MAXAA CUSUB MAANTA IYO AWDALSTATE

Reer Adalow maxaa idiin qorsheysan … Goboladii kale waa diyaare … Somalilandna ku jirto

Raadi Wararkii Ku Dhaafay

July 17, 2011   ·   0 Comments

warsanmag.com

Reer Adalow maxaa idiin qorsheysan … Goboladii kale waa diyaare … Somalilandna ku jirto

Wax walba hortii aan u gudbiyo hambalyo qaali ah anigoo Ah Maxamuud Abdi Sh.Omer Gadhweeyne Dadweeynaha Awdal State Ee Kunool Dalka Iyo Dibadiisaba. Sida lawada ogsoonyahay een la diidi karin waxa hubaal ah iney Somali u kala kacday dowlad goboleysi. Taas oo looga dan leeyahay iney umad walba amma beel walba ku qabsato masiirkeeda gacanteeda ooney cidkale u daba joogsan waxey xaq u leeyihiin.
Reer Adal, kuwa kasoo jeeda Awdal, Salal iyo Gabiley kama duwana beelahaa u kacay daryeelka dantooda guud. Waana ku waajib iney mustaqbalka caroortooda yagu maamulaan ooney beel kale u daba joogin wanaagooda. Reer Adal yaga oo ka duulaya sida beelaha kale ee Soomaaliyeed ugu foojiganyihiin dantooda guud, waa iney ogaadaan in mustaqbalka caruurtoodu ku xidhan yahay sidey kolba yagu gacmahooda ugu qabtaan masiirka guud iyo kolba siday ugu jiheeyaan dariiqa toosan ee wanaagu ku jirto.
Walaalayaal hurdada Ka Kaca Somali Gobalkastaaba Wuxuu Usarakacay Sidii uu U hormarinlahaa Dadkiisa Iyo Gobalkiisa uu U sameyn lahaa Dowlad Ugaar Ah. Si Ay Udhistaan Gobalkooda Si Ay Ugu Abuuraan Dadkooda Sidii Ay U Soo Saarilahaayeen Kheyradka Bada Iyo Kabariga. Sideey Dadkooda Shaqo Ugu Abuurilahaayeen.
Reer Adal Maxaa Innii Qorsheeysan Waxaan La hadlaayaa Shacabka Reer Adal. Sida la filayo maalindhoow ayaa lagu talla jiraa sidii 18 Gobal Ee Somali La Isku Keenilahaa. Waxana hubaal ah in Gobalkastaa Hoos Iska Soo Dhisayo Dowladiisii Gobalnimo Ee Ugaarka ah. Dhamaantood 18 Gobal waa diyaar Inay Ka Midnoqdaan Somaliweeyna. Sida aan qarsoodiga laheyn waxaan wada ogsoonahay in wadamada Midowga Yurub Ku talajiraan Sideey Somalia Dowlad Ugu Sameenlahaayeen.
Reer Adalow ila eega Gobalada Diyaargaroobey ilaa hada; Ceelbur State, Gobalk Cowl, Hiiraan State, SSC State, Juba Raas State, Putland,Somaliland, Galmudug State, Iyo Qaarbadan oo badan.
Murtidu waxay tahay reer Adalow halkeen kaga jirnaa arintaa dib u noolaynta Somali-weyn. yaase ina masilaya. Somaliland way ku jirtaa yaga oo uga qayb galaya shirka yaga oo ah maamul goboleed. Way ka qayb gali karaan yaga oo masilaya beeshooda laakiin ma waxay reer Adal door bideen inay beesha dhexe masilaan beelaha reer Adal…. Ceebey Tacaal...
Reer Adalow hurdada halaga kaco oo garta iney gumeysi sii soconaya noqon doonto hadii beesha dhexe ina masilaan yaga oo ku doodaya iney Somaliland ka socdaan. Reer Adalow garta inaad gamcaha ku qabsataan masiirka dadkiina oo aydaan ogolaan inuu Siiraanyo idin masilo oo uu xaqiina magaciina kusoo qaato kadibna uu hadhuudhka idinku daro sida hada ka jirta Somaliland. Reer Adalow garta in masiirkiinu idinka idinku jiro oo aad idinkuuni meel fiican u jeedin kartaan mustaqbalka caruurtiina. Hadiise aad rabtaan inaad dabajoogtaan oo aad hadhuudhlaha ku dartaan mustaqbalka dadkiina iyo caruurtiinaba aamusa oo beesha dhexe ha idin masalaan hadhowna niicdeenu ha badato.
Reer Adalow baraaruga oo hurdada ka toosa oo taageera Awdal State – dhalinta garatay wanaaga dadkooda ee usara kacay, gamcaha is qabsaday diyaarna u ah iney difaacaan danaha dadkooda iyo dalkoodaba.
Wa bilaahi towfiiq.

 


This post has been viewed 257 times.

By

‘Get Freedom and Equality for Awdal state Or Die Trying’

This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*

 and officially started in 30 July,2009.

Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest  news about the  struggle of Awdalstate  for an autonomous  state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite  start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight  by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.

"JOIN NOW"


Readers Comments (0)





Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.