Home » ANALYSIS & EVENTS » Arrimaha Dhaqanka: Dib u Jaleec Caleemo Saarkii Suldaanka Beelaha Jibriil-Yoonis Suldaan Abubakar Cilmi Wabar

Arrimaha Dhaqanka: Dib u Jaleec Caleemo Saarkii Suldaanka Beelaha Jibriil-Yoonis Suldaan Abubakar Cilmi Wabar

Qul-jeed-Boramacity.com- magaalada Qul-jeed oo 30 KM dhanka Galbeed ka xigta magaalada Boorame ayaa khamiistii lagu caleema saaray Suldaan Abubakar Cilmi Waber oo loo caleema saaray Suldaanka guud ee Beelaha Jibriil Yoonis.

Xafladii loo sameeyay caleemo-saarka Suldanakan cusub waxa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada iyo kumaan qof oo ka kala yimid magaalooyinka Somaliland iyo dalka Jabuuti.

Waxa Suldaanka cusub lagu caleemo saaray goob aad loo soo agaasimay waxaana caleemo qoyan ku daadiyay dhalinyaro tiro badan oo ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka. Waxa kale oo Suldaanka cusub lagu soo dhaweeyay heeso ay qaadayeen koox fanaaniin ahi.

Maayarka magaalada Boorame C/raxmaan Shide Bille, oo ka hadlay furitaankii xafladii caleemo saarka suldaanka guud ee beelaha Jibriil Yoonis ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay siday u qabsoontay xaflada caleemo saarka waxaanu tilmaamay inuu la shaqayn doono suldaankan cusub.

Afhayeenka Beelaha Jibriil Yoonis Jaamac Faarax Xareed oo madashaan caleema saarka isna ka hadlay ayaa ka sheekeeyay qaabka ay u soo xuleen Suldaanka cusub, wuxuuna sheegay in sadex bilood ay u fadhyeen xulista suldaanka deegaanka Qul-jeed.

Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, ayaa Suldaanka cusub ILAAHAY uga baryay inuu u fududeeyo xilka culus ee loo dhiibay waxaanu gudoon siiyay labiska dharka ay xidhaan xukaamta maxkamadaha.

Guddoomiyaha Guddida duqayda beelaha Jibriil Yoonis Cabdi Daahir, ayaa si waafaqsan dhaqanka beelahaasi cimaamadda huwiyay Suldaanka cusub Suldaanka cusub Suldaan Abubakar Cilmi Wabar.

Sida uu ku soo waramayo Weriye Maxamed Cumar Sheekh, Suldaan Abubakar Cilmi Waber oo Caleema saarkiisa ka dib hadlay ayaa u mahad celiyay duqayda dhaqanka ee beelaha doortay waxaanu balan qaaday inuu wanaagsan uga soo bixi doono xilkan loo igmaday waxaanu waxgaradkii xafladaasi ka soo qeyb galay uu ka dalbaday inay la shaqeeyaan.

Suldaanka cusubi waxa uu shacbiga u soo jeediyay inay sii xoojiyaan nabadgelyada dalka iyo midnimadoodaba.

Shirka Jibriil

shirka-jibriil-yoonis-ee-quljeed-22[1]

shirka-jibriil-yoonis-ee-quljeed-29[1]

Suldaan Wabar 2

 

Fiiro Gaadh ah: Fadlan Wixii Ku Salaysan Arrimaha Dhaqanka, Taariikhda, Deegaanka & Wixii Ku Saabsan Dhulweynaha Reer Adal Waxaad Noogu Soo Hagaajisaan Cinwaanka arshoone@hotmail.com, Ka Qayb Qaado Arrimaha Kor u Qaadida Deegaamaddaada,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *