November 30, 2011 · 0 Comments
Madaxda Jibouti iyo Somaliland ee Isaaq iyo Ciise oo eedeeyay Waagacusub
30 November 2011 Waagacusub.com-Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamuladda Somaliland iyo Jibouti ayaa Waagacusub Media ku eedeeyay inay ka been sheegeen degaanada Saylac,Lughaye,Aasha Cadde,Doqashi,Ceel Gaal iyo Loowya Cadde.
Masuuliyiinta u dhashay beelaha Isaaq iyo Ciisaha oo telefoono iyo Emailo u soo diray Waagacusub waxay ku doodeen in Aasho Cadde,Doqashi ,Ceelgaal iyo Loowya cadde tahay dhulka Ciisaha sidaas darteedna ay wax lala yaabo tahay Warbixin lagu daabacay Waagacusub oo tibaaxday in degaanadaas leeyihiin Samaroon ( Gadabuursi) .

Wasiir ka tirsan Xukumadda Jibouti ayaa yiri “ Waxaanu Waagacusub ka dalbaneynaa inay dib u saxaan Warbixintooda degaanada Samaroon ugu magacdareen maxaa yeelay kuligeed waa been cad oo aan laga fiirsan tusaale Lowyacadde ,doqashi,Ceelgaal iyo Aasho Cadde waa dhulka Ciisaha degaan oo sida taariikhda ku qoran waxay ku faafsan yihiin ilaa afaafta Berbera ee dhinaca Xeebta”.
Wasiiradda Madaxtooyadda,Arrimaha Gudaha ,Duulista Hawadda iyo Arrimaha Dibadda Somaliland oo telefoono kula soo xiriiray Waagacusub ayaa Warbixinta loogu magacdaray dhulka Samaroon ku sifeeyay mid uu qoray qofaan aqoon taariikhda deganaadaas iyo qabiilada dega.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali wuxuu tibaaxay in Saylac wada degaan Isaaq iyo Samaroon halka Miyiga Magaaladda oo dhan degan yihiin qabiilka Ciisaha.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Mohamed Bajaaj oo la sheego inuu ku dhashay goboladda Bay iyo Bakool ayaa yiri “ Berbera Magaaladeeda waxaa dega qabiilka Sacad Muuse laakiin miyigeeda oo dhan waxaa dega Ciise Muuse markaasi mala dhihi karaa Sacad Muuse ayaa iska leh Berbera”
Wasiirka wuxuu tusaale taas la mida u soo qaatay degaanka Saylac,wuxuuna tibaaxay in qabiilka Maxaa Casaha Samaroon iyo Isaaqa wada degaan gudaha Saylac hasse yeeshee Ciisaha leeyihiin degaan ahaan.
Wasiirka Duulista Hawada Maxamud Xaashi ayaa yiri “ Lughaye waa Magaalo la wada degan yahay ,reer gooni u lehna ma jiraan”
Masuuliyiinta Jibouti ee u dhashay qabiilka Ciisaha waxay ku hanjabeen inay gal dacwadeed ka furan doonaan Warbixinta dhulka Samaroon loogu magacdaray ee Waagacusub lagu daabacay.
Wasiir aan ka gaabsanay magaciisa oo la soo hadlay Waagacusub ayaa yiri “ Waxaanu nahay Dowlad sidaas darteed hadii aad raali gelin ka bixin weysaan Warbixintiina waxaan idinla tiigsan doonaa sharciga”
Inkastoo Wasiirka hadalkiisa u ekaa nin aad u careeysan hadana xaga sharciga marka laga eego Jibouti waa Jamhuuriyad madaxbanaan oo Calan gooniya leh,waana qalad qaawan waxa ay ugu doodaa dhul ka baxsan xaduudaheeda sida Loowyacadde iyo Saylac.
Dowladda Jibouti waxay ka faa’iideeysaneysaa burburka Somalia ,waxayna ceelal ka qodanayaan wadanka Somalia iyadoo aysan ogolaanshiyo ka heysan Dowladda Somalia.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo sheego inuu yahay nin Jecel Somalida hadana wuxuu sanado badan kadib ku kacayaa falal lagu sifeen karo inuu ku quursaday Qaranimada Somalia maadama Wasiiradiisa ay amar la’aan ka soo muuqanayaan gudaha Somalia.

By awdal
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.
Sorry, comments are closed on this post.