MAXAA CUSUB MAANTA IYO AWDALSTATE » QALIN WADAAGA IYO ARIMAHA BULSHADA

Ciil Kama Karo Cabashana Ma Daayo, Qeybtii 2aad.

Raadi Wararkii Ku Dhaafay

November 14, 2012   ·   0 Comments

Hamaal

Xildhibaanadan reer awdal ee baarlamaanka ku jiraa kuraasta ay ku fadhiyaan danahooga uguma fadhiyaan ee waxey ugu fadhiyaan danta dadkii soo doortey Waxaa markaas laga rabaa in ay afhayeeno u noqdaan dadkooda iyo deegaanka ay ka soo jeedaan oo ay geed dheer iyo mid gaabana u fuulaan xaqa iyo xuquuqda ay iska lee yihiin dadka ay magacooga matalataan ee ay waliba mudnaantooda ku heleen martabada ay maanta ku dul fadhiyaan.

Waxaad moodaa in uu sii xoogeysanayo nidaamka khaldan ee jihadiisu tahay in Xildibaanada amma Wasiirada reer awdal ee Siyaasada Somaliland ku jiraa isku haystaan amma aamineenba in ay lafahooga u shaqo tageen oo kaliya isla markaana ay iloobaan dadka jiritaankoodu ka soo jeedo ee ay masuulka ka yihiin kuwaasi oo ay xasuustaan maalinta cod loo baahan yahay oo kaliya,  bal iyaba waa ummuur Allee dadkan magacooda iyo masabkooda lagu shaqeysanayo maaha kuwo la xisaabtama masuuliyiinta ay doorteen amma ay u dirsadeen in ay siyaasadooda u matalaan Somaliland oo ay ilaaliyaan wax kaste oo xaq iyo xuquuqba ay u leeyihiin, “Haddii aan quud helnay qatanaha kale yeelkii”.

Sidoo kale ma jiro qorshe cad oo qeexaya xidhiidhka tooska ah ee ka dhaxeeya masuulka iyo dadka uu matalo qaabka ay u wadda xisaabtamayaan iyo habka ay kula doodayaan waxa ay habeen iyo maalinba ugu maqan yihiin waayo dadkaas badankooda ayaa ku qanacsan kursigaas kaliya ee ay meesha ku leeyihiin kaas oo isna mishaaro iyo masaariif qoys kaliya oo laga qaato mooyee manfac kale aan lahayn. Bal hadda xusuusta labbo sadar oo ku jirey maansadii Xulub Socod ee Abwaan Cabdillaahi Dhoodaan

Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayirey, waa xujiyo yaabe!

Soomaalidu waxey halqabsi murtiyeed ulla baxdey “Hadal run kama raysto, biyona sacabbadaada ayaa lagaga dhargaaye” Xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Awdal iyo Salal ee ka tirsan labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada la isuna yidhaahdo Baarlamaanka Somaliland ee maalintii dhaweyd shirka jaraa’id ku qabtey magaalada Hargeysa waxa ay guteen waajibaadkii loo doortey kaas oo muddo dheer laga naawilayey baadigoobkiisa iyo in ay si wadda jir ah u soo dhiciyaan Saami qeybsiga maqan ee dadka Awdal iyo Salal degan xaq u leeyihiin in ay helaan, Hal abuur hadal yaqaan murti uu hore u yidhi baa hal ku dhigeedu ahaa “Cad xaaraani caafimaad ma leh ruux cunana waa la caayaa”.

Garnaqsigu wuu noocyo badan yahay sidii ay iyaguba sheegeena wuxuu ku taagnaa jaran jarooyinkii geedi socodkiisu u baahnaa in loo maro, marxaladahaasi waxaa laga xusi karaa qoraal ay ugu gudbiyeen qofka uu garnaqsigu ku socdo oo ah Maddaxweyne Siiraanyo, waxaa kale oo laga taaban karaa in ay tabashadaasi soo martey fool ka fool iyo is hor fadhiisi waxa maqan ee la ay ummadda reer Awdal tabayaan lagaga wadda hadlayey amma xaajoonayey maantana ay ku habooneyd in loo soo bandhigo warbaahinta Somaliland.

Maah maah Soomaaliyeed baa tidhaahda “Gees lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa” Sidaas darteed waxaa maanta Xildhibaanadaas la gudboon in ay tallo kula noqdaan dadkooda oo ay ka baaraan degaan tallaabada xigta ee ay qaadayaan waxa ay noqoneyso waayo talladu waxey tamarisaa oo ay qiimo leedahay marka si wadda jir ah loo gudoominayo aayaha mustaqbalkeeda, “Tallo iyadu kuma noolee adigaa ku nool”.

Adduunyadu maalinba meel bey joogtaa waayuhuna subax kaste sawir gooni ah buu la waabariistaa waxaan taas uga goleeyahay Xildhibaanadii Awdalow dadkiinu waxey idiinka barteen aamusnaan badan oo aad aynigiina dheer tihiin haddiise Rabbi maanta idin garansiiyey waajibkii la idiin doortey waxa uu yahay waanu idinku hambalyeyneynaa oo aan idinku tahniyadeyneynaa oo aan waliba hiil iyo hooba idin kula hareer joogsaneynaa laakiin midi waa iga dar daaran midina waa iga digniin, midi waa iga dar daaranoo waxaan idin leeyahay nodqa Xildhibaano la majeerto oo xil gudashadoodu ka madhan tahay musuq iyo laaluush, eex iyo daneysi gaar ahaaneed, midina waa iga digniinee daacad ka noqda oo yaan si deg deg ah la idiinka waayin midhka aad tidhaahdeen waxaan tallada kula noqoneynaa dadkii aan magacooda mataleynay.

Malaha maskaxda iyo maankeygu waxa ay murti ahaan qoraalka kaga baxayaan ”Qof kaste oo damiir fiican leh waa masuul Minalaahida ka magacaaban oo xaq u leh in uu qawl iyo qoraalba ku gudbiyo xuquuqda dadkiisa iyo deegaankiisa”.

La soco qeybta saddexaad…..

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
Email: rasiiqi07@hotmail.com


This post has been viewed 861 times.

By

‘Get Freedom and Equality for Awdal state Or Die Trying’

This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*

 and officially started in 30 July,2009.

Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest  news about the  struggle of Awdalstate  for an autonomous  state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite  start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight  by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.

"JOIN NOW"


Readers Comments (0)





Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.