Home » ANALYSIS & EVENTS » Taariikhda: Mucjisooyinkii Mujaahidiinta Qaybtii 2-aad:-

Taariikhda: Mucjisooyinkii Mujaahidiinta Qaybtii 2-aad:-

Hoobad-Boramacity.com-Casharkeenii hore waxaa uu inoo joogay Imaamkii oo Qabaa’iladii soomaalida ku amray inay dagaalka ka galaan dhanka bidixda. Qolo walbana taliyahoohii ayaa hor socday’ Imaam Aaxmed – illaaha weyni ha’unaxariistee- badhtanka ayuu ku jiray isaga ooy hareero joogeen Geesiyaashii Fardoolayda ahaa oo aad Mooddo Libaaxyo Gurrxamaya. Madaxdoodana ay ka mid ahayeen ”Aamiir Xuseen Aabuu-Bakar oo Gaaturi ahaa, Amiir Saxarbaawi Maxamed, Farshaxan Cali, Wasiir Nuur Ibraahim, Amiir Mujaahid, Farshaxan Suldaan, C/Naasir Sheeq Daawe, Amiir Abuubakar Qadiin, iyo Farshaxan Diin ( AU ) ” Iimaamkii baa kolkaa Muslimiintii Ku Yidhi:

” Wixii uu Nabiga ku yidhi Asxaabtiisa, ( NNKH ) Aayaan Aniguna idiin leeyahay’ Ukaca Janno Ballaadhkeegu Yahay Ka
 Samooyinka iyo Dhulka oo Loo Diyaariyay Dadka Alle Ka Baqa Kuwaas oo Rumeeyay Illaahay iyo Rusushiisa’ Kaasi
 Waa Dheeraad iyo Fadli uu Illaahay Siiyo Ciddii uu Doono’ Illaahay Fadli Weyn Aaa U Sugnaaday <
ogwardance3
Raggaa Waxaa kale oo Ka  Mid ahaa ” Garaad Axmadoosh Maxfuud oo Iimaamka Seeddigii ahaa oo uu Iimaamku Qabay Walaashii ( Dilwaanbara Maxfuud ) Awrici Axmed Diin Khaalid, Garaad Shamcoon, Bishaaro, Sabru-diin, Jasaa Cumar, Garaad Axmooshe, Awrici Aboon, Garaad Cismaan Jowhar, Axmed Goyta, Burhaan, Garaad Sadiiq, Del Seged, iyo Kuwa Kale (AU)
Intaa Kadib Iimaam Axmed Raggii Geesiyada ahaa ee Adkaysiga Badnaa Ayuu Soo uruursaday.kuwaasi oo kala Qayb galay Goobo badan Duulaamo Badan iyo Dagaalo Badan Raggaasi Shanboqol oo Geesiyaal ah Bay ahaayeen oo aan marna iimaamka ka ag tagain Hala Deganaado Ama Geedi Hala ahaadee, Fardaha hortoodii ayuu iimaamku Joojay’ Iyaga iyo Horjooga-yyaashoodii oo ay Ka Mid ahaayeen ” Xamse Al-Jowfi” oo maalintaa shahiiday AU’ Hormuudkii Ragga ee Faraj Sabbara, Jooxo, Arcadawa, Nabi Axmed, Xuseen Dawaara, Takiye, Xadiid Khurojo, iyo intii Raacsanayd, Tirada Ciidanka Fardooleyda ahi Maalinkaa ( Shan Boqol Iyo Lixdan Bay Ahayd )  Ciidanka Lugtuna ( Laba iyo Toban Kun Buu Ahaa )
Weriyihii Allaha Weyni Ha’unaxariistee waxaa uu yidhi’ Dhanka Bidixda Reeraha Soomaaliyeed ee Ka Dagaallamayay waxaa ka mid ahaa ” Harti oo Reer Maydh” ahaa. waa Niman ad-adag oo Ragga Tilmaaman ahaa Tiradooduna ”Seddex Boqol” Ayay Ahayd oo Seefaha si wanaagsan ugu Dagaallami Jiray. waxaa iyaguna ka mid ahaa Qabiilka ” Yabarre ‘‘ oo uu Ciidankoodu Lugtu Ahaa ” Afar Boqol” oo iyaguna ahaa Rag Qaansada iyo Falaadhaha si wanaagsan ugu Dagaallama. Kolkaas ayuu Iimaankii ku Daray Shantii Boqol ee Badhtanka ka Dagaal Galaysay kuna yidhi:  >> Halkiina Ku Ekaada Waa Inaanu Mid Idiinka Mid Ahi Meesha Ka Dhaqaaqin <<
La Soco Qaybta Seddexaad,,
Isha : Tixraaca:   Fatuux Al-Xabash
W:       Qoray:        Faisal A Abdi ( Abroone )

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *