June 19, 2012 · 0 Comments
Xariirad City-Awdalstate.com-Sida masuul ka tirsan DKMG oo saldhigiisu yahay magaalada London caawa u xaqiijiyey shabakadda caalamiga ah ee Halbeegnews Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo isagu habeen hore soo gaadhay magaalada London ayaa noo xaqiijiyey inuu caawa hotel ku yaalla magaalada London kula kulmay Wefdigii ka socday dhinaca TFG-da ee la filaayey in maalinimada arbacadda uu kulanku u furmo dhinaca Somaliland.
Warku wuxuu noo xaqiijinaya in xubnaha Ergadda TFG-da ee uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdisamad Macalin Maxamuud ay Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ay isku xidheen qol ka mid ah qolalka hotelka halkaasi oo ay ku yeesheen kulan albaabada la isku xidhay oo aan la garaynin wixii lagaga hadlaayey sida uu noo xaqiijiyey Masuulkaasi.
Masuulka oo aanu weydiinayo bal inuu tafaasiil gaar ah naga siiyo waxyaabaha keeni kara in kulankani qarsoodiga ahi caawa dhex maro Wasiirka Khaarajiga Siilaanyo iyo wefdiga TFG-da wuxuu sheegay in ay u badantahay inay ka wada hadlayeen kulan bishani June 30-keeda ay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Madaxweynaha TFG-da Sheekh Shariif ku yeelanayaan magaalada Dubai ee dalka isku tagga Emirateka carabta kulankaasi oo uu dalbaday Madaxweynaha TFG-du Sheekh Shariif, masuulkaasi oo ka gaabsaday inuu magaciisa la xuso ayaa wuxuu yidhi “waxay u badantahay inay kulanka kaga wada hadlayeen, is arag Siilaanyo iyo Shariifka bisha 30ka loo qorsheeyey” ayuu yidhi.
Ref: Hlbnews
By Abroone
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.
Sorry, comments are closed on this post.