June 5, 2012 · 0 Comments
Nairobi-Sida xubno ka hawl-galla xarunta madaxtooyada Somaliland u xaqiijiyeen shabakadda caalamiga ah ee Halbeegnews caawa fiidkii, waxaa dhawaan la filayaa in qaybo ka mid ah qoyska Madaxweyne Siilaanyo ay u guuri doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasi oo maalmahii ugu danbeeyeyba guryo iib ah looga raadinaayey, iyadoo warka aanu caawa hellay tibaaxayo in gurigaasi hadda iibkiisii loo dhamaystiray
Sida xubintani oo magaciisa naga codsaday inaanan xusin mid ka mid ah Hablaha uu dhallay Madaxweyne Siilaanyo oo intii muddo ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo xilka hayeyba ku sugnayd caasimadda Somaliland Hargeysa isla markaana madax looga dhigay xafiis isku xidha haayad ingiriis ah oo la yidhaahdo CFBT (Centre for British Teachers) iyo wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo caruurteeda ayaa la sheegay in loo rarayo dhinaca iyo magaalada Nairobi halkaasi oo Marwadda Madaxweynahuna ay deegaan ahaan ku yeelan doonto iyadoo warku intaasi ku darrayo in sidoo kalana la filayo in Madaxweyne Siilaanyo laftigiisu uu mustaqbalka u nasasho tagi doono magaalada Nairobi.
Warku wuxuu intaasi ku darraya in Guri looga iibiyey goobaha dadka ladan ka degenyahiin magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya gurigaasi oo uu iibkiisa loo xil saaray danjiraha dhawaan loo magacaabay Dr. Maxamuud Jaamac Sifir, iyadoo hawl-wadeenadda Halbeegnews ay ku daba jiraan in gurigaasi ay muuqaalo sawiro ah ka soo qaadaan insha allahna waxaanu idiinku soo tabin doona sida ugu dhakhsaha badanleh
Wararka aanu hellayno caawa waxay tibaaxayaan in Wasiir Xiri Cali Xasan hawlaha ugu muhiimsan ee uu halkaasi u tagaya ay ka mid tahay waraaq codsi ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo u qoray mid ka mid ah haayadaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay Nairobi in lagu meeleeyo Inanta uu dhallay si deegaankeedu uu rasmi u noqdo.
Dhawaan ayaa la filayaa in guuritaanka koobaad ee qaybo ka mid ah qoyska Madaxweyne Siilaanyo uu bilaabmayo ka dib marka Madaxweyne Siilaanyo uu safar ku tago magaalada Nairobi halkaasi oo la filayo in gurigaasi uu Madaxweynahu ku soo nasan doono
Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore wuxuu guri ugu lahaa magaalada London isagoo si joogta ah u iman jiray isla markaana hawlo caafimaad ugu xidhna, waxaana wararku tibaaxayaan in magaalada Nairobi loo arkay goob uu Madaxweynaha iyo qoyskiisu deegaan ahaan kaga nasan karaan hawlaha qarranka isla markaana masaafad ahaan ka dhaw dalka ingiriiska, lama sheegin cadadka ama qiimaha lagaga iibiyey gurigaasi balse sida dad khubaro Soomaali ah oo iibka guryaha ka ganasada ay Halbeegnews u xaqiijiyeen guryaha ku yaalla goobaha looga iibiyey Madaxweynaha ayaan qiimahoodu ka yarayn boqolaal kun oo dollarka maraykanka ah
Dhinaca kalana wararka aanu hellayno ayaa tibaaxaya in Xirsi Cali Xaaji Xasan uu lacag kaash ah oo nool ku qaaday shandado taasi oo wararku noo xaqiijiyeen in ay ka mid ahayd lacago shuraako lagula gallayey shariikaddo Haamaha shiidaalka ee Berbera lagu wareejinayo iyo weliba lacago kale oo loogu tallo galay in lagu qallabeeyo gurigaasi.
Guriga ayaa wararku noo xaqiijiyeen in magaciisa uu ku qoranyahay Wiil u sodog ah Madaxweyne Siilaanyo oo la yidhaahdo Baashe Faarax, kaasi oo la sheegay in magaciisa lagu furay sanduuq xisaabeedyo caalami ah (International Bank Accounts) baanan ku yaalla dalka Kenya.
Dhawaan ayuunbay ahayd markii Dr. Sifir oo ay aad iskugu dhawyahiin Madaxweyne Siilaanyo laguna tilmaamo xubnaha uu tallada koobaad Madaxweynahu ka qaato uu u magacaabay safiirkiisa magaalada Nairobi waxaana ay arrintani qayb ka ahayd in Sifir loo arkay Halbawle kala furdaamin kara hawlaha qoyska Madaxtooyadu ka wadayaan magaalada Nairobi
Warar arrimahani ku saabsan waxaanu idiinku soo gudbin doona sida ugu dhakhsaha badanleh kala soco Halbeegnews
Ref: Halbeegnews, Nairobi
By Abroone
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.
Sorry, comments are closed on this post.