January 12, 2013 · 0 Comments
Markaan qormadaa Akhiriyey mar waan QadhQadhay, Mar waan Qunbacdey, Marwaan Qamuunyoodey, Mar waan qosol gariirey, mar waan Qiiroodey, mar waan quustay oo akhristayaasha la maan doorin ee la marin habaabin ee moodi ninkani waxuu qorey in ay run tahay, iyo qoraaga Maqaalka qorey oo magaciisa ku sheegay coomay, oo yidhi waxaan ahay qoraa weyn waan u khajilay yaa salaam, oo aqoonyahankii somaliyeed ma caynkan baa u dambeysay mise wuu mateli mise wuxuu jilayaa (Ruwaayaddii ahayd waa maadeys adduunyaddu dadkuna wuu matelaaaa), nin taariikhda uu ka waramay dhamaan tahay been abuur, waana nasiib daro nin isku sheegay in uu yahay qoraa rug cadaa ah, oo taariikh yahan ah, waana wax ku ceeb ah milgaha aqoonyahanka , nin sheegtay qoraa haddana ka been abuuray taariikh dhul iyo dad uu leeyahay, …..waxaan cadeynayaa iskadaa taariikh hore uu wax ka qoree tan aan hadda horjoogno ama aan arkayno ayuu ka been sheegay wax ka horeyyey ama qarniyo tegay daayee… Haddii aan bilaabo taariikhda Saylac iyo marxaladahii ay soo martay waxay noqon buug dhan… bal inta Dadweynuhu indhahoodda ku arkayaan baan wax ka taataaban ee marag madoon ah iska daa wax tegeyee.…
Magaaladda saylac inta ay xukunto wuu ka been sheegay oo dhul aan magaalo ahayn buu magaallo ku sheegay, dhul ceelal biyo ah buu ku sheegay tuulooyin, tuulooyinka ay xakumaysayna maba sheegin badidooda , ilaa 1960kii intii xita ay xukumeysay ma sheegin halkaa waxaaad ka garan in uu cidlo socdo aanu ahayna qoraa saa qoraagu wax aanu hubin ama aanu garanayn kama waramo sidda kan oo kale , ama been intan leeg ma sheegaan…..
Marka uu sheegayey magacdii magaaladda saylac xaafadaheeddii xitaa muu dhameyn wax aan jirinna wuu ku daray anigu garan maayo meesha uu kala yimidee….
Magaaladda saylac waxay ka koobneyd afar xaafaddood oo kala ah,…… Khoor-doobi, Canaabbo, casho-baro iyo saaray Dadka degi jireyna waa Sid:
Saaray: waxaa degaan ahaan u badnaa gadabuursi makaahiil iyo safaradda ciisaha oo abaan ware ay ka ahaayeen waxaaana la degi jirey ciisaha waxoogaa qoysas ah oon badneyn…
Khoordoobi: waxaa degaan ahaan ulahaa qabiilka Abreynka oo kaliya cid kale lama degijin..
Canaabo: waxaa degijirey reer mohammed, Bahabar-muuse , reer ciise Habara cafaan, Bahabarceli mohad-case iyo waxoogaa carab iyo suudan iyo canfar ah…
Casho-baro.. waxa degan ahaan u badnaa dad ka reer saylac la magac baxay oo isku jir ahaa.sida carabta,canfarta, suudaanta, xabashida, oromadda, hindidda afrikan kale..
Dhamaan xaafadahaa aan soo sheegay waxaa ka Chief al xaafe ama Chief Caqaail ka ahaa gadabuursi , hal kuxigeen oo carab ahaa baa jiray..
Ninka isku sheegay qoraagu wuxuu ka waramay wax aanu garaneyn , malaha in rubiyeed baa la siiyey oo wax mulmulaaq baa la yidhi uu oo la shir yimid mise taariikha uu ka waramo oo dhami waa wadda sidan.….
Tuulooyinka ay xukumi jirtay waa dhamaan inta ay xukunto Degmadda lughaya hadda iyo inta hadda ay xukunto oo kala ah.. ceel-baxay, xariirad, cabdulqaadir, Jidhi, Ceel-gaal oo magic kula baxday halkii ugu horeysay ee uu ingiriisku ceel ka qodey, Aash-cado, tokhoshi iyo lawyacado oo isku dariiq ah.. dhinac kale tuulooyinka aan waddo lahayn ee marmar iyo dhif baabuurtu marto sida fiqi-aden, fadhixun, dhabo-dilaac, Xuseyn…..
