September 1, 2012 · 0 Comments
Ceel-Gaal-Awdalstate.com-Doofaarku abidkii ma daahiro waayo wuxu ka Samaysanyahay xaaraan laf iyo hiliba sidaa waxa lamid ah ninka la yidhaahdo Ismail omar guelle ee dictator africa ugu dictatorsan, kaas oo cidwaliba Ogtahay waxa u yahay ayaa raba marlabaad in u beesha ciise uu ka dhasay Galiyo dagaal lagu hoobto oo ka xun kii 90 aad kii u galiyay oo ay na khasaara Maahine beeshu ka helin wax dheefo.
Waxa la ogyahay in ismail beesha uu dhameeyay wax rajana ka qabin 1977 kii ilaa maanta haldoorka ciise uu ka dilay waxay ka badan yihiin inta qoomidaha kale ee Djibouti dagan haw ka dilay.
Hadaba, waxan ognahay in beeshu ay 90 aad kii dagaal gashay beesha Gadabuursi ey ood wadaagta yihiin dagaalkaasi wuxu ahaa mid beesha si Dhibyar loo galiyay iyada oon ka tashan, una galiyay isagu isagana ay ka Dambeysay naagta aw qabo oo rabtay in uga faa’iidayso beesheeda isaaq.
Dagaalkii markuu dhamaaday markiiba isaaq wuxu bilaabay siduu ula Heshiinlahaa Gadabuursi oo dhul iyo dal ka dhexeeyo tii badalkeedu waxay Noqotay in ciise dhiigiisii noqdo hal bacaad lagu lisay.
Ina Cigal markuu madaxwayne noqday isaga oo yimid Djibouti Xassan Guuled wuxu waydiistay in qaxootiga ciise lagu celiyo dhulkii wuxuna ugu jawaabay ” Maxay kaga yimaadeen dhulkii waxay joogaan dhulkoogii ow uga jeeday ciise somalia dhulkuma laha, dabadeed waxa madaxwayne Noqday Mudane DAHIR RAYALE oy beesha ciise cabsi ka wayn tii Ina cigal ka Qabeen wuxuna sameeyay markiiba in dadkii ku soo celiyo, dhulkii Gadabuursina ku qanciyo waa dadkii an wada dhalanay soo dhaweeya.
Gadabuursi sidii buu yeelay ciisana in tii caqliga u saaxiibahayd waxay Gorowsatay in gadabuursi cidwalba is xigaan lakiin masiiba qabe ina Geele Jariimad galiyay, waxana bilaabmay is aamin iyo walaalnimo horle oo lagu Wada noolaa intuu Rayale joogay.
Hadana in Omar Guelle isaga oo og xaqdarada aw djibouti ku haysto wuxu bilaabay dhaqdhaqaaq xeebaha aw ka bilaabay isaga saraakiil ku sheega ”Mamaasan” Hadaba beesha ciise ee xalaasha waxan uga digayaynaa in ay ku dhicin dabinka ina Omar Guelle ee u rabo 2 arimood inuu uga faidaysto
1 . In u Reer Djibouti ku mashquuliyo xaga somaliland si ugu sii fadhiyo kursiga.
2. Si uga hortago jabhad reer Djibouti ah oo la sheegayay in ay hawl ka bilaabidoonto hadii u nabad kursiga uga dagi waayo.
Talabaad Ismail o guelle Gadabuursi yuuna moodin kii 1991 kii ee dhaqaalihiisu ku xidhnaa djibouti waayo 90 kii way dhibyarayd in Djibouti an ka gaysano Dhib horle, lakiin waxa aad nooga horyimid odayadii maalintii noola I LAAHAY HA U NAXARIISTEE eegayay danta lagu qabay Djibouti.
Maanta dhaqaalaha Gadabuursi 70% wuxu xidhanyahay dibadda waayo Dadkayagii aqoonta lahaa ee ku dareeriyay Djibouti waxay si fiican oo sharafle uga shaqaystaan North of America oy waliba cadre sida managers, professors, Ambassadors iyo shaqaalaba.
Waynoo dhibyartahay in dagaal la galno regimka IOG waliba an ku horano ku Gadabuursi ee wali naageeya fshishiste Guelle waxanse digniin u diraynaa in Wadanka rajo ka qabta Djibouti ha ahaato ciise, anfar, gadabuursi ,isaaq, Ararab ect.
FRANSIISKA wasaaradiisa arimaha dibadda waxan u sheegaynaa oon uqoraynaa in askari reer Djibouti ah ama dirays hawato ama yuuna wadan xadka loyaddo dhaafo ay tahay faragalin ka timid xaga Djibouti cawaaqibkeedana ay qaadayaan ku kataliyay.
Guntii iyo gabagabdii hala ogaado waxa ka socdda xeebta Awdal.
wabillahi tawfiiq
By Abroone
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.