MAXAA CUSUB MAANTA IYO AWDALSTATE

Faallo:- Talo la’aanta Qurbo-jooga Reer Awdal/Salal Iyo Tiiraanyada Gudaha !!

Raadi Wararkii Ku Dhaafay

January 2, 2013   ·   0 Comments

h

Talo la’aanta Qurbo-jooga Reer Awdal/Salal Iyo Tiiraanyada Gudaha !!

Wakhti laga joogo labaatan sano in ka badan dadka ku nool gudaha soomaaliya waxay ku nool yihiin ama weli noloshooda iyo jiritaankoodu ku dhisanyahay eheladoodii ,qaraabadoodii iyo qurbajoogii degaanada soomaaliya uga baxay dhibaatada dalka taalla ,waxayna kuwaasi had iyo jeer la socdaan heerka siyaasadeed iyo nololeed ee hadba ay marayeen dadkii ay kaga yimaaddeen gudaha dalka .

Sidoo kale ayaa dadyawgii ka cadhooday taliskii siyaad Barre ,kana dagaalamay cabudhintii xukuumaddii milatariga ahayd ee siyaad Barre qayb weyn ka qaataya dadkii qurbajoogga ahaa ,kuwaasoo taageero hiil hooba la garab taagnaa dadkoo dii soomaaliya kaga hadhaya ee dagaalka kula jiraya taliskaasi,kuwaasoo aakhirataankii iska xoreeyey samaystayna maamullo goboleedyo.

Haddaba markaad eegto xaaladda dadka ku nool gudaha gobolka awdal iyo kuwa ku nool, debedaha ayaad mooddaa inay yihiin dad ku kala fog xagga isirka ,abtirsiinta ,iyo wada dhalashadaba ,waxana xidhiidhka ay la leeyihiin eheldooda guduhu ku koobantahay iyagoo waxoogaa masaariif ah oo an ku fillayn u diraan qoysaskooda gudaha kaga hadhay,iyadoo ad mooddo inaysan qurbajoogga reer awdal waaba uga baryin dhinaca siyaasadda gudaha ,iyo dagaalada dhinacyada badan leh ee haysta dadkii ay ka yimaaddeen iyo eheladooda ku hadhay gudaha dalka .

Marka laga yimaaddo dhibaatada dhinaca nolosha iyo horumar la’aanta haysata dadweynaha g/awdal,mayaa dhinaca kale waxa sii dheer tacaddiyada dhinaca bani aadanka ee loo geysto dadka siyaasiyiinta ah ee kasoo horjeedda xukuumadda kasta oo ka dhalata soomaaliland,suxfiyiinta iyo cid kastoo wax ka sheegta talis kasta oo yimaadda Hargeysa .

Markaan dib ugu noqonno taarriikhda qurbajoogga reer awdal,waxa lagu xantaa ama si cad loogu sheegaa inay go’doon ka yihiin dadka soomaaliyeed intooda kale ,isla markaana anay xidhiidh wanaagsan la lahayn dadka ay ku wada nool yihiin degaanada soomaaliland ,waxana qurbajogga awdal lagu sheegaa inay inta badan afkaar ku salaysan qabyaalad dhexdooda ah ku kala qaybsanyihiin ,midna anu midka kale u gurmanin hadii dhibaato saamayso qayb ka mid ah ama shakhsiyad ka mid ah ,kuna wiirsadaan walaalahooda dhibaato soo gaadho .

Marka la barbar dhigo beelaha kale ee soomaaliland qurbajoogooda ,waxa qurbajoogga reer awdal kaga duwanyihiin dhinaca siyaasadda oo ay ka dhacsanyihiin ,isla markaana anay jirin mashaariic gaar ah oo ay si wadajir ah uga fuliyeen gobolka .

Waxay sameeyeen intaa soo urur oo samafal ah ,hase yeeshee ma jiraan mid qudha oo si buuxda uga hawlgala dalka gudihiisa ,kuwa kale ayaa iyaguna halkii ay ka caawin lahaayeen dadkooda gudaha gargaarkooda u badiya qaxootiga reer koonfureedka ee ku nool dalka kiiniya iyo meelo kaleba .

Markaad eegto waxtarka dhinaca siyaasadda ee qurbajoogga reer awdal ayaad moodda inay inta adan ku salaysanyihiin kuwa wakhti kooban socda ,kuna dheehantahay cadifado qabyaaldeed oo an sii mugweyneyn.

Tusaale ahaan waxay qurbajoogaasi inta badan ku mashquulsanaayeen badbaadinta soomaaliya , awdal state ,kibcinta waxa laga yeelayo dadkii jidgooyada lagu laayey ,waxayna gebi ahaanba maalmahaasi ahaayeen kuwa qurbajooggu dabada ka riixayeen qalalaase iyo ammanadarro ay dadka usoo jiidayeen ,markii dhibaato loogu geystayna iskaga baxeen .

Halkee ayuu ku dambeeyey madaxweynihii awdal state ,halku ku dambeeyey ina ismaaciil samatarkii ugu aqoonta badnaa soomaali ee xamar looga taag la’aa ,halkay ku dambeeyeen dadkii lagu laayey saameel iyo kala baydh cidi isma weydiin ?madaxweynihii awdal state wuxu hawada ka baxay dadkiisiina ka dhex baxay markii Axmed siilaanyo magacaabay wasiir reerkiisa ah ,aaway kuwii xamar u shaqo tegey ,maalin qudh lama arag qurbajooga reer awdal oo ka hadlaya saxaafadda caalamiga ah ,lamana arag nin eedeyn usoo jeedinaya xukuumadaha soomaaliya ,UNta ,Euda iyo kuwa kaleba kuwaasoo karbaashka ku dhacaya dadweynaha gobolka gacan ku leh .

Maanta oo la hadal hayo degaanka Saylac ,bannanbaxyo iyo qaddiyad samarroonnimo ahina taallo meesha ,ayaan sidoo kale la arag qurbajoogga reer awdal ee ka damqanaya jiritaanka iyo jiritaan la’aanta dadkii gudaha ,kuwaasoo maanta cadow badani kagasoo duulay dalalka deriska ah iyo qolada haysata dawladnimada soomaaliland .sidaa ayaan qurbajoogga reer awdal meelna ugaga jirin jaaliyadaha kale ee soomaalida ,una dhiidhiyaya xuquuqdooda ,iyo jiritaankooda .


This post has been viewed 743 times.

By

‘Get Freedom and Equality for Awdal state Or Die Trying’

This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*

 and officially started in 30 July,2009.

Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest  news about the  struggle of Awdalstate  for an autonomous  state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite  start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight  by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.

"JOIN NOW"


Readers Comments (0)





Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.