Home » Diinta & Saxaabadii Rasuulka » Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka (scw) ( 4 )

Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka (scw) ( 4 )

 CABDULLAAHI BINU CABBAAS

(4)

Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur’aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay da’diisu ahayd 13 jir.

Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi binu Cabbaas ka xafiday Rasuulka (scw) 1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay ku sugeen kutubtooda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka ahaa wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida marka uu doonayo Salaadda oo uu u diyaariyo weysada iwm. Marka uu Rasaalka (scw) galayo salaadda wuxuu ku tukan jiray Rasuulka gadaashiisa. Nebiga aad ayuu u jeclaan jiray la jirka iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa darteed wuu raaci jiray kolka uu Rasuulka qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu Illaah ku mannaystay xikmad iyo aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa ugu duceeyay Rasuulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, Illaahna wuu ka aqbalay ducada Nebigiisa.

Xikmaddii Cabdullaahi iyo dooddii Khawaarjta:

Waxaan hal tusaale ka soo qaadanaynaa mid ka mid ah xikmadihii Cabdullaahi Binu Cabbaas. Markii qaar ka mid ah raciyadii iyo asxaabtii Cali Binu Abii Dhaalib (rc) ay ka madax taageen amarkii Cali ee la xiriiray khilaafkii isaga iyo Mucaawiya dhexmaray ayaa wuxuu Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri Cali: “Amiirkii mu’miniintoow maad ii fasaxdid si aan ula soo hadlo oo markaa aan soo dhageysto waxay leeyihiin”. Cali ayaa ku yiri: “waan kaaga cabsanayaa”. Cabdullaahi ayaa u celiyay waxaan ahay ninleh akhlaaq suubban oo aan cidna dhibin, sidiina ayuu ugu tagay. Markii uu u yimi khawaarijtii waxay weydiiyeen sababta uu u yimid, wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu wareysto.

Qaar ka mid ah ayaa soo jeediyay inaan lala hadlin, qaarna waxay yiraahdeen la hadla. Wuxuu yiri waxaan weydiiyay sababta ay ula dagaalamayaan Rasuulka Alle (scw) ina adeerkii, marna uu u yahay sodog sidoo kalena ka mid ah qof rumeeya Rasuulka kii ugu horeeyay. Waxay yiraahdeen waxaan ku haysanaa saddex qodob. Waa tan koowaade waa isagii oo xukunkii Islaamka siiyay dad gaar ah. Waa tan labaad’e wuxuu la dagaalamay Caa’isha (rc) iyo Mucaawiya, mana ka qaadan qaniimooyin oo ma qabqabsan dumarkiina. Tan saddexaad wuxuu ogolaaday inaanan la oran Amiiral mu’miniin iyadoo ay muslimiinta oo dhammi u doorteen magacaas.

Markii ay dhammeysteen hadalkooda, ayaa Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri: “Ka warama haddii aan idinku dul aqriyo aayado qur’aan ah iyo axaadiista Rasuulka (scw) ma ka noqonaysaan waxaad hadda ku sugan tihiin?”. Waxay yiraahdeen: “Haa”. Haddaba, Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa ka jawaabay qodobkoodii koowaad ee ay ku haysateen Cali ee ahaa oraahdoodii ahayd in uu Cali uu siiyay xukunka dad gaar ah, wuxuuna Cabdullaahi arrintaa ugu jawaabay oraahda Alle (sw) ee leh: “U dira xaq soore ehelkiisa ah iyo xaqsoore ehelkeeda ah..” Suuradda Al-Nisaa aayadda 35. Wuxuu Cabdullaahi weydiiyay kooxdii su’aashan ah:”Illaah baa idinku dhaariye ma waxaa fadli badan xukunka ninka iyo afadiisa iyo addoonka mise xukunka ummad dhiiggeeda la badbaadinayo, dhaawaceedana la dhayayo? Waxay yiraahdeen khawaarijtii haa oo waxaa fadli badan xukunka ummadda.

Arrinta kale ee la xiriirta inuu Cali la dagaalamay Mucaawiya iyo Caa’isha, laakiinse uusan addoonsan dumarkooda isla markaana qaniimaysan maalkooda. Cabdullaahi wuxuu weydiiyay su’aashan ah: ” Ma waxaad banaysan lahaydeen hooyidiin Caa’isha iyo wixii aad dumarka kale ka banneysateen, haddaad tiraahdaan “haa” waad gaalowdeen, sidoo kalena haddaad tiraahdaan ma aha hooyadeen iyadana waad gaaloowdeen oo waxaad ku kufriseen aayadda uu Alle ku oronayo: “Nebiga ayaa ugaroon (turid badan) Mu’miniinta naftooda, haweenkiisuna waa hooyooyinkoo”.

Faa’iidadii iyo midhihii ka soo baxay kulankii Cabdullaahi Binu Cabbaas uu la yeeshay khawaarijta ayaa waxaa ka mid ahayd in tiro aad u badan oo ka mid ah khawaarijta ay ka soo laabteen khilaafkoodii iyo madax taagoodii ay ka madax taagayeen amarka Cali (rc), kuwaasoo tiradooda gaarayay ilaa labaatan kun (20.000) oo qof, halka kuwa kale ee ku adkeystay khilaafka Cali ay gaarayeen tiradooda 4 kun oo keliya. Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu ahaa kii aad u qaddariya oo u weyneeya doonista barashada waddada cilmiga.

