1-aad Iyo Qiisadi Nabi Idriis (Nabad Korkiisa Ha Ahaatee)

Arrimaha Diinta: Casharkii 1-aad Iyo Qiisadi Nabi Idriis (Nabad Korkiisa Ha Ahaatee)

Alle wuxuu Idriis ku amaanay Aayadaan” Oo ku Xus Kitaabka Qu’raanka Idriis, Wuxuu Ahaa Run Badane, Nabi Ah, Waxaana U Qaadnay Meel Sare” Maryam: 56- 57

Kadib Aadam iyo Shiis, wuxuu ahaa Idriis kii ugu horeeyey ee loo soo diro Nabi Ahaan – Nabad korkiisa ha ahaate

Idriis waxuu ahaa Ninkii ugu horeeyey ee wax ku Qora Qalin , waxuuna dhashay nabi Aadam oo nool oo weli cimrigiisa ugu harsan tahay sadex boqol iyo sideed sano.

Nabigeena Maxamed SCW waxuu ku soo maray Idriis samada Afaraad, markii uu Nabigu SCW soo ag maray Idriis Waxuu Yiri: ” Soo dhowow walaal suubban oo sare iyo Nabi suubban ahaan”

Idriis maallin maalmaha ka mida waxaa soo booqday Malag ay saaxibo ahaayeen markaasu Idriis ku yiri Malagi; Alle waxuu ii waxyooday sidaas iyo sidaas, marka fadlan ma la hadli kartaa Malakul-Mowdka inusan ii imaan oo ii siiyo waqti si aan u siyaasado camalo wanaagsan iyo kheyr.

Malagi baa waxuu ku qaaday baalashiisa oo u qaaday Samada. markii u gaaray samada Afaraad, waxay la kulmeen Malakul-Mowd, oo markaas u soo dagaayey dhulka.

Malagi baa kala hadlay arinkii Idriis uu ka codsaday mar hore oo ahaa in loo badiyo xoogaa oo loo dheereeyo Cimrigiisa .. Malakul-Modkii waxuu yiri; Laakiin aaway hadda Idriis? Waxuu yiri wuxuu saaran yahay dhabarkeyga .. Malakul-Mowdkii  waxuu yiri; Waa wax la yaab leh. waxaa la ii soo diray oo lay faray inaan ku qaado ruuxiisa oo ku oofsado samada Afraad. waxaan intaas ka fakarayey sida aan ugu qaadi karo naftiisa samada Afaraad isagoo jooga dhulka? markaasuu Ruuxi ka soo saaray jirkiisa. waana meesha ay aayadda ka leedahay ” oo Waxaan U Qaadnay Meel Sare” 

La Soco Qaybaha Kale ee Qisooyinka Ambiyada 

Reff: Galdogob Times.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *