July 21, 2011 · 6 Comments
Straateejiyada dadka,dhaqanka,dhaqaalaha iyo siyaasada ay tolka ku
dhex leeyihiina waa mid muhiim u ah beesha iyo tolkaba haba ugu
horeyso dhinaca dhaqaalaha,siyaasada iyo difaaca oo ugu muhiimsan
marka ay wax dhacaan sidii dagaaladii sokeeye ee wadanka asqeeyay iyo
midan dawladnimo ee maantaba waa mid ay leeyihii Habar Cafaan
muhiimadooda waana tan aan qarsoomi karin sida aynaan cadceeda
sacabkeena ugu qarin karin oo kale.
Degaanada muhiimka ah ee beesha waxaa ka mid ah Bus iyo hareeraheeda
oo ku yaala woqooyiga Gabiley oo beesha Dhagaweyne ay ka yihiin
aqlabiyad,Sidoo kale Jibraacinka ayaa deegaano ku leh bariga gobolka
Awdal muhiimad gaar ahna ku leh dhinaca Straateejiyada
dhaqaalaha,difaaca iyo tayo heer sare ahba Samaroonka degan dhulkaa
oo guulo badana kasoo hooyay waqtiyadii lasoo dhaafay.
Borama 50% guryaha ka dhisan waa beesha Habar Cafaan oo taasi waxaa ii
cadaynaysa markii lagasoo qaxay Dila waxaa si fiican usoo
dhaweeyayBeesha Habar Cafaan oo si tolnimo ugusoo dhaweeyay caasimada
Borama
Reer Nuurkii Dilaad ee aan Borama guryo ku lahaynin waxay deganyihiin
ilaa maanta guryaha walaalahooda Habar Cafaan,Reer Nuurka Bariga Awdal
ee lasoo baro kiciyay markaa waa 4/february/1991
waxay ahayd Beesha Habar Cafaan oo ninkii guryo badan lahaa
guryahoodii kusoo dhaweeyeen beesha reer Dilaad oo markaa si xun u
qaxday lana baro kiciyay, guryahoodiina la dumiyay dhamaana la gubay
hantidoodii maguuraanka ahayd si cadawnimo lehna loo nacas xaadhay
Dila iyo hareeraheegaba halkaana lagu waayay hanti badan oo naf iyo
maal iskugu jirtay mana ilaawi ilaawi doono abaalka ay noo galeen
walaalahayo Habar Cafaan waqtiyadii lasoo dhaafay.
Waxaanan ilaawi karin in xataa reero badan oo ahaa reer Dilaad aynay
kiro ka bixin jirin mudo badan oo ay ku jireen Borama guryaha beesha
Habar Cafaan abaal weyna waan u haynaa hadaan nahay beesha bariga
Awdal walaalahayo Habar Cafaan oo Samaroon dhalad ah, guulaysta
walaalayaal garabkiina ayaan taaganahay dhamaantayo cidna ha u
joojinina waxii aad dantiina u aragtaan iyo danta guud ahaaneed ee
beelweynta Samaroon iyo waxii la deganba.
Habar Cafaan iyo shirkooduba waa astaan wacan oo wax kusoo biirin
doonta Gobolada galbeedka Somaliland ayayna u ahayn shirka Xeego mid u
gaar ah Beesha Habar Cafaan oo kaliya waana mid aan aniguba ku farxay
si aan la qiyaasi karin shucuurtayduna ku mabsuuday markaan arkay
farxada ka muuqata ka qaybgalayaasha rag iyo haweenba lahaa ee
warbaahinta ka dhiibanayay figradooda sida uu shirku u socdo ayadoon
laga dhawaajin ajandayaasha beeshu u qoran ee muhiimka ah ee shirka
ayaan ka dhex dhuuxay wajiyadooda dadkii ka qaybgalay farxad buux
dhaafisay dhamaan dareenadooda oo dhoola cadayn iyo waji furnaan
siyaado ahi ka muuqatay taasi oo ka turjumaysay qaybaha laga akhristo
jidhka baniiaadamka ee loo yaqaano (Body Language) ayaa cadaynaayay in
Shirka Xeego iyo wufuuda Habar Cafaan ay gaadheen guul hor leh oo
dhinackastaba ah.
Guusha ay gaadhaan Habar Cafaana waa muftaaxa guusha Samaroon waa mid
ay ku diirsandoonaan go’aanada kasoo baxa ee ay gaadheen beesha Habar
Cafaan waa ilays iyo barwaaqo Samaroon ku diirsado saamayna doona
Awdal iyo gobolada galbeedka Somaliland.
