November 28, 2011 · 0 Comments
Tan iyo markii lagu dhawaaqey dowlad goboleedka Awdal State, waxa hubaal ah iney dowlada SNM ee uu horjoogaha ka yahay Siiraanyo heehaabeyso. Laba (2) todobaad baa kasoo wareegay tan iyo markii ay dowlad goboleedka SNM ku fashilantay in Awdal laga cambaareeyo Awdal State. Islamarkaas bay aheyd markii ay khalkhal ka abuureen magaalada Borama oo ay ka taageen taalada mujrimiinta SNM oo calaamadeystay carrada Awdal. Islamarkaas bay aheyd markey muujiyeen dadka reer Borama ineyna u adkeysaneyn taalada mujrimiinta oo ay dumiyeen taaladii kana taageen calanka Awdal State isla bartii oo ilaa hada ay xaqdaro u xidhanyihiin dhalinyaro aan tiradooda la garaneyn.
Taliska SNM ee heehaabaya ayaa dhan kale u jeediyay isku dirka ay u xeyteen ee ku aadan garaad badanaha reer Adal. Sirdoonka Awdal State ee Canada ayaa soo helay inuu Siiraanyo usoo direy dalka Canada wasiiro ujeedadoodu tahay in khalkhal iyo isku dir laga dhex abuuro bulsha-weynta reer Adal. Sirta fashilantay ayaa sheegeysa iney qurba joogii hore ee hada lacagaha kala daldali qaarkood soo gaadheen Canada. Waxana la ogsoonyahay iney ku meelmarayaan lacago lagasoo qaadey cashuurtii danyarta oo tigidhada lagasoo goostay kuna dakeynaya huteelo ah shan xidigood (5 Star Hotels). Sida wararku sheegayaana waxay hawada kusoo tuureen fariimo odhanaya iney u socdaan ay dhowrayaana iney la kulmaan madaxda Awdal State ka jooga Ottawa. Waase hubaal iney ku hangoobayaan arintaa ooney Awdal State diyaar u aheyn. Waxaanan leenahay haku ekaadaan mijilisyadii Siiraanyo ka hor ay garaabada ku cunayeen ooney xagxogan madaxda sharafta leh ee Awdal State ee u gundatay wanaaga dadkooda.
Waxa sirdoonka Awdal State ogyahay in la bilaabay qabanqaabada lagu kireynayo meelaha lagu shiro iyo mijilisyada lagu qayilo oo ay caam ku yihiin qolooyinkan wasiirada ah ee lasoo direy. Mijilisyada oo ah kuwii ay ku qayili jireen intuuna Siiraanyo qurbaha uga yeedhin ayaa lasoo sheegay iney shid mayaan oo garaabada si aan caadi aheyn la iskug tuurayo.
Waxaan uga digeynaa dadweynaha reer Adal ee dagan Toronto iyo Ottawa ee wada dhashey iney ka digtoonaadaan shirqoolkaa loosoo maleegay ee kusoo aadan. Waxaan xasuusineynaa dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana kuwa u dhashay Adal ineyna dhagaha u furin oo ay ka dheeraadaan aafada ay lasocdaan. Dad weynaha Soomaaliyeed waxaan ogeysiineynaa inaanay marnaba afkooda u furin garaabo lagu iibiyay lacagtii danyarta lagasoo furtey. Damiir xumida dowlad goboleedka Somaliland in laga damqado waa waajib ee walaalahayow ogaada inaan laba jeer la dilin dadkeena. Yaan mar danyarta lacag aaney awoodi karin laga qaadin oon hadana lagu cunin garaabo si loogu kala dilo dadkeena. Iska talaala aafada SNM oo taageera Awdal State.
Walaalahayow ogaada iney midnimada reer Adal tahay muqadas. Taageerada Awdal State tahay muqadas. SNM iyo horjoogahooguba yihiin wax la dumin karo. Dowlad goboleedka Siiraanyo wey heehaabeysaaye israaciya oo gabiga jar ka dheer ka tuura oo u sheega iney dhamaatey wax duuduub lagu liqo oo hada ay dadka reer Adal diyaar u yihiin gacan ku dhigita masiirka dadka iyo mustaqbalka caruurta reer Adal.
Awdal State desk
By awdal
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.
Sorry, comments are closed on this post.