Ceelasha uu ku sheegay tuulooyinka iyo wadooyinka: Habaas,Laagta-murohda oo ceel rig ah oo xoolugu ka cabaan, cali-weeci iyo Geestiir oo ah halka saddexda xad ku kulmaan, heemaal oo dhic biyo mareen ah, waana halkii gaaskii kowaad ee qaybtii lix iyo labaatan la dejey markii 1978kii laga soo baxay galbeed waxayna koonfur bari ugu toosan tahay tuuladda jidhi…
Magaca Salal.. wuxuu ka yimid dooxa dheer Tuuladda Boon ee Degmadda Borame galbeedka mara,waana halka looga dhaansho tuuladda Boon.la dhaho Afdoox, wuxuu mara ceelbaxay, wuxuu mara Aroos-seel, wuxuu mara xariirad waxaana la yiraaahdaa markuu halkaa joogo Geri-go’an, wuxuu mara bariga Habaas ee uu ku aasan yahay odeyga DUDUB ee qabiilka ka mid ah jibriil yoounis ka oo ka barakaysto waana reerka uu ka soo jeedo Madexweynahii hore somalilandta Dahir R.Kaahin, dooxu wuxuu galbeedka ka maraa tuuladda cabdulqaadir ee diyaaraha xabashidu sida ba’an cirka uga weerarijirtay asnadkii 1977-1978kii dagaal somaligalbeed, wuxuu maraa madexdadley oo ah halkii guutadda kowaad ee gaaska kowaad deganaan jiray ee burburkii ka hor, wuxuu galbeed ka maraa Qadar iyo ilyaas ooah Qabuuraha habaryeesif Gaduursi ay siyaartaan ama ay ku wareegaan sannadkii mar, wuxuu galbeedkaka maraa tuuladda Jidhi oo ka bilaabmo magaca SALAL uu markuu soo rogmaddu uu salaayo magacna kula baxay waana ka maratuuladda ceel-gaal misena uu ka Gallo Badda-cas…
Ninka qoraaga ahi wuxuu ka been sheegay bilawgii taariikhda saylac , dadkii xakumayey, dawladahii iskaga dambeeyey, heshiisyadda lala galay gumeystaha Engiriis ciddii la galashay iyadoo ay taal cadeyntii shaygii lagu kala saxeexday taariikhdii, maalintii, waqtigii, magacdii dadkii saxeexay , ugaasyaddii, goob- joogayaalkii, dawladdii france saldhigii ay ku soo horeysay markii ay gobolka soo gaadhay….
Taariikhda maamuladda soo maray wuu ka been sheegay oo intii ciise oo shalay ahayd mooye cid kale muu soo qaadin, intii hore waxna wuxuu kui sheegay dad ayna ahayn, waxna carab iyo masaari iyo cidyaw kale, garan maayo dhankuu geeyey qawmiyaddi lahayd dhulka ee gadabuursi ee ka badnaa sida: Xaaji Khayre, Mee xaaji Abdi, ciise Madexay, mee suldaan amiir Nuur, Haaji Diide , Bashiir Qarni, Ahmed Shabeel.. xitaa magacdda xabuuluhu ee magaca waaweyn le ee degmadda saylac waa gadabuursi, Daahir xirsiga uu sheegi ayuu kala wareegay xilka ma ciisuu ahaa Muumin Xuseen oo ahaa maayerkii ugu horeeyey ee 1981dii ..
Qoraa isku sheeguhu wuxuu soo qaatay afar odey sidey ku yimaadeen aanu waxba ka ogeyn..Magacda maayeradda uu sheegay qaar baan anigu ka masuul ahaa keenistoodda iyo xil u magacawga Degmadda saylac ayagoon waxna qorin waxna akhriyin…..
Su’aal baan weydiiyey ninkan isku sheegi muxuu ahaa shaygii lagu kala saxeexday , halkayse taal hadda, ayaa ka masuul ahaa saxeexa magacdiina wey ku dhantahay qormaddii lagu heshiiyey ee..
Jaalle coomay hadduu xanuun gadabuursi ku hayo anigu kuma darin taladda , weyse jiraan dad uu hayo xanuun…. Eebbe weyne waxaan kuu rajeyn in uu kaa saaro c udurka kugu jira…..
Ma doonayo in aan intaa dhaafiyee maanta haddii loo baahdo ama la iga codsado ceydaha aan sheegay. Waan soo bandhi……..
Qore. A.B. Ibrahim (Aden-Cadde).
By awdal
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.