Shirka Xeego marka laga yimaado Habar Cafaan guud ahaan wuu midayn
doonaa sidaan arkaayo markaan makaxda ka faaliyay ,Gaar ahaana waa
guul usoo hoyatay oo midayn doona Samaroonka la dhashay ee Maxad-Case
iyo Makaahiil oo ayagana looga baahanyahay in ay ku daydaan beesha
walaahood ah ee Habar Cafaan si loo xaliyo khilaafaadka gudaha ee
ragaadiyay mudooyinkan dhamaanteenba kaasi oo noqday mid aan taalaabo
hore u qaadi weynay xaga adeega bulshada ee ah dekadaha wax lagalsoo
dego waxna laga dhoofiyo iyo dariiqyada oo dawladahii kala dambeeyay
waxba ka qaban waayeen markay arkeen dadkoodii oo aan midaysnayn sina
u dhayalsadeen markay ogaaden in aan Samaroon ka midaysnayn dhinaca
danta guud ayay ayaguna u arkeen dad lagu guuro oo aan istaahilin in
la siiyo taagero guud iyo mid gaarba waana ta keentay maanta in aan
xusul duub ku dhisano dariiqyo iyo dekedo.
Khilaafaadka gudaha ee beesha Samaroon ayaa ah midkan in mudo ahba ka
dhaqaajiyay mawjadaha guusha oo hoos geeyay cadwgooda oo aan u naxayn
marna, tafaaruqa baahsana waa kan ka xidhay fursado badan,Taasi ayay
beeshu ku fekertay maanta in ay Xeego iskugu tagaan iyo si mixnadan
looga baxo ayaa keentay in ay Habar Cafaan wax iska waydiiyaan maanta
waxan uu Samaroon kaga hadhay qabaailka ku xeeran,Anigu uma arko
maanta Shirka Xeego mid wax kale lagaga hadlaayo oo sida aan wadkayga
u hubo ayaan u hubaa in uu yahay kaliya danta Samaroon ee sare si loo
gaadho guulo hor leh.
Guulbaan idiin rajaynayaa dhamaan beesha Habar Habar Cafaan iyo shirka
Xeego ilaahayna waxaan ka rajaynayaa in uu kasoo baxo go’aamo anfaca
Samaroonka dhamaantii iyo wadankaba,Sidoo kale waxaan mahadnaq iyo
Hambalyo u dirayaa qurbajooga ka qaybqaatay ee ku taageeray hiil iyo
hooba,Hogaamiye dhaqameedyada uu hormoodka u yahay Suldaan Dhawal
ayaanan ilaawi karin Hambalyo ayaan leehay Suldaan Dhawal oo ah geesi
usoo baxay Salaadiinta Samaroon oo dad badan hurdada ka kiciyay
mudooyinkan dambe.
Nooli kulantee
Mahammed Abdirahman Sharif
By awdal
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.
waan kaagudoonay salaan ta aad usoo jeedisay beelaha samroon waana guugu mahad naqaynaa walaal mahamed
waan kaagudoonay salaan ta aad usoo jeedisay beelaha samroon waana guugu mahad naqaynaa walaal mahamed
asaalmu calakum waraxmatulahi wabarakaatuh
salan ka dib anagoo ah hooyooyinki iyo dhalinyarada iyo odayada iyo aqoon yahanada beel waynta reer nuur ee wadanka jarmalka
waxaan xagan hambaliyo uga diraynaa suldaanka guud ee beel waynta jibriil yoonis ee dhawaan lagu caleemo saaray magaalada qulujeed ee gobolka awdal,waxaan kale oo aan halkan iyagana ka salaamaynaaa beelwaynta habarcafaan oo ah haldoorka samaroon ee iyagana shirkoodu ka dhacay magalaalda xeego
ee dagmada baki guud ahaaana waxaan u hambaliyaynaynaa beel waynta habar cafaan meelkasta oo ayjoogaan
hooyo qamar aw tiriigle
bashiir hargaysaawi
c.sabuur nuur axmaed
khadra abiib aadan
rooda abiib aadan
hibo ab iib aadan
muuse nirig
mukhtar nuur ahmed
maxamad axmed
axmed dhagacaleen
muumin xasan sheekh muun
c.risaaq maxamad xirsi
axmed xuseen miigane
mukhtaar
asaalmu calakum waraxmatulahi wabarakaatuh
salan ka dib anagoo ah hooyooyinki iyo dhalinyarada iyo odayada iyo aqoon yahanada beel waynta reer nuur ee wadanka jarmalka
waxaan xagan hambaliyo uga diraynaa suldaanka guud ee beel waynta jibriil yoonis ee dhawaan lagu caleemo saaray magaalada qulujeed ee gobolka awdal,waxaan kale oo aan halkan iyagana ka salaamaynaaa beelwaynta habarcafaan oo ah haldoorka samaroon ee iyagana shirkoodu ka dhacay magalaalda xeego
ee dagmada baki guud ahaaana waxaan u hambaliyaynaynaa beel waynta habar cafaan meelkasta oo ayjoogaan
hooyo qamar aw tiriigle
bashiir hargaysaawi
c.sabuur nuur axmaed
khadra abiib aadan
rooda abiib aadan
hibo ab iib aadan
muuse nirig
mukhtar nuur ahmed
maxamad axmed
axmed dhagacaleen
muumin xasan sheekh muun
c.risaaq maxamad xirsi
axmed xuseen miigane
mukhtaar
walee ina cabdirahmaanoow waa laga raystay maqaaladaadii aad j. yoonis ku weerari jirtay maxaa isbadalay?
walee ina cabdirahmaanoow waa laga raystay maqaaladaadii aad j. yoonis ku weerari jirtay maxaa isbadalay?