Home » Diinta & Saxaabadii Rasuulka » Arrimaha Diinta: Casharkii 2-aad Iyo Qisadii Nabi Nuux ( Nabad Korkiisa Ha Ahaatee)

Arrimaha Diinta: Casharkii 2-aad Iyo Qisadii Nabi Nuux ( Nabad Korkiisa Ha Ahaatee)

Nuux waxuu dhashay boqol iyo labaatan iyo lix sano kadib dhimashadi Aadam .. Sida ku xusan taariikhda ehlu kitaabka, waxaa u dhaxeeyey boqol iyo lixdan iyo lix sano dhimashadi Aadam iyo Nuux amase waxaa la oran-kara waxaa labadooda u dhaxeysay Toban Qarni.

Nabi Nuux waxaa loo soo diray markii dadkiisi ay bilaabeen iney caabudaan sanammo iyo ilaahyo been ah .. Alle weyn waxuu ku xusay qisadiisa iyo qisada qoonkiisa iyo sida u ugu diray ciqaabkiisa ahaa Daadkii weynaa kuwaaso diiday baaqiisi, waxuu kalo Alle xusay sida uu u badbaadiyey isaga iyo kuwi la saarnaa doontiisa.

Waxay yiraahdeen: Nuuxow waad nala dooday oo aad u badisay doodeenii, haatan noo keen waxa aad nagu hadadeyso haddi aad run sheegeyso .. Nuux wuxuu yiri: Alle keliya baa ku keeni kara cadaabta korkiina, haddi u doono, markaas kama baxsan-doontaan, aniguse waxaan bari ka ahay dhamaan dambiyada aad gashaan.

Nuux Alla u waxyooday:Cidnana Qoonkaaga kama rumeyn doonto aan ka ahayn wixii horay u rumeeyey. ee ha ka xumaan wixii ay fali jireen darteed. kuna samee Doonta indhahayga hoostooda iyo waxyigayga, hana igala hadlin arinka kuwa falay dulmiga, waa kuwa la hafinaayo.

Sidaa bay ariku ahayd illa markii u yimid amarkii Alle oo meel walba biyo ka soo burqadeen .. Alle waxuu Nuux ku yiri ku qaad Doonta, nooc walba lammaane lab iyo dhedig iyo ehelkaaga .. Nuux waxuu Yiri:  ku fuula dhexdeeda, bisinka Alle buu ahaan doonaa waxaa lagu socdsiin iyo waxa lagu istaajin xaqiiq, rabigey waa dambi dhaaf badane, naxariis badan.

Nuux wuxuu u dhawaqay wiilkiisa, kaasoo gooni u bixiyey naftiisa, maandhaw nala soo fuul doonta hana noqon la jirka gaalada .. Wiilkii wuxuu Yiri:  waxaan u qaadi-doona nafteyda Buur oo iga badbaadin-doonta biyaha .. Nuux wuxuu Yiri: maanta ma jiro wax ka badbaadiya amarka Alle mid maa ahe isagu uu u naxariiste .. Mawjad baana timid dhexdooda, markaas buu isagu waa wiilkiye ka mid noqday kuwii la hafiyey.

Dardaarankii Nuux: Nuux CSW waxuu u dardaarmay dardaarankiisi u dambeeyey ilmahiisi oo yiri: Waan idin dardaarmaya maandhooyinow ee iga xafida dardaarankeygaan: waxaan idin amraya labo waxyaalood oo idinka reebaya labo waxyaalood: waxaan idin amraya inaad haysataan oo qabsataan ictiqaadka inuusan jirin la caabude xaqa aan ahayn allaha ( laa ilaaha illal laah), waxaana idin ka reebaya shirkiga iyo kibirka.

Nabi Maxamed CSW waxaa la weydiiyey waxa loola jeedo Kibirka waxuu yiri:  Kibirku waa xaqoo la diido iyo dadkoo la xaqiro.

Waxaa la sheegaa oo qawlka culimada u badanyahay in la soo diray nabi iyo rasuul ahaan isagoo afar boqol iyo sideetan jir ah iyo inu noolaa Daadkaa kadib sadex boqol iyo konton sano waxuu markaas noqonaya inu noolaa kun sano iyo todobo boqol iyo sideetan sano .. halka  meesha lagu aasay qabriga Nuux sida loo badinaayo inu ku yaal Kacbada agteeda, laakiin kuwa kale ayaa sheega in Qabriga Nuux u ku yaalo magaalo ku taala al-Buqaac oo loo yaqaan Kirk Nuux, waxaana halkaas ku yaala masjid jaamic oo loo dhisay arinkaas darti Alaa baana ogsoon.

Fiiro Gaara: Ku Xirnow Oo Ka Faaiideyso Silsilada Taariikhda Faca Weyn Ee Ambiyada la soo diray oo aan maalin walba bogaan Galdogob Times si kooban ugu soo gudbin-doono.

Reff: Galdogob Times News,,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *