September 13, 2011 · 0 Comments
Boon City-Awdalstate 13, 2011 (HOL) — Xukuumadda Turkey ayaa dalkeeda geysay 14 caruur Soomaaliyeed oo ah xanuunsan si loogu daweeyo, iyadoo la sheegay in caruurtan ay qabaan cudurro kala duwan oo ay ka mid tahay nafaqodarro.
Caruurtan ayaa waxaa la dhigay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Istanbuul laguna magacaabo Avicenna oo ku yaalla xaafadda Esenler, iyadoo garoonka looga qaaday gaadiidka gurmadka deg-degga ah.
“Waxaan 14 cunug ay ka mid ahaayeen dadkii macluushu saameynta ku yeelatay ee Muqdisho ku sugnaa, waxaana rajeynaynaa inay iyadoo iyagoo caafimaad qaba ay dib ugu laabtaan dhawaan dalkooda,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka hay’adda gargaarka bani’aadamnimo ee Turkiga, Yasar Kutluay.
Daweynta caruurtan ayaa waxaa iska kaashanaya ururka xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta ee dalka Turkiga, hay’adda xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda ee Turkiga, ururka gargaarka bani’aadamnimada Turkiga iyo shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines.
Mr. Kutluay ayaa sheegay in shacabka Turkiga ay diyaar u yihiin inay caawiyaan mar walba dadka Afrika. “Waxaan u mahadcelinaynaa qof walba oo Turkish ah, sida ra’iisul wasaaraha Recep Tayyip Erdogan. Innagoo uga mahadcelinaynaa ololaha ay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.
“Caruur fara badan oo Soomaaliyeed ayaa u qaadaynaa dalka Turkiga si loogu soo daweeyo. Waayo innagu waxaan halkan (Soomaaliya) ku leenahay isbitaal kaasoo ah Carafaat Hospital. waayo muddo 10-sano ah ayaa taageeraynay isbitaalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Ugu dambeyn ku xigeenka madaxa hay’adda gargaarka bani’aadamnimo ee Turkiga Kutluay wuxuu sheegay inay qorsheynayaan inaan u soo dirno Soomaaliya sida markabkii Mavi Marmara oo ay ciidamada Yuhuuddu ku weerareen biyaha caalamiga ah isagoo kusii jeeda magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, kaasoo ahaa Isbitaal.
Xigasho: Hiiraan.com
Alaa Mahada Leh 
By awdal
This program is initiated and hosted by The Samaron News Media Network*
and officially started in 30 July,2009.
Dantayda Waxay Tabaysa Dantaada, Go'aankaygu Wuxu Tabaya Talolaada, Yaboohaygu Wuxu SUgayaa Imaatinkaaga, Dhiigaga IYo Dhiigaygu Waxay Mid Ka Yihiin Awow Qudha, La'aanteen Qoladeenu Beel Ma Noqoteen *Today The Samaroon and Awdalstate Media Network teamed up to introduce you to a new unique serial chapter of "GDAL MOVEMENT" where you can follow up the latest news about the struggle of Awdalstate for an autonomous state of thier own , we named this great chapter of struggle ”GDAL MOVEMENT”. it will be a movement full of serial freedom fighters, it will be a movement fighting for the cause of Awdal state people and it will be a place where every Awdalite start their bit of struggle to enforce full functional and autonomous region of Awdal State. HERE we start today and WE won’t let it stop*(IA), WE promise, WE just can’t do that to Awdal people before we tried first, We’ll continue to write and fight by any means until the sun of freedom is seen by the people of Awdal, until Awdal State is Formed, Until it is autonomous and functional, until it stands alone, until we done, until Awdal is free or We die Trying.