August 13, 2011 · 0 Comments
GabileyNews–Xarakada Shabaab ee ka dagaalanta gudaha koofurta Soomaaliya ayaa la sheegay in ay badaleen hogaamiyahoodii hore Axmed Cabdi Godane oo Shabaabka dhexdiisa looga yaqaan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan abuu Zubeyr waxaana la sheegay in uu xilkiisii la wareegay Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Ibrahim Afqaani) balse Shabaabka dhexdiisa loogu yeero Abubakar A-Zeylici.
Badalka hogaanka sare ee Shabaabka ayaa ku soo aadaysa iyadoo xarakada Shabaab ay ku wiiqmeen dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana la sheegay in guuldarada dhanka shacabka & military-ga ee soo gaartey kooxda ay ugu wacan tahay khilaaf ba’an oo soo kala dhexgaley hogaanka kooxda gaar ahaan Ibrahim Afqaani & Axmed Godane.
Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho horaantii todobaadkii hore ka hor intii aanay ku dhawaaqin Shabaabku inay ka baxeen Muqdisho waxaa lagu go’aamiyey in la badalo hogaanka ururka isla markaana meesha laga saaro khilaafka u dhaxeeya labada nin ee isku haysta xilkaasi ee isku haybta ka soo jeeda.
Warar hoose ayaa sheegaya in Axmed Cabdi Godane xilka in laga wareejiyo la gaaray bilooyin ka hor arintaasi oo u xayrinayd khilaafka labada nin iyadoo saraakiisha kale ee kooxda ay lakala safteen labada nin.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Axmed Godane si cad loogu sheegay in uu xilka wareejiyo arintaasi oo ay isla qaateen saraakiisha kale ee ka soo jeeda beelaha Daaroodka, Hawiyaha & Raxanweynta kuwaasi oo ay ka mid yihiin Xasan Daahir Aweys, Mukhtaar Roobow & Fu’aad Shangole.
Saraakiishan ayaa la sheegay inay aad isagu fikir dhaw yihiin Ibraahim Afgaani, waxaana wararku sheegayaa in go’aan lagu qaatey in Axmed Cabdi Godane laga dhigo wakiilka Al-qaacida ee Bariga Afrika maadama ay Al-Qaacida ka dalbatey Shabaabka inay u soo gudbiyaan ninkii buuxin lahaa booska uu ka baxay wakiilkii Al-Qaacida ee Bariga Afrika Fasul Cabdalla oo Muqdisho lagu diley Muqdisho bishii June ee sanadkan.
Si loo kala saaro Axmed Godane & Ibrahim Afgaani ayaa waxaa la go’aansadey in xilka hogaamiyaha Al-Qaacidada Bariga Afrika laga dhigo Axmed Godane halka Ibrahim Afgaani uu si rasmi ah ula wareegay hogaanka Shabaabka.
Axmed Cabdi Godane (Sheekh Mukhtaar C/raxmaan abuu Zubeyr) wuxuu xilka hogaanka Shabaabka qabtey markii la dilay hogaamiyihii ururkaasi Aadan Xaashi Cayrow oo lagu diley duqeyn ka dhacdey degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud taasi oo ay geysteen Mareykanku.
Axmed Godane wuxuu ahaa gacanta koowaad ee Aadan Cayrow waxaana kuxigeen u noqdey Ibraahim Afgaani oo ay islayihiin beelaha Isaaq, wixii xiligaasi ka dambeeyey loolan awoodeed ayaa labada nin ka dhex aloosmay.
alixaas@hotmail.com
Muqdisho
By awdal
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.