January 20, 2013 · 0 Comments
Awdalstate – Glasgow – Somaalida ayaa ku maah maahda Dhidar xabaala qode qudhun buu uga dhaadhacaa. Waxa taa la misaal ah halka ay rag u xadhko xidheen xaaladda la walaaqayo ee cirka lagu shareeray, ee la doonayo in dimuqraaddiyaddii doorashada lagu kala helay loo tarmujo xaalad qabaa’il. Waxana mashruucan hoggaaminaya shakhsiyaad uu ka mid yahay Muuse Biixi iyo Abiib Tima-cad oo hore ugu eedaysnaa dilalkii jidka Kala-baydh iyo xasuuqii Saameel jeelkana ku galay arrintaasi. Sida ay wararku sheegayaanna waxa immiga magaala xeebeedka Zaylac ku sii jeeda labadaa nin, oo mid ka mid ahi uu hore u yimid magaalada Borama isaga oo ka mid ahaa wafigii Hargeysa laga soo diray ee u socday in ay kursiga Meyerka u qaadaan beesha Ciise.
Illaa iyo usbuucanna waxa uu wasiirka gudaha dawladda Siilaanyo ku kala dhex jiray xildhibaannadii degaanka Zaylac u soo baxay, balse la isku diray. Sheeduna waxa ay maraysey Gadabuursow Meyerkii si sharci ah ayaad ugu guulaysateen, laakiin beesha Ciise ee dhulka inla deggan labada kursi mid siiya, oo weliba kursiga Meyerka siiya. Hase yeeshee, xubnaha beesha Samaroon waxa ay ku adkaysteen in aanay midna bixinayn, mar haddii ay doorasho xaq iyo xalaal ah ku heleen. Balse markii dambe waxa ay talo ka badin weydey in ay ku xigeenka Meyerka ugu yaboohaan beesha Ciise iyaga oo eegaya wax ay ku sheegeen raalli gelin iyo codsiga wasiirka.
Xalayna waxa isa soo tarayey in madaxweynaha Djabouti uu la kulmay odayo ka tirsan beesha Sacad Muuse iyo weliba madax ka tirsan ururkii Xaqsoor ee laga badiyey. Oo guddoomiyahoodii xilligan ku sugan yahay Djabouti isaga oo u tagey in uu booqdo dadkii lagu dhaawacay Zaylac ee immiga yaalla cusbatalka Djabouti. Kulammada uu Geelle la yeeshay odayada beelo ka mid ah beelaha Isaaq ayaa la sheegayaa in ay uga wada hadleen taariikhda Zaylac iyo sidii Meyerka magaalada amma ku xigeenka loo siin lahaa beesha Ciise, sidoo kale waxa ay ka wada hadleen, in saamiga beesha Ciise ee dawladda Somaliland loogu daro wasiir iyo mas’uulliyiin, waxa kale oo odayaasha Ciise ku baaneen in ay beesha Isaaq kala qayb galeen dagaalkii ahliga ahaa.
Maantana waxa magaalada Zaylac soo gaadhay madax ka tirsan dawladda Djabouti, taasina waxa ay layaab ku ridday sababta ay madaxdani u yimaaddeen magaala xeebeedka qadiimka ah ee Zaylac oo aan ka tirsanayn dalka Djabouti. Waxase cad in xoogaggii qarsoonaa ee mashaqada Zaylac ka dambeysey ay immiga isa soo caddeeyeen.
Dhinaca Itoobiya ayaa iyana aad looga dareemayaa shaqaaqada muranka ah ee ka taagan magaalada Zaylac. Magaalada Jig Jiga oo uu ku sugan yahay Ugaaska Gadabuursi ayaana dhawr jeer loola yimid Ugaaska in la warsado arrimaha ka socda Zaylac ee la iska bahaysanyo beeshiisa. Laakiin waxa uu dalbaday in horta la sugo sida ay u dhacdo. Hase yeeshee waxa immiga na soo gaadhaya in odayaal ka socda beelaha Absame iyo odayaal beesha Gadabuuri ahi ay ka biyo diidsan yihiin fara gelinta ay Djabouti ku hayso gobollada Awdal arrintaana si hoose isaga arkeen. Horena waxa xabsiga loo dhigay odayaal ka soo jeeda beesha Ciise oo magac ku leh magaalada Diridhaba oo hadallo colaada mariyey saxaafadda. Kuwaasi oo aannaan maqal in la sii daayey iyo in kale.
Magaalada Boramana waxa si xawliya uga socda, abaabul iyo kacdoon lagaga horjeedo fara gelinta aan sharciga ahayn ee lagu hayo, degaanka Zaylac. Inkasta oo ay odayada magaalada horfadhiga u ahi ay dareemayaan culays badan oo kaga imanaya dhinaca magaalada Hargeysa ee looga taliyo.
Qurba joogta gobollada Awdal, Gebilay iyo Salal ayaa iyaguna telefoonnada dhegta ku haya aadna uga xanaaqsan wararkan dhiillada hoggaaminaya ee marba marka ka dambaysa isa soo taraya.
Isku soo wada duuboo, waxa war joogaa marka Muuse Biixi iyo Abiib Tima Cad oo ka soo jeeda beesha Sacad Muuse ee Isaaq ay arrimahan faraha la galaan. Labadan nin oo loo malaynayo in ay iyagu iskood isku direen. Ayaa misna la dareemayaa in aanu Madaxweynaha Somaliland ka indha la’ayn.
La soco wararka iyo faallooyinka xasaasiga ah ee degmada Zaylac.
Cidna uma maqna ceella uma qodna.
Awdalpress.com
By awdal
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.