January 31, 2013 · 0 Comments
Magaca Eebe ayaan ku bilaabayaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
Marka xigta salaantii Muslimka kaliya uu geyo u mudnayd salaamaha (Asalaamu Caleykum)
Waxa aan salaan gaar ah salaamayaa dhamaan howl wadeenada Shabakada: Camuudnews
Iyo akhristayaasha ku xidhan
Maansadan waxa aan curiyay taariikhdu markii ay ahayd 29-01-2013 Dareenka iga keenay inaan curiyaana runtii waa ku uuqof walba dareemo oo ah Hooyo jaceyl.
Maansaduna waxay tidhi
Qofkaan ku dhex abuurnaa
Bilo iyo Ayaamaha
Qof aan dhiiga qaybsanay
Qofkaan u diidee hurdada
Umul iyo dhib iyo silic
Baryo aan la jiifiyay
Qof Islaamka aan ahay
U ahayd yaduba sobob
Qofkaan dunida Aamino
Qof aan nolosheeda ahay
Qof aan i nacayn intaan jiro
Qofkaan abid rabin dhibkay
Qof dhabteeda aan laday
Qof jaceylka bare u ah
Qofka samirku eegtee
Ku dayduu ilaashado
Qof barbaarintayda iyo
Adaabtaan ku noolahay
Afka aan adeegsado
Ii biilowday socodkaba
Qof aan ooyo xiisaheed
Runtii Hooyo waa adi
Astaanta Nabadaa tahoo
Amaantaba dhamaan
Idaylkii hadal murti leh
Wanaag adigaa istaahila
***** ******
Waanadaad i tidhi baan
Ilaashaa ku noolahay
Amarkaad i siisaan
Fuliyaa awooday
Adaa Talo Ilaahay
Saaro oo jeclow yidhi
Haka quusan aayaha
Raxmaan keena Al Raxiim
Adigaa i yidhi samir
Adigaa i yidhi oog
Arkaanta diinteena oo
Adaa wadadii Muxamad (csw)
Xabiibkii eego yidhi
Ka aamus fidnadaad i tidhi
Qabyaalada aasta khayr
Adaa ha u galin i yidhi
Ogow qaraabadaad i tidhi
Qofkii da’da kaa in badan
Ixtiraam waayeelkaad i tidhi
Adaa haka aarsan yidhi
Intii qaladka kaa gala
Codsana adigaa i yidhi
Cafiska iyo raali gelin
Gaf markii aad gaysato
Inkastoon qaldama oo
Ibnu Aadam aan ahay
Dadkaba Iblays baa hodee
Al Qafuur baan Towbada
Naftaydani u celiyaa
****** ******
Hadaan cilmi iyo aqoon
Caalim sheekha aan ahay
Hadaan helo maal aduun
Hadaan odoyoobo iyo
Hadaan reero badan alkumo
Hadaan madax ahay mudane
Hadaan geesi iyo fariid
Ahaado sharaftiyo ilays
Adiga ilmaan kuu ahoo
Ilaah baan ku dhaartaye
Adigaa i maamuli
Intaad dunida nooshahay
***** *****
Hadaan doqon ahay la naco
Hadii aan dantayda gabo
Hadii uu xiskaygu tago
Hadaan wadadaba ag maro
Haduu aragaygu lumo
Hadaan awoodayda gabo
Hadaan il dariyo xanuun
Imtixaan Rabi iiga dhigo
Waxan ogahay hooyooy
Ilaah baan ku dhaartaye
Intaad adigu nooshahay
Astura adaa ii ahaan
***** *****
Asluub san adigaa i baray
Dumarka adigaan dartaa
Caydaba ugu quudhahayn
Wanaaga aad Gashiyo
Inaad tahay cibaado khayr
Inaad tahay Fure janeed
Axmed Nabigeeniibaa (csw)
U sheegay umadiisa dhami
Hooyooy abaalkaaga badan
Erayo kuma gudi karee
Waxaan dhaar Ilaah ku maray
Intaan duni ku noolahay
Sadaqo inaan kuu baxshoo
Aakhiro kuu geeyo ajar
Ducada aan kuu Akhriyo
Awooday Insha Alaah
Aabana sidoo kale.
Muxamad Siciid Cilmi ( Muude )
By awdal
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.