Intii uu Rasuulka (scw) ifka saarnaa wuxuu Cabdullaahi cilmiga ka biyo cabbi jiray Rasuulka (scw), hase ahaatee kolkii uu Rasuulka (scw) haleelay saaxiibkii sareeyay waa Alle’e wuxuu u jiheestay xagga saxaabada culumadeeda isagoo ka baranayay aqoonta iyo barashada diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu Cabbaas isagoo ka hadlaya sidii uu u dalbi jiray waddada cilmiga wuxuu yiri: “haddii aan maqlo nin ka mid ah asxaabta Rasuulka (scw) waxaan aadi jiray iridka gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan barkan jiray go’a aan wato, annigoo seexan jiray albaabka agtiisa, haddii aan doonana waxaan weydiisan jiray inaan u soo galo guriga oo markaa wuu ii fasixi jiray, wuxuu i weydiin jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku oran jiray inaan ka aqoon kororsado, waayo cilmigu waa loo tagaa ee isagu iskama yimaado, dabadeedna waxaan weydiin jiray xaddiiska aan doonayo inaan ogaado.. Sidaa ayuu uugu weynaa cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u huri jiray helista barashada cilmiga.

Sida uu Cabdullaahi u qaddarin jiray barashada cilmiga ayaa misna u weynayn jiray culumada aqoonta u leh Islaamka. Matalan hal tusaale haddaan ka soo qaadano arrintaas, waxaa la ogsoon yahay in Zeyd Binu Thaabit uu ahaa qoraagii Waxyiga, dhinaca kale wuxuu ahaa kan ugu aqoonta badan magaalada Madiina marka laga hadlayo cilmiga garsoorka, fiq-higa, qiraa’ada (akhrinta toosan ee tajwiidka) iyo cilmiga dhaxalka. Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Saxaabiga la yiraahdo Zayd Binu Thaabit oo doonaya inuu fuulo ratigiisa ayaa waxaa is hor istaagay Cabdullaahi Binu Cabbaas oo doonaya markaas inuu hogaanka u qabto ratigii uu saarnaa. Markaa ayaa Zeyd ku yiri: “faraha isaga qaad kii ay Rasuulka (scw) ay ilmo adeerada ahaayeene”. Cabdullaahi ayaa yiri: “Sidan oo kale ayaa nala faray inaan u wanaajino culumadeena”. Zeyd ayaa isna yiri: “ii soo laac gacantaada”. Cabdullaahi wuxuu u fidiyay gacantiisa, dabadeedna Zeyd ayaa dhunkaday gacantii Cabdullaahi isagoo leh: “sidatan ayaa nala faray inaan ula dhaqano Aalu-beytka Nebigeena (scw).

Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu caado ka dhigan jiray doonista iyo dalabka cilmiga ilaa uu meel sare ka gaaray. Masruuq Binu Ajdac oo ka mid ah madaxda Taabiciyiinta (ardaydii saxaabada) ayaa mar uu ka faaloonayay Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu yiri: ” Haddaad aragto Cabdullaahi waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu quruxda badan, hadduu dhawaaqaana waa ninka ugu fasaaxad badan xagga hadalka, marka uu sheekeenayana waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu cilmi badan”.

Cabdullaahi markii uu dhammeystirtay waxbarashdiisa diinta, ayaa waxa uu bilaabay inuu dadka baro diinta. Guriga Cabdullaahi wuxuu isu baddelay Jaamacad ay ka soo baxaan Muslimiinta. Haa, waa Jaamacad marka dhinac kasta laga eego. Waxaynu ognahay in jaamacadaha maanta ay dhigaan macalimiin fara badan oo kala duwan, kuwaasoo dhiga maadooyin kala duwan. Hase ahaatee Jaamacadda Cabdullaahi waxaa dhigayay Cabdullaahi oo keliya, iyadoo maadooyinka cilmiga ay kala duwanaayeen. Mid ka mid ah ardayda dhigtay jaamacaddaas ayaa yiri: ” waxaan arkay fadhiga ama xalqada Cabdullaahi oo haddii aad Qureysh oo dhan ay ku faani lahayd ay u noqon lahayd faan, wuxuu yiri waxaan arkay dadkii oo buuxiyay gurigiisa ilaa ay meeshu ka ciriirsanto, waxaan u talaabay ilinka guriga Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu igu yiri waxaad ii soo dhigtaa biyo aan ku weyso qaato, wuu weyso qaatay ka dibna wuxuu isu diyaariyay inuu ka jawaabo su’aalaha kala duwan ee ay dadka weydiinayeen.

Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu dunida kaga tagey cilmi, faham, dhowrsanaan iyo xikmad xeel dheer. Markii uu dhintay Cabdullaahi Binu Cabbaas da’diisu waxay ahayd 71 sanno. Waxaa janaasada Cabdullaahi ku tukaday Muxammed Binu Al-Xanafiya oo uu dhalay Cali Binu Dhaalib (rc), saxaabo iyo taabiciyiin fara badan. Illaah ha weyneeyo abaal marinta Cabdullaahi Binu Cabbaas aamiin:-

Ref: Somalitalk.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *