September 10, 2012 · 0 Comments
Muqdisho-Awdalstate.com-Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee caawa ka dhacday magaalada Muqdisho.
Mudane Xasan Sheekh wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955-tii halkaasoo uu ka bilaabay waxbarashada Quraanka iyo mida hoose.
Waxbarashada sare wuxuu u soo aaday magaalada Muqdisho isagoo ka dibna ku biiray Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed ‘SNU’ sanadkii 1978. Wuxuuna ka qalinjabiyey sanadkii1981.
Sanadkii 1981 ayuu Xasan Sheekh ka qalinjabiyey Jaamacada Phobal University ee dalka Hindiya, wuxuuna ka qaatay shahaadada Master Degree.
Sanadkii 1993 ayuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuuna shaqo ka helay hay’ada UNICEF isagoo noqday sarkaalka dhanka waxbarashada ee u qaabilsan hay’adda dhanka waxbarashada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Sanadkii 1999 wuxuu aas aasay machadka SIMAD oo hadda isu bedelay Jaamacad kuna yaalla magaalada Muqdisho.
Sanadkii 2011 ayaa Xasan uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi uu u bixiyey Nabada iyo Horumarka [PDP] kaasoo uu isaga gudoomiye ka noqday. Illaa haddana waxaa uu hogaamiyaa xisbigaasi.
Xasan Sheekh wuxuu ku hadlaa luuqadaha Soomaali iyo English.
Sida dadka yaqaana ay sheegayaan Xasan waxaa uu aad ugu dhow yahay ururka Al Islaax, waana nin aad u dhexgala qeybaha kala duwan ee bulshada oo dabcan haddana sabab u noqotay inuu ku guuleysto madaxtinimada dalka.
Doorashada Xasan waxay soo afjareysaa xukunkii LABADA SHARIIF ee mudada afarta sano ka jiray Muqdisho waxaana ay tan horseedeysaa dawlad cusub oo aan ahayn ku meelgaar oo Soomaaliya ka bilaabaneysa.
By Abroone
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.