January 9, 2013 · 0 Comments
Waxan sallaamayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo Awdalstate. Inta aanan ugalin fikirka shaqsiyanka ah waxa isweydiin mudan Xornimada Awdalstate halkey taalaa? Aragtida aadmuhu kala duwan shaqsi waxla toosan mid kaluu tuur la leeyahey. Wacyiga taagan fikirada mideeya ama firdhiya xornimadu Awdalstate ha mideyso. Xornimo waa xariir kobcisa nabad galyada bulsho leedahey. Xornimo waa hanaanka waxbarasho, ganacsi, siyaasadeed iyo sumcadeed ee umadi hali karto. Aduunkaa usameysan in bani’aadanku hami yeesho la hiigsado , wanaag iyo horumar uugaara dhankasta mid shaqsiyaad iyo mid bulshaba. Hadase qoraalkani waa mid ugaara sida ugu wanaagsan ee bulshada Awdalstate ku gaadhi karto xornimo taama oo lama taabtaan ah.
Xornimada Awdalstate Xamar iyo Xasan Sheekh Maxamuud ma taalo. Mudane Xasan Sheek Maxamud ahna Madexwayaha rasmiga ah ee Soomaaliya hada inkastoo bulshadu uhanweyneyn waqti ku filan oo lagula xisaabtamaana aanu gaadhin hadana waxa cad inuu siyaasad jahawareersan galiyey Soomaaliya guud ahaan isagoo goboladii Soomaaliya kala xigtaytey. Hada maamulka Xasan Sheek ku baraaruqeen in SNM dhab ahaantii ka turjum karin Woqooyiga Soomaaliya ragbaa qori ka qaatey in dadkooda siyaasad lagu jujuubo, wayna ku qasban yihiin inay Khaatumo iyo maamul goboleedyada Soomaliya wada tixgaliyaan mid walba rabi taankiisa.
Xasan markii loo dhaariyey xilka isla markiiba wuxu kudadaaley siduu ukasban lahaa siyaasiyiinta gooni ugaasadka. Maba xuma inuu soo dhaweeyo qaybka kaligeed gidaar isku xidheysa rabtana iney dadkale ee Woqooyiga Soomaaliyana qofilka ay isku xidheen ku xidhaan, waxase layaableh dhayalsiga gobolada kale ee Soomaaliya. Xasan waa nin umuuqda nin degan oo naxariis shaqsi leh siyaasada ka madhan go’aan qaadashaduna aad ugu adagtahey. Waxa intaas udheer waa nin aan kala garaneyn hadaladiisu dhibaatada siyaasadeed uyeelan karaan midnimada umada Soomaaliyeed.
Madexwenayaasha Soomaaliya ilaa hada waxa ayku tiirsanyihiin taageerada dowaldaha jaarka mana awoodaan wax dheer hadal dublimaasiyeed oon laheyn lafdhabar iyo sal uuku fahiiso waqtiga xaadirka ah. Xasan wuxu dheeraadey kuwii hore ee kumeel gaadhka isagoo siyaasada ka fogeeyey Soomaalida ku nool Woqooyiga Soomaaliya sidii uu iskaga dhisi lahaa maamulka SNM taasna dadka qaarkood uba micneysteen in Mudane Xasan cadeystey taageerada aan xadka laheyn ee uu la garab istaagey maamulka SNM.
Madexweynaha waxey ku qaatadey mudo dheer sidii uu usoo xuli lahaa raysalwasaare iyo gole wariiro ah aakhirkiina wuxu la shiryimid 10 wasiir sababna uga dhigey inuu dhimaayo karashka. Waxase taas waxba kama jiraanka dhigaaya Soomaaliya oo mar yeelatey 500 xilibaan hadana leh qiyaastii 270 xilibaan ee baarlamaanku ka kooban yahey. Awdalstate baynu sameysaney dadaalo badan oo la sameeyeyna wey jiraan laakiin wali meynu gaadhin hadafkeena dhabta ahaa.
Caqabada ugu wayn ee Awdalstate hortaali waxa weeyi dhaq-dhaqaaq xornimo doon ah oon wali ka hirgalin degaanada Awdalstate. In dadku sameystaan halgen nuuckasti leh ku hubeysan, midnabadeed iyo mid dublamaasiyeed xornimadoonkey ka midtahey. Markaa shaqsiga diidan sadexdaa midkood ama xil haka hayo ama yaanu haynayne waa shaqsi wiiqaaya in Awdalstate laga hoos saaro Jabhada SNM. Awdalstate Jaybahdbey iska xoreyneysaa jahbadna jahbadbaa ka xoreysa dadkeeda. Nadabadu waa mid uwanaagsan guud ahaan aadimaga inse rayidka la dhibaateeyo gurayaago saqda-dhexe lagala boxo oo magaalo kale lagaga soo duulaa nabad maaha. Dadka oo rabitaankooda siyaasadeed iyo xuquuqdooda bani aadanmimo lagu tunto loona dibjireeyaa nabad maaha. Dariiqyada oo la isku taagi nabad maaha. Nabadi waa ta aad adigu masiirkooda iyo taladooda iyagu ka arimiyaan. Fadlan shaqsiga aan diyaar u-aheyn halgan buuxa hadii uu xilhayo ha iscasilo oo sikala ha utaageero dadkiisa watiga yaanu kaga ciyaarin.
Dublamaasiyad dheeraad ah, wacyigalin bulshada iyo daadaalo tiro beeleyba waynu sameyney. Wali hadana xornimo buuxda oon dhulkeenii taladiisa dadkeenu qabtaan maynu gaadhin. Xornimadu si dhibyar umatimaado ilaa loo wada hagarboxo loona huru nafta. Anigu xornimada waa jeclahey dhimadana ma ogali xamarbaankasoo wareegi, caalamkaan ku wargalin ma xuma laakiin ilaa la helo dad xornimo udirira ha filin in aayaruun aynu Awdalstate Awdal uga qotomino. Bulshada Reer Woqooyiga qaarkoodbaa tusaale kuugu filan sida Kaatumo State oo geed dheer iyo mid gaabanba ukorey in si nadab galyo ah SNM uga baxdo dhulkooda markii laga yeeli waayeyna qorigeyku qasabtey. Maanta waad arkeysaa iney markii ugu horeysey si xora ah Xamar Garaadadoodu si sharaf leh degaanadooda garoon diyaaradeed oo cusub ugasoo dageen.
by maxamuud
By awdal
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.