MAXAA CUSUB MAANTA IYO AWDALSTATE

Gabadh Reer Muqdisho ah oo Shalmad Calan Soomaliya Ku Labisnayd oo Suuqa Hargaysa lagu Dhex Garaacay

Raadi Wararkii Ku Dhaafay

February 2, 2013   ·   0 Comments

calan_1_5f3cf

Hargeysa (Awdalmedia) Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee xarunta snm (Somaliland) ayaa sheegaya in gabadh dhalinyaro ah oo loo malaynayo inay reer muqdisho ahayd  xidhnaydna shalmad calan Soomaaliya ah oo dhex maraysay suuqa weyn magaalada hargeysa gaar ahaan xarunta guud ee shirkada isgaadhsiinta ee telesom ay gacan ula tageen dadweynihii ku sugnaa suuqaasi kaasi oo dhibaato xoogleh soo gaadhsiiyey dhamaanba jidhkeedii.

Mid ka mid ah dadkii goob jooga u ahaa dhacdadani ayaa shabakada wararka ee Geestiir u xaqiiyey in abaaro saacadu markay ahayd 8:00 habeenimo ee caawa dhacdadani ka dhacday suuqa weyn ee magaalada Hargeysaad waxaanu yidh i”gabadhani ayaa waxaa mar kaliya lala boobay ,Feedh,Dhibaaxo,Bakoorad kuwaasi oo dhulka ugu riday “

Waxaa bad baadiyey qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa goobtaasi oo aan garaynin sobabta dhabta ah ee gabadhaasi gacanta loola tagay waxaana si ku meel gaadha loogu xareeyey mid ka mid ah meheradaha ganacsi ee goobtaasi ku yaalay taasi oo albaabka loo xidhay .

Sikastaba ahaatee dadkii ku sugnaa suuqaasi ayaa mar kaiya soo buux dhaafiyey goobtaasi ka dib markii laga war helay in gabadh dhaliyaro ah oo xidhan calanka soomaaliya ay gashay goobtaasi ganacsi waxaana soo gaadhay ciidamda booliska Somaliland kuwaasi oo isku dayey in ay dadkani kala dareeriyaan wallow markii dambe ay ciidamda militariga Somaliland oo meesha soo gaadhay ay ku guulaysteen in ay gabadhii ka saaraan meheradii isla markasi ay ku kaxeeyaan dhinaca saldhiga booliska ee magaalada Hargeysaad.

Sidaan ka war qabno waxaa jira calamo badan oo dalkani Somaliland gudaheeda laga xidho ama lagu labisto kuwaasi oo ay ka mid yihiin calamada dalka Itoobiya,Marayanka kuwaasi oo wax dhibaato ah aaney la kulmin dadka isticmaalaa xaga dowlada iyo xaga shacabkaba .

Ilaa imika lama oga cida ay tahay gabadhaasi laakiin waxaa loo malaynayaa in ay tahay gabadh reer Somaliland oo aan lama socon kana warhaynin xaalka siyaasadeed ee qalafsan ee ka jira Somaliland .

Isku soo wada duuboo dhacdadani ayaa noqonaysa tii ugu foosha xumayd ee ka dhacda Somaliland waxaany dadka shacabka ah ee walaalaha ah ka dhex abuuraysaa naceyb jinsi oo isku badala mid qabiil .

 

Source Geestiir


This post has been viewed 1046 times.

By

‘Get Freedom and Equality for Awdal state Or Die Trying’

This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*

 and officially started in 30 July,2009.

Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest  news about the  struggle of Awdalstate  for an autonomous  state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite  start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight  by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.

"JOIN NOW"


Readers Comments (0)





Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.