June 10, 2012 · 0 Comments
Alloog Mount-Awdalstate.com- Maamulka Somaliland uu madaxa ka yahay Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan waxa u magacaabay dad uu ku sheegay in ay Safiiro xaga qadiyada Soomaaliland uga noqondoon daafaha Dunida kuwasoo Hadda howshooda si rasmi ah u bilaabay.
Siilaanyo ayaa dadka uu magacaabay waxaa kamid ah ”Maxamed C/laahi Jaamac Sifir! oo mar soo noqday wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya iyo Adna Ismaaciil oo iyada mar soo noqotay Wasiirka Arimaha dibada maamulka Somaliland.
Safiiradan cusub dhawaan uu magacaabay Silaanyo ayaa shaqadooda ugu horeysa ee ay qabanayaan waxa ay tahay in marka horey sidii caadiga aheyd Beesha caalamka laga iibiyo Qadiyada Beenta ah ee Raagtay ee Maamulka la Magacbaxay Somaliland, balse hadda waxaa lagu soo kordhiyey ajeendayaal cusub ay is leeyihiin wax ayuu ka badali karaa fikirka gooni isku taaga Somaliland.
Farsamooyinka cusub oo hadda lagu soo kordhiyey radintii qadiyada Somaliland ayaa waxaa kamid in beesha Caalmka si cad logu sheego in Somaliland aysan mar danbe la midoobeen dalka Soomaaliya, balse haddi aqoonsi la siin waayo ay ku biirayaan xalaada dalka Soomaaliya ka socda ee ” Burcad badeeda ,Al-shababnimada iyo hoggaamiye kooxeeenimo !!
”Adna Ismaaciil” wasiiradii hore ee maamulka Somaliland ayaa dhawaan waxa ay kusoo bandhigtay shaxda cusub ee maamulka Somaliland Shir dhawaan ka dhacay dalka Beljum,waxaana shirkaas looga hadlayey dhaqaalaha geeska Afrika.
Adna Ismaaciil ayaa si aan ganbasho laheyn oo dadkii goobya ku sugnaa ka Fajicisay kusoo bandhigtay farqiga u dhaxeya Somalia iyo Somaliland,waxayna aad ugu dheeraatay in ay dhulka ku jiido Koonfurta Soomaaliya.
“Dalka Somaaliya waxa uu ku sifoobay Burcad badeednimo,Al-shabaabnimo iyo hoggaamiye kooxeednimo,balse Somaliland waa dal ku dhaqma Dimoqoraadiyada” Adna Ismaaciil aad ugu cel celisa Eryadaas.
Dhinaca kale Adna ayaa u sheegtay dadkii kasoo qeyb galay shirka in dalka Somaaliya lacagta la siinayo ay yahay lacag lagu qasaaray,waxayna ugu baaqay in Somaliland la taagero balse soomaaliya aan waqti danbe leysga lumin.
Dad badan oo Soomaali ah oo daawaday ama dhageystay hadaladii qalafsanaa ay ku hadashay Adna Ismaaciil ayaa aad uga xumaaday, Waxayna ku baqeen in Maamulka Fashilka ah ee Somaliland uu cafis ka dalbado Shacabka Soomaaliyeed!
Si kastaba ha ahaatee waxaa dhawaan loo balan san yahay in Soomaaliya iyo Somaliland ay markii ugu horeysay is hor fadhiistaan kadib waxiii ka danbeeyey burburkii dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya,waxaana arintaa dabada ka riixiya Beesha caalamka
Ref: Dayniile.com
By Abroone
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.
Sorry, comments are closed on this post.