January 16, 2013 · 0 Comments
Toddobaadka dambe haddii Rabbi idmo waxaad warbaahinta reer Awdal ka daawan doontaan amma ka dhageysan doontaan ruwaayad cusub oo la magac baxdey “Wakhtigu Ruux Lama Dhalan” taas oo curinteedu ka soo maaxatey maskaxda Abdirisaaq Mohamed Barkhad.
Waa ruwaayad ka hadleysa Siyaasada Somaliland ee maanta oo u muuqata mid manfaceedii iyo mansabkeediiba ay isku koobeen beesha dhexe oo kaliya halka ay beelaha darifyadu ka biyo diidsan yihiin mandaca iyo mansanka ay maanta ku leeyihiin xukuumadda iyo goloyaasha Somaliland.
Sidoo kale muuqaal ahaan iyo murti ahaanba waxa ay ruwaayadu ka tarjumeysaa taariikhdii iyo ujeeddooyinkii kala duwanaa ee ay xambaarsanaayeen shirirkii kala dambeeyey ee sannadihii 1991kii iyo 1993kii ka dhacey magaalooyinka Burco iyo Borama.
Matalaada ruwaayada amma dhinaca jilidda waxa ka qeyb qaadan doonna dad magac ladhkooda si matal ah loogu xudun xidhey Muuse, Mooge, Midhifla iyo Muxubo waxaa kale oo qeyb ka ah heeso cusub oo ruwaayada loogu tallo galey kuwaasi oo toddobaadkan daawaha musiga laga soo qaadey isla markaana waxaa ku luuqeyn doonta fannaanada codka macaan ee Saamiya Rooble oo u dhalatey gobolka Awdal immika ahaana deggan Waqooyiga Magaalada London,
Sidda aan ugu tallo gelnay heesahaasi ruwaayada ku jira waxa ay dareen gaara u yeellan doonnaan dadka reer Awdal ee damiirkoodu soo jeedo maadaama ay heesuhu xambaarsan yihiin murti ballaadhan oo wacyi gelintoodu ku jiheysan tahay halka ay maanta joogtaan ummadda reer Awdal.
Haddaba ruwaayada la magac baxdey Wakhtigi Ruux Lama Dhalan daawashadeedda toddobaadka dambe kala soco Shabakadaha ay ka mid yihiin Harowo.com Awdalstate.com Booramaonline.com Camuudnews.net iyo qaar kaloo badan.
Waad Mahadsan Tihiin.
By awdal